Waxa la sheegay in wax soo saarka dalaga beeraha addis ababa ilaa jabuuti la geeyo qiimihi lagu raraayay gaadiidka uu kordhay

0
620

Wax soo saarka dalaga beeraha ee dibadaha loo dhoofiyo ee addis ababa ilaa iyo jabuuti loo qaado ayaa wakhtiba wakhtiga ka sii danbeeya la sheegay in qiimiha gaadiidka lagu qaado uu kordho waxana arintan sheegay ganacsatada ku hawlan dhoofinta wax soo saarka dalaga beeraha.

Shakhsi aan doonayn in magaciisa la sheego oo ku nool magalada addis ababa oo hantiile ha’ayad caalami ah oo badecooyinka dibadaha uu dhoofisa dalkana uu soo dhoofisa leh ayaa wargayska addis maleda uu sheegay in halka kiintaal sanad ka hor lagu rari jiray wax ka yar 120 bir laga bilabo xili dhawaydna uu qiimuha lagu rarayo halka kiintaal uu noqday 170 bir.
Waxaana qiimahasi lagu rara addis ababa ilaa iyo jabuuti, halka gaadhi ee xamuulka ah waxa uu qaada 400 oo kiintaal waxaana lagu qaada qiimo gaadhaya 68 kun oo bir, waxa kale oo uu sheegay in marka lagu rarayo markabkana qiimo kale oo badan lagu bixiyo.

Waxa kale oo arintan ka hadlay ganacsatayaal ka kala duwan oo arintan ka cabanaya, waxaana ay yidhaahden xiliga soo socda dhibaatadan sida lagu xalin doona wax war ah lagama hayo.
Zemikael Dhaanieal oo ah mareeye ku xigeenka ha’ayada “freeters internashinaal” ee sida gaarka ah loo leeyahay ee ku hawlan adeega gaadiidka ganacsiga alaabada dibadaha loo dhoofiyo iyo kuwa dalka loo soo dhoofiyo waxa uu sheegay in qiimaha badeecadaha lagu dhoofiyo uu kordhay, waxaana sababta kowaad uu ah bu yidhi qaybaha wax soo saarka dibadaha uu doofiya oo soo batay iyo qalabka gadiidka lagu badbadalo oo qaaliyoobay. Waxa sida oo kale aad uu kordhay qiimaha gawaadhida xamuulka ah lagu soo iibsado.

Waxa sida oo kale qaaliyoobay buu yidhi qiimaha shaagaga, qiimaha shidaalka, lacagta yoomkii la siiyo direwaliinta, qiimaha lacagta alaabada lagu raro iyo lagaga soo dajiyoa iyo lacagaha hawlaha kale lagu fuliyo, marka arimahaasi oo dhan la isku wada daro waxa ay kor uu qaadeen qiimihi badecooyinka lagu dhoofinayay, mustaqbilkana in qiimuhu uu kor uu sii kaco mooye in u hoos uu dhici doono uma malaynayo.

Waxa kale oo uu sheegay masuulkaasi in sanadihii ka horeeyay kal hore ganacsatada dibadaha alaabada ka soo dhoofiya ay ku bixin jireen labanlaab lacagta ay bixiyaan kuwa dalka dibadiisa geeya, xiligan xaadirka ah see madaama ay tirade ganacstada ah ee dibadaha uu doofisa soo badatay ganacsatadii addis ababa ilaa jabuuti wax soo saarka uu diraysay waxa ku kordhay qiimihii gadiidka ee lagu rarayay.

Waxaana sadex sano kahor kuwa dibadaha ka soo dhoofinaya ay ku soo rari jireen 160 bir halka ay xamuulka la midka ah kuwa dibada uu dirayana ay ku rari jireen 60 bir, xiligan xaadirka ahna kuwa dibada ka soo dhoofinaya waxa ay bixiyaan 200 ilaa 250 bir halka kuwa dibadaha uu dirayana ay ku bixiyaan xamuulka la midka ah 150 ilaa 170 bir oo qiimihi labada dhinacba ay isku soo dhawaadeen. Qiimiha ganacsiga la isku kala wareejisto oo kor uga kacay boqolkiiba 23 ilaa boqolkiiba 48 ayaa sida oo kale qiimaha gaadiidka kor uu qaaday.

Waxa kale oo uu xusay in qiimaha bunka ee gaadiidka lagu raro ka badanyahay waxyaabaha kale sida oo kale marka la eego dhinaca alabada daryeelka loo sameeyo iyo kalsoonida laga qabo alabada qaaliga ah qiimuhu kor buu uu kacaya,

Wasarada gadiidka iyo logestiga masuul ka mid ah oo magaciisa la yidhaahdo Alemaayehu Woldhe ayaa wargayska addis maleda uu sheegay in laga bilaabo sanadkii 1948kii dawladu nidaamka dhqaalaha ee ay ku dhaqanto soo saartay oo aanay soo faro galinin suuqa madaxa banana. Waxa kale oo uu yidhi dadka badecooyinka dibadaha uu dhoofiya iyo kuwa dalka soo galiyaba waxa ay samayn karaan in ay la heshiiyaan qaybaha alabadooda qiimaha jaban ugu rari karta oo ay alabadooda ku raran karaan. Xarumaha dawladu waxa ay sameeyaan sidaasi oo kale, marka ay arintan oo kale ay dhacdo xafiiska wasaarada gadiidka iyo logestiigu ee qaybtan uu qaabilsan waxa uu sameeya ama kaalintiisu ay tahay in hadi ay la soo daristo yarida gadiidka ay qabtaan hawsha gadiid cusub sidii loogu soo ibin lahaa oo ay ka caawiya arintasi.

Waxa kale oo uu sheegay in hadii dawladu ay qiimaha caalamka ee shdaalka, qiimaha gawadhida iyo qalabka gawdhida loogu badbadalo ay wax ka qaban waydo, dadka ku hawlan qaybtaasi ee sida aan habonayn ugu dhaqmaya hawlahasi in la koontroolo oo la yareeyo kasakoow qiimaha lagu rarayo in la goa’amiyo wax laga qaban karaya in aysan jirin.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 25 2014 No 24

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here