Dr. Ababach Gobanaa

0
941

Wakhtigu waa taliye.bini’aadanka oodhan waa abuur aan awood lahayn oo moodayo in uusan guul daraysan Karin. Laakiin waxaa jira dadka qaarkood oo wakhtigu uu ilbixiyo. Sidee hadaad tiraahdaan,waa su’aal fiican. Jawaabtu waxay tahay dad waxaa jira wakhtiga ka faai’idaysta oo wax wakhti walba aan la iloobi Karin aduunka ku soo kordhiya ama ka qabta. Shaqadaas oo mudo badan laxasuusan karo jiilka dambena dhaxal u noqda.

Dad badan waxay is waydiinayaan ‹‹maxaan ku magacawnaa!› oo magac bixinteedii ayaa lagu mashquulay. cid walba laakiin magicii ay isdhaheen way u qalantaa ayay u la baxeen.dogtar ababach gobanaa ayaa ahayd dadkii aan kor ku soo tilmaamnay ee wax qabadka uu wakhtiga iloobi doonin soo qabatay. Waa haweeneey iyo hooyo wakhtiga kaga guulaysatay wax qabadkeeda oo abaal wayn soo gashay. Cimriga lagu qiimeeyo wakhtiga,saacad walba iyo daqiiqad walba,maalin walba iyo bil kasta,bilo iyo sanadaha waa hooyadii umada oo caruur badan korisay,waxyaaba badan oo aan la ogaan lahayn hooyadii na ogaysiisay ayay ahayd.

Mar ayaa waxaa dhacday,qof ayaa hooyo ababach gobanaa u yimid oo isku dayay in uudhaco asaga oo hub adeegsanaya.laakiin mudo kadib shaqsigii dambi kale oo tuuganimo ayaa lagu qabtay oo xabsi ayaa loo taxaabay.kadibna ninkii isku dayay in uu hoyadan wanaagsan dhaco caruurtiisii ayaa bilaa waalid noqday.maadaama hoyadan wanaagsan ee ababach gobanaa ahayd shaqsi u taagan soo saarida jiilka wanaagsan ee mustaqbalka iyo hooyada caruurta,waxay go’aansatay in ay ninkii isku dayay inuu dhaco caruurtiisa in ay koriso. Waa hooyo noocaas! Hoyadu waxay lahayd qalbi aad moodo nabi quraanka lagu xusay oo kale waxay ahayd qof aad u wanaagsan oo jecel inay wanaag samayso.

Ababach gobanaa ayada oo aan wax caruur ah dhalin ayay hooyo noqotay.waayo hooyo ayay caruur badan u ahayd.qooysas badan oo farxad waayay ayaa hooyadan farxad ka helay. Qooys dumay intay guryahoodii ka soo saartay ayay ka caawisay in ay reer iyo nolal yeeshaan.wanaagii iyo abaalkii hooyadan fiican ayaa dad badan qalbigooda aan ka bixin.in kasta oo aysan hoyadan maanta ifka aysan joogin laakiin wanaagii iyo abaalkeedii waa mid jiilba jiilka dambe uu ka dhaxli doono oo la xusi doono.

xusuus!
Hooyo ababach gobanaa waxay dhalatay bisha tikimt 10keeda sanadka 1928 ee tirsiga itoobiya.waxayna ku dhalatay magaalada fiche.xiligu wuxuu ahaa waagii goomaystihii talyaaniga uu dullaanka ku soo ahaa dalkan itoobiya,ayada oo aan sanad jirsanin ayay aabaheed dileen ciidanka talyaaniga.nolasheeda caruurnimo maysan ahayn mid wanaagsan.markii ay gaadhay da’ada 11 sana jir reerkeeda ayaa ku qasbay in ay guursato.

Laakiin go’aankaasi qasabka ah maysan ogolaanin.waxayna ka baxsatay gurigii ay daganayd oo waxay u carartay guriga hooyadeed.laakiin dhanka hooyadeed “gabadhaydiiyeey bagaad iigu timid” maysan ahayn jawaabteedu.ayadii ayaa la canaantay oo lagu yiri sidee “ayaad noo ceebaysay”.kadibna ninkeedii iyo gurigeedi in ay ku laabato ayay sheekadu noqotay.markaas ayay xaaladu sii cakirantay oo ay xumaatay.mar kale si aysan guriga uga baxsanin waxaa loo sameeyay ilaalo ka warhaya oo albaabka lagu xiray.laakiin taas hadafkeeda kamaysan joojinin.laakiin habeenada habeen ka mid ah ayay habeen barkii baxsatay.

Xiligaas ayay safar gashay.saddaxdii cishaba sidii ay magaalo ugu nasanaysay ayaa ugu dambayn waxaa ka naxay oo caawiyay gaadhi xamuul ah,si uu u gaadhsiiyo magaalada addis ababa.kadibna addis ababa ayay gaadhay.maadaama ay ka shakisay dirawalka gaadhiga waday xaaladiisa iyo wakhtiga oo xili dambe ahaa ayay magaalada dhax bartankeeda xaafad ku taala oo lagu magacaabo biyaasa ayay gaarigii kaga dagtay. Intaas waxaad ku darsataa inay tahay gabar 11 sana jir ah oo xili dambe magaalo aysan aqoonin gaadhi kaga dagtay.

Xiligaas shaqsi lagu tilmaamay in uu ahaa qof wanaagsan oo caan ah oo xaafadahaas marayay ayaa arkay gabadhan yar ee wadada dhinaceeda fadhida.shaqsigii ka muusan taginee intuu ku dhawaaday ayuu ka xeeyay sida ilmihiisa oo kale ayuu u koriyay. Xiligas iskuul farsamada gacanta lagu barto inay wax kabarato ayay fursad u heshay.

Hooyo ababach gobana taariikhdeeda caruurnimo ayuu hordhac u ahaa dhambaalkaasi.kadib waxay ka shaqo gashay shirkada raashinka iyo dalaga beeraha. Laakiin hooyadu waxay aad u xiisayn jirtay in ay noqoto shaqsi diinta faafiya.laakiin reerkeeda ayaa yeelay in ay guursato oo ay reer yeelato.way guursatay oo reer ayay yeelatay laakiin wax caruur ah maysan dhalin.laakiin xaaladu ayada oo ay sidaas tahay nolal iska wanaagsan ayay ku noolayd.

Xiligii ayaa la gaadhay ee sanadka 1972dii.mar ay safar ugu baxday munaasabad diinta masiixiga ayada oo ku siijeeda gobolka wallo.safarkeeda ayay ku soo aragtay caruur abaartii xiligaas ay waalidiintoodi ay laysay.halkaas ayayna shaqadeeda gargaarka bini’aadantinimada iyo samafalka ka bilawday.arinku mid la dhayelasn karo muusan ahayn ayadana arinka qodob muhiim ayuu u ahaa.waxayba go’aansatay in ay gurigeedi nolasha wanaagsanaa iyo reerkeedi ay iskaga tagto oo hawshan ay u go’odo.

hal sano gudaheeda ayay bilawday in ay koriso 20 caruur. Laakiin arinkaas waxay keentay in ay reerkeeda dhahaan ‹‹ababach way soo waalatay››.wanaageeda iyo qalbigeeda naxariista leh ayaa gaadhsiiyay heer reerkeeda ay waalni ku tilmaamaan. Ayada laakiin hawsheeda ayay sii wadatay.nolasheedii wanaagsanayd intay iskaga soo baxday ayay ku dhaqaaqday iny nolasha la qaybsato caruurta bilaa waalidka ah,dhibkooda ay dhagaysato oo mustaqbalooda bari ay maanta ka sii shaqayso ayay diirada saartay.

Dalkan itoobiya haayadii ugu horaysay ee dawlada ka madax banaan laguna koriyo caruurto oo lagu magacaabo ababach gobanaa ayaa la aasaasay.
Hanti badan oo ay lahayd ayay lacag yar iyo dahabkeedi oo kaliya kala timid ayada oo dib caruurta ugu caawisay.laakiin intaas caruurta way ku filnaan wayday. Xiligaas ganacsiga ay islahayd dhaqaala ayaa laga helayaa wuxuu ahaa in ay salool iibiso shaqadaas ayayna bilawday.waxaas oo dhan waxay u samaynaysay waxay ahayd inay caruurta bilaa qasabka ay korinayso aysan wax waayin.ayada oo sariir haysata ayay caruurta salli kula seexan jirtay.waxay haysato caruurta intay u qaybiso ayay ayada qatanaan jirtay.

Intaas kumaysan joojinin. Dadaalkeeda waxay ku kasbatay haayadaha samafalka ee caalamka in ay caawimaad siiyaan.ayaduna maadaama deeq la helay maysan seexanine wax walba oo dhaqaala soo xarayn karo inay ka shaqayso ayay sii joogtaysay. Dhibkaas sidaas ayay kaga gudubtay.xiligii caruurnimadii,dhalinyarnimadii iyo markii ay waynaatayba marar kala duwan ayay caqabada kala duwan qabsadeen.dhibkaas oodhan riyadeeda kamaysan joojinin.marnaba ismaynan dhiibin.

Hooyo ababach gobana in kasta oo wanaaga ay dalka u soo qabatay aysan abaalmarin oo kaliya u qalmin hadana waxaa la gudoonsiiyay abaal marin sharafeed. Tan iyo markii ay aasaastay haayada samafalka waligeed ma aysan deeq iyo mushaar midna ka qaadan jirin. Abaal marinada iyo lacagaha hadiyad ahaanta loo siiyo ayay u adeegsan jirtay in ay caruurta u hibayso oo ay ku farxad galiso.waxaana abaal marin iyo farxad u ahayd farxada caruurta.

Shaqsiyaadka iyo haayadaha sama falayaasha ah,hooyo ababach gobana maxay ka dhaheen:-
Wanaaga hooyo ababach gobana inay fikirkooda iyo dareenkooda nala wadaagaan ayaan waraysi yar la yeelanay qaar ka mid ah aasaasayaasha haayadaha samafalka ah,ayaga oo fikirkooda si farxad leh noola wadaagay.

Aasaasaha iyo maareeyaha haayada merijooy sistar zabidar zawde oo fikirkeeda dhiibatay ayaa tiri;hooyo ababach gobanaa haayadaha samafalka ee maxaliga ah waxay u noqonaysaa tusaale wayn.‹‹waa hooyo halgan wayn samaysay,waa tusaale wayn,cimriga hadii intii la iska jaro qof kale loogu deeqi karo ayada inaan ugu deeqno ayaa fiicnaan lahayd››. Hooyo ababach gobanaa oo bil ka hor wargayska addis maalada waraysi siisay ayaa maanta,inala joogin oo way naga baxday.

‹‹ dadka marka ay aduunkan ku noolyihiin waxa ugu wanaagsan ee inaysameeyaan fiican waa inay dadka kale nolal siiyan››.ayay tiri sistar zabidar,ayada oo intaas raacisay diin walba hadii la eego ilaahay wanaaga uu qofka sameeyay umbuu kala xisaabtamayaa.‹‹ dadka kale nolashooda inaad sabab u tahay wax ka farxad badan ma jiraan.hooyo ababach gobanaa sidii hooyada ay caruurteeda ugu nooshahay ayay ayaduna anaga noogu nooleed oo jiil wanaagsan ayay soo saartay››.

Shaqsiga kale ee qalbiga wanaagsan ee maanta aan nolal inagula joogin waxay ahayd aasaasaha iyo maareeyaha haayada niyaa foundation marwo zami yanus.zami intay aysan geeriyoonin dowr todobaad ka hor wargayska addis maalada ayay waraysi gaaban la yeelatay. Waraysigaas mar ay ka hadlaysay hooyo ababach gobanaa ayay tiri, ‹‹ ababach gobanaa waa hooyo aan aad u jeclahay oo aad u wanaagsan.shaqada ay qabatay waa shaqo wayn. Qof nasiib leh umbaa shaqada noocan oo kale qabta.anagana qalbigaas wanaagsan oo kale ayaan alle ka baryaynaa.dad sidaas bulshada ugu wanaagsan oo ugu shaqeeyo alle hanaga dhigo.naftaada intaad kaafiso in aad dad kale caawso waa wax aan sahlanayn.hooyo ababach in magacya wanaagsan loo bixiyo ama wax yaaba kale lagu xasuusto waxaa ka wanaagsan shaqadeedii wanaagsanayd inaan kadaba qabano››.

Wargayska addis maalada wax qabadka hooyo ababach gobanaa shaqsiyaadka uu waraysiga waraysiga la yeeshay waxaa ka mid ah maareeyaha iyo aasaasaha haayada samafalka abenezar ee argaaw ayala. Mudane argaw ayaa haayadiisa ka aasaasay magaalada hawaasa muda 15 sanadood ka hor kadib markii uu booqday haayada samafalka ee ababach gobanaa.hooyo ababach inay tahay shaqsi sharaf mudan oo markii uu taariikhdeeda xasuusto oo aad ula yaabo ayuu sheegay.

‹‹shaqsiyaadka waawayn ee saamaynta caalamka ku leh ee taariikhdooda aan buugaagta ka akhrinay ayay hooyo ababach gobanaa dhaqan galisay.ayada oo aan waxba haysanin ayay shaqo wayn qababaty.magaceedo waa in taallo loogu dhisaa.wadooyin badan waa in magaceeda lagu magacaabaa si dadka wadooynkaas maraya ay u xasuustaan wanaagii iyo shaqadii ay soo qabatay hooyadan wanaagsan.››

Hooyadan wanaagsan ee wadanka abaalka wayn u soo gashay maadaama ay naga geeriyootay wargayska addis maalada ayaa ka tacsiyaynaya.caruurteeda iheledeeda iyo qaraabadeedana samir iyo iimaan ayuu wargaysku u rajaynayaa.caruurtii ay korin jirtay ee hooyadood waayayna niyada inay u qabowdo oo ay samraan ayaan u wada rajaynaynaa.


አዲስ ማለዳ Hamle 3 2013 No 3

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here