Garsooraha guud ee maxkamada federaalka ayaa sheegay in shaqsiyaadka falalka danbiyada ah sameeya in sharciga la horkeeno ay dhiibaato ku noqotay..
Sharciga baadha danbiyada ee etoobiya oo ku salaysan markhaatiyasha goob jooga ah in caqabad ay ku noqotay buu u sheegay wargayska maleda madaxa prees sekretariyat Awal sultaan ee garsooraha guud ee maxkamada.
Waxa kale oo u sheegay in danbiyada kala duwan ee la sameeyo aan logaga markhaati fuuraynin si cad, tasina ay dhibaato ku noqonayso in la ganaaxo danbilahaas.
Xilyadii la soo dhaafay falalkii danbi ee ka dhacay oromoiya, beenishangul iyo deegano kale ayaa waxa la geeystay dhibaatooyin faro badan,sidaas dartedna geedi socodka badhitaanka danbiyada ee ay bulshadu ku markhaati furtay danbiyo gaadhaya boqolkiiba sagaashan ay ka dhigtay danbilayaashi eedeysanayaal.
Sida oo kale waxa u noosheegay in xiliiyada danbe ay danbiyada kooxuhu fulinayaan ay ka danbeeyaan kooxo adag taasina ay dhib ku noqotay in danbiilayaasha si sahal ah loo soo qabqabto oo sharciga la hoos keeno .
Xeer ilaliyaha guud ee maxkamada waxa u yidhi imika laga bilaabo meel kasta oo falal danbi laga sameeyo hadii loo hayo xog in ku filan ah si looga qaado talaabbo sharci diyaar baan u nahay.
Hase ahaate hadii bulshadu sidii looga bahnaa anay noo cawinin in shaqsiyaadka danbiyada sameeyay talaabo laga qaado caqabad ayay noqonqysa,waxa kale oo u hoosta ku xariiqay Awal in ka qayb galka bulshadu door wayn ka qaadanayso.
Waxa kale oo u cadeeyay in marka falalka danbi ee la samaynaayo loo eego ay shaqsiyaadka danbiyada samaynayaa ay aad u yaryihiin imika ahaan marka si guud loo eego waxa jiri kara shaqsiyaad inta ay danbiyo sameeyeen sharciga ka baxsaday.laakiin se cid sharciga ka baxsan karta anay jirin in mudo ay qaadato mooye.
Meelo kala duwan cidii dad ku dishay,meelihi ay ku noolaayeen ka baro kiciyay iyo hantidoodina burburiyay in ay mutaysanayaan ciqaab.sidaas darteedna in ay laga qaado talaabo sharci sidii hore si ka badanna loogu hawlanyahay ayuu sheegay xeer ilaliyaha guud.
Waxa kale oo u masuulku u sheegay wakhtiyadi hore danbiyadi isug jiray qalalaasaha iyo rabshadaha ee lag sameeyay deegaanka oromiya shaqsiyaadka looga shakiyay in ay danbi sameeyeen inta baadhitaan lagu sameeyay oo ay bulshaduna ay soo sheegtay, in laga kala qabqabtay lix dagmo 3kun iyo 300 oo qof in kabadan oo danbiilayaal, kuwaasi oo sharciga la hoor keenay. Sidoo kale danbilayaashi laayay shan qof oo hal qooys ka mid ahna maxkamada guud ee oromiya ay ku xukuntay xadhig gaadhaya 1 sano ilaa 20 sano iyo ganaax lacageed.
Waxa u intaasi raaciyay deeganka benishaangul gobelka metekel degmada dhaanguur ee qabalaha dhengezin dad hubaysan oon la garanayn oo watay hub ay xabado ku fureen dad rayd ah ooy laayeen dadka qaarna ay ka qaxeen guryahoodi oo hantidoodina la burburiyay.
Imika ka horna meelaha la yidhaahdo wnbara iyo bulan in shan budhcad ah oo ka qayb qaatay dhibatooyinki halkaasi ka dhacay talaabona laga qaaday ayuu sheegay masuulku.
Sida oo kale waxa u masuulku u cadeeyay in dhawaan 20 danbiilayaal oo laga shakisanaa iyo sadex nooc oo hub ah gacanta lagu dhigay oo hawshooduna ay maxkamada ka socoto.
Ugu danbayntina waxa u bulshada ku booriyay in ay sharciga la shaqeeyan oo ay cidi danbi samaynaysa ee la arkona sharciga la hor keeno.
አዲስ ማለዳ Hamle 3 2013 No 3


