Waxa deegankaasi laga soo xareeya amaahada la siin jiray boqolkiiba hal oo kaliya.
Wakalada shaqo abuurka magaalooyinka iyo damanad qaadka cuntada ee federaalka ayaa sheegtay in misaaniyadi sanadkan 2013ka ee deeganka canfarta aan wax lacag amah ah aan loogu soo darin.sida marwo Abozenej Negaash oo ah madaxa arimaha xidhiidhka ee wakalada ay ug warantay wargayska addis maledain soo celinta lacagaha amaahda ee deegaanku ay aad u hosayso oo soo celin laanta amahaha deegaanka canfartu ay dhib ku noqtay in lacago kale oo dayn ah la qaybiyo.
Sida ay wakaaldu warbixinteeda ku sheegtay ayaa ah in miisaaniyadii sanadka 2013ka loo qaybiyay deegaanada amaaho kuwaasi oo kala ah deeganka oromiya 1.1 bilyoon, axmaarada 1.7 bilyoon, maamulka magalada diridhaba 120 milyoon, addis ababa 1.2 bilyoon deegaanadnina oo ah kuwii si dhaxdhaxaad ah u soo celiyay amaahdooda, waxa kale oo ay deegaanada kale la ee ay ka midka yihiin la siiyay dayn dhan benishaangul gumz 3.2 milyoon, sidhaama 119.7 miliyoon, gaambela 2.9 miliyoon, harari 19.6 milyoon, konfurta 588 milyoon,soomalida 61.1 milyoon. ayada oo xaladu ay sidaas tahay ayaa deegaanka canfarta aan sanadkan loo qaybinin lacagti daynta, waxaana ay wakaaladu ay warbixinteeda ku sheegtay in dayntii loo qaybiyay deegaanka canfarta laga soo xareeyay kaliya boqolkiiba hal.
Waxa ay sheegtay masuulku in lacagaha daynta ah marka la qaybiinayo hadana loo baahan yahay in la soo celiyo. Deegaanada oo dhan mikro finaansiyada ka jira marka ay daynta soo celinayaan waa In ay boqolkiiba 97 soo celiyaan hadii kale dayn kale in loo qaybiyo waxa ay noqonaysa dhib.
Sida ay warbixintu sheegayso deegaanadu qorshihi ay ugu talo galeen in daynta ay ku soo celiyaan diridhabe 117.6 miliyoon, soomalida 52.2 milyoon addis ababa 996 milyoon, amxaarada 1.3 milyoon iyo oromiya 1.2 bilyoon, ku waasi ayaa muujiyay dhaqdhaqaaqi ugu roona, kuwa kale ee hadhsana sida siidhama 107.8 miliyoon, harari 16.9 miliyoon,koonfur 440 milyoon, gaanbeela 1.9 milyoon, beenishaangul 4.4 milyoon iyo canfarta 651 kun waa kuwa muujiyay dhaqdhaqaaq hooseeya, waxa ay wakaaladu sheegtay oo kale in misaaniyadi sanadki hore lacagihi 7.6 bilyoon ahaa ee daynta ee ay qaybiyeen marka la barbar dhigo ta sanadkan ay ka hosayso boqolkiiba 32.8 .
Sida ay sheegtay Abozenej guud ahaan dalka waxa ka muuqatay in ay soo celinta daynta ay ka cago jiidayeen. Waxaana sababta ugu wayn ay ahayd in ay fikir khaldan ka qabeen dainta oo ay qaar ka mid ah dadka dainta qaatay qabeen fikir ah waxa aan qaatay qaybtaydii muwaadinnimo oo ay isku dayeen in aanay soo celinin daynta.
Sababaha kale ee ay isku dayeen in aanay soo celinin daynta waxa ka mid ahaa in ay qaataan daynta oo ay baxsadaan iyo in inta ay qaatan daynta oo ay ku tahriibaan.
Waxakale oo intaasi dheer bay tidh marki daymaha la bixinayay oo aan sidi sharciga ahayd loo marin taasina waxa ay caqabad ku noqotay mikro finaansiyada yaryar.si gaar ahaaneedna ayada oo loo adeegsaday arin siyaasadeed oo in lacagaha si balaadhan loo qaybiyay markii danbena in la soo uruuriyo ay ku adkaatay, maadama sharcigi u yaalay daynta aan lagu bixinin lacagta in la soo uruuriyona waxa ay noqotay dhib.
Waxa kale oo ay cadaysay in dadki laga soo tarxilay wadamada kale ee la qoorsheeyay in la siiyo dain si ay ugu shaqaystaan aan wax looga qaban sidi la rabay, sidaas darted lacagtii la qoorsheeyay in dadkaasi la siiyo ee ahayd 21.925 ayaa waxa hir gashay oo kaliya in la siiyo 7.181 kaliya si ay shaqooyin ugu abuurtaan.


