Soo baro kacayaal ka soo barakacay bariga iyo galbeedka gobolka welega oo ku sugan magalada bure ee degaanka amxarada galbeedka goojam oo ka badan 4500 oo qooys ayaa sheegay in ay halkaasi dhibaato lixaad la’a ku haysato oo aan dawlada degaankaasina wax takulayn ah soo gaadhsiinin.
In kasta oo barokacayashaasi ay marki hore ku noolaayeen degaanka oromiya gobolka welega waxa la sheegay hadana in werarada ay ku soo qaadayaan kooxda onag shane oo cida ay yihiin ku salaysan in ay xamili kari wayeen oo ay uu soo qaxeen magalada bure ee degaanka axmarada, sida ay wargayska addis maleda ugu warameen 15kii cisho ee la soo dhafay laga bilaabo dadkii ku noola bariga welega waxa ay ka carareen dilki ay uu gaysanayeen kooxda shne waxaana ay uu lugeeyeen shan cisho oo ay ku galeen magalada bure.
Waxa ay sheegeen barokacayaashasi in ay isugu jireen haween uur leh, hoyooyin umul ah, caruur iyo dad aan socon karin oo loxaan sida sariirta loogu sameeyay oo lgu qaaday jid dheerna soo mareen gaajo iyo haraadkaba ayaga oo xamilay in ay magalada bure soo gaadheen. Waxa kale oo ay sheegeen in ay jireen 10 qof oo kooxda onag shane dhaawac soo gaadhsiiyeen oo uu dhashay qoomiyada amxarada in la soo xanbaaray oo la soo gaadhsiiyay goob cafimaad oo ku taala magaladaasi oo xiligan xaadirka ah lagu dawaynaayo.
Waxa xusid mudan in hada ka hor marar kala duwa uu wargayskani ka soo waramay in wadada uu dhaxaysa magalada naqamt iyo magalada bure la xidhay sideed bilood ka hor oo ay arintaasi ku noqotay warwar dadka uu dhashay qoomiyada amxarada, waxa xaladeeda ka warantay haweenay magaceeda la yidhaahdo Adhiise Alemu oo shan caruur ah haysta waxa ay tidhi waxa aan ku dhashay bariga gobolka welega dagmada limu meesha la yidhaahdo mendher sidhist, waxa kale oo ay tidhi waxa qooyskaygu uu ka kooban yahay 10 qof waxaana aan la kulmay dhibaato lixaad leh wiilkayga ugu wayni waa 16 jir waxa uu yidhi waxa aan tagaya jiida dagalka oo todoba cisho ka hor ayuu guriga ka baxay. Caruurtayda yaryar iyo waalidiintayda oo waayeel ah wax aan cuno ma haysano waxaanan fadhina banana waxa aan dawlada ka codsanayna in si dagdag ah naloo soo gaadho.
Waxa kale oo wargayska uu waramay mid ka mid ah soo barokacayaasha halkaasi ku sugan oo magaciisa la yidhaahdo Jekol Argete waxa uu sheegay in uu ka soo barokacay dagmada keremu qabalaha baali waxaana uu 4 casho uu soo lugeeyay magalada bure, waxa kale oo uu sheegay in halkaasi ay ku suganyihiin in ka badan 4000 oo qoys oo ka soo barokacay welega shan bilood ka hor halkaasina ay ku dhibanyihiin.
Waxa kale oo uu yidhi in aanay haysanin meel ay seexdaan oo ay tageen xerada babuurta uu baxa magaalooyinka kale oo ay halkaasi inta ay shiraac ku xidheen ay ka dhigteen meel ku meel gaadh ah oo ay ku nooladaan. Waxa kale oo uu sheegay in maamulka halkaasi uu malinti xigtay shir ugu yeedhay oo uu sheegay in ay doontaan cid ehel ah oo ay ku dagaan hadii kale meelihi ay ka yimadeen ku noqdaan, madama ay dawladu dagaal kula jirto kooxda tplf oo dhankaasi lagu wada hawlanyahay in aan wax loo qaban karayn.
Waxa kale oo ay wargayska uu shegeen soo barokacayaashasi in ay isku dayeen in ay tagaan magalada finoote salaam oo ay isku dayeen in ay ka dhaadhiciyaan dhibatada ay ku jiraan, balse waxa naloogu jawaabay bay yidhaahdeen in aan waxba loo qaban Karin oo cidi 40 jir ka yarna lagu yidhi dagalada aada.
Waxa kale oo ay yidhaahdeen soo barokacayaashasi in ay wadooyinka shraacyo ka dhisteen si ay ugu nooladadaan, balse madax ka tirsan halkaasi ayaa uu sheegay in ay waxa ay sameeyen ay sharci daro tahay oo lagu qabsan doono. Waxa kale oo ay yidhaahdeen dadkaasi halkaasi ku sugan dal ay dawladi ka jirto in sidan na loo galo aad baan uga xunahay, dadkii halkan uu soo cararay iyo kuwii ku hadhay welega ee uu dhashay qoomiyada amxaradaba waxa aan dawlada ka codsanayna in ay naga soo gaadhan inta aananu gaajo uu dhimanin.
Wargayska ayaa isku dayay in uu wax ka waydiiyo arinta soo barokacayaashasi maamulaha aaga galbeedka gojaam Melkaamu Teshoome waxaana uu dhawr jeer uu diray tilfoon madama uu tilifoonkiisi ka qaban wayayna wax jawaab ah oo ku saabsan arintaasi wuu ka waayay.
አዲስ ማለዳ Hidhaar 25 2014 No 24


