Waxa la sheegay in kooxda tplf  ay dhalinyarada raaya ku nool ugu hanjabto hadii aanay dagaalka la galin in la layn doono

0
1155

Sida wargayska addis maleda ay ugu warameen dadka halkaasi ku nool kooxda argagaxisada lagu magacaabay ee tplf ayaa dhalinyarada ku dhaqan raaya ugu hanjabta in ay dagaalka ka qayb galaan oo ay iyaga la saftaan hadii aany sidaasi yeelinna in la dili doono.

Kooxda argagaxisada ah ee tplf ayaa dhalinyarada qobo,waaja iyo alamaata inta ay ku ururiyeen dugsiga edget joora ee qobo ku yaala ku yidhi dagaalka waa inaad nagala qayb gashaan oo aad na hor gashaan anaguna waan idin garab taaganahay, markii ay dhalinyaradi ay fikirkoodi ka qaadan waayeenna waxa ay ugu digeen in ay layn doonaan, arintana waxa wargayska addis maleda uga waramay dad halkaasi goob joogayaal ka ahaa.

Waxa xogta wargayska addis maleda u soo ogaaday in kooxda argagaxisada ah ee tplf ay magaalada qobo ay rabaan in ay ka samaystaan maamul ,oo ay ku jiraan hawsha sidi maamulaha iyo duqa magalada ay ugu dooran lahaayeen. Bulshadi halkaasi daganayd ee aan ka qaxinna waxa la sheegay in ay ku qasbeen in ay iskabadalaan aqoonsigodi hore ee ay haysteen ee deegaanka axmaarada oo ay ku badalaan ka degaanka tigraay.

Wiil dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Yaaredh Belaay oo u waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in ay kooxda tplf soo uruurisay dadka degaanka axmaarada u dhashay ee ku nool waaja iyo alekaata oo ay ku yidhaahdeen in ay ka gudoomaan kaadhka aqoonsiga ee tigraay oo ay ayaga la jiraan hadii ay diidaanna ay layn doonaan.

Waxa kale oo u yidhi Yareedh in kooxda tplf ay magalada qobo dad ku nool oo rayid ah oo aan tiradoodu cadayn ku laayeen, sida oo kale ay ku burburiyeen hanti badhna ay dhaceen imikana ay ku jiraan hawsha sidii ay duqa magaalada u dooran lahaayeen.

Dhinaca kalena dad kaso barokacay bisha hamle 27keedi 2013ka raaya agagaarkeeda oo magaladan addis ababa u soo qaxay iyo dadki hore ugu noolaa magalada addis ababa oo u dhashay raaya iyo agagaarkeeda ayaa shirk u yeeshay magalada addis ababa waxaana shirkoodaasi ay ku sheegeen in kooxda argagaxisada lagu magacaabay ee tplf ay magaalooyinka raaya qobo,waaja iyo gidhen ay dad badan oo tiradooda la garanaynin ku layeen, haween badana inta ay kufsadeen hadana ku dilay, sida oo kale wayeelkana ku silciyeen halkaas. Waxa intaas dheer bay yidhaahdeen in ay magaalooyinkaasina burburiyeen oo ay hanti badanna ay ku dhaceen.

Dadkaasi u dhashay raaya ee ku nool magalada addis ababa oo ka hadlay arinta xilgan taagan ayaa sheegay in dadkii halkaasi ka soo qaxay ay ku sugan yihiin magaalooyinka woldhiya,mersa iyo dhese qaar soo bixi kari waayay oo halkaasi lagu haystona ay jiraan. Waxaana ay u baahan yihin bay yidhaahdeen gargaar,waxaana ay baaq u direen dawlada oo ay yidhaahdeen waa in dadkaasi la ogaado.

Waxa kale oo wargayska addis maleda oo ka qayb galay shirkaasi u sheegay in dadki shirka ka soo qayb galay ay hadaladoodi raaciyeen in wali ay kooxda tplf meelo badan oo ay ka mid yihiin qobo,tekulish, goobye, saanka, muuja iyo gidhen ay ka wadaan wax yeelooyin iyo dagaal oo ay dadkoodi halkaasi ku sugnaana la dhibanyihiin gaajo iyo dagaal.

Dadka u dhashay raaya oo fikirkooda ka dhiibtay arintan ayaa sheegay in dadka ka soo baro kacay raaya ee ku sugan woldhiya ay u baahn yihiin gargaar, in imka ka hor ay isu diiwaan galiyeen in kabadan shan jeer si ay u helaan caawimo balse aanay ilaa iyo hada aanay helin wax gargaar ah oo ku filan.

Waxa xusid mudan in wargayska addis maleda u uwaramay xafiiska ka hor taga masiibooyinka iyo damaanada cuntada ee degaanka axmaarada una sheegay in dadka ka soo baro kacay raaya qobo iyo agagaarkeeda ay tiradoodu ka badantahay 150 kun, sida oo kale u sheegay in muwaadiniinti ka soo bixi kari waayday halkaasina ay dhibanyihiin.

Wargayska addis maleda ayaa isku dayay in xoog dheeraad ah oo ku saabsan arintaasi u ka waraysto duqa magalada qobo mudane Mengesha Ashebir oo u tilifoon ku waraysto waxaana u ugu jawaabay duqa magaaladu madaama u khadku xunyahay wax xog ah mahayo, si markale u wargaysku wax uga waydiiyo arintaasi waxa u isku dayay in dhawr jeer ku celceliyay tilifoon balse waa laga qaban waayay.

Waxa kale oo xusid mudan in wargayska addis maleda dabacaadisi u todobaadki hore soo saaray u ku soo qoray in dadka ka soo baro kacay qobo iyo agagaarkeeda ee ku sugan woldhiya ilaa iyo dhase ay la dhibanyihiin meelo ay hoy ka dhigtaan iyo waxyaabaha nolasha asaasiga u ah.

 

 

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here