Degaanka oromiya gobolka arsi dhalinyarada ku dhaqan ayaga oo aan ka tirsanayn kooxda onag shane ayaa waxa ay yidhahdaan waxa aanu ka mid nahay kooxda onag shane oo waxa ay bilaabeen in ay khiyameeyaan dawlada waxana lagu xareeya xeryaha lagu xareeyo kooxda isa soo dhiibta,waxana wargayska addis maleda uu waramay dad halkaasi ku nool.
Sida ay ku warameen dadka halkaasi ku nool ee aan rabin in magacooda la sheego waxa jira dad ka mid ah bulshada halkaasi dagan oo waxa ay rabaan waxyabaha ay ka helayaan dawlada si ay uu helaan sidaasi darteed waxana ay isku sheegaan in ay ka mid yihhiin kooxda onag shane.
Shakhsiyaadkaasi dawlada ha isu dhiibaan mooy ee si xor ah ayay magalada dhaxdeeda uga dhaqdhaqaaqaan, waxana ay dawlada isugu dhibeen si ay uga helaan dawlada waxyaabaha dadka isasoo dhiiba la siiyo, waxaaba soo gala bay yidhaahdeen xeryaha dad baalashlayaal ah iyo qaar kale oo waxyaabo kale ka shaqaysta.
Waxa wargayska uu waramay maamulaha gobolka arsi mudane Muusa Seeri in marar kala duwan uu aba gadhayaasha iyo haadha sinqeyaashaba uu sheegay in dhalinyarada degaanka ee si garasho la’an ah ugu biiray kooxda shane in ay ka soo noqdaan in uu ugu baaqay.
Sida uu sheegay maamuluhu waxa marar badan loogu baaqa sidii kooxda onag shane khaladka ay ku jiraan looga soo saari lahaa, si aanay dhalinyarada halkaasi dagan ugu biirin kooxa onag shane, si aanay xog u siinin iyo si aanay agabyada halkaasi laga siiyo ayaga ugu gaynin ama ugu caawinin.
Waxa kale oo uu sheegay maamuluhu in kooxda shane ay ka dhaqdhaqaaqan sadex zoon oo ka tirsan arsi meelo magaalooyinka aad uga fog oo kaymaha dhaxdooda ah waxaana ay sameeyaan falal argagaxiso ah oo aad uu fool xun.
Sida uu muusa sheegay 19kii ilaa 20kii bishan hidhaar ee 2014ka waxa khaladkii ay samaynayeen qaatay oo ka soo baxay kooxdaasi 15 dhalinyaro ah waxaana la filaya in xiliyada soo socda ay ka soo noqdaan dhalinyaro faro badan
Baaqi ay ugu baaqeen hada ka hor abagadhayaashu iyo hadha siinqeeyadu waxa ka danbeeyay in ay ka soo noqdaan kooxdaasi 200 in ka badan oo dhalinyaro ah waxana ay ku suganyihiin meel ilaalo sharciyeed loogu samaynayo. Waxana uu sheegay in arintan ay dhalinyaradu kaga soo noqdeen kooxdada onag shane ay ka danbeysay in dhalinyaro kale oo aan ka tirsanayn kooxdaasi oo isku sheegey in ay ka mid yihiin kooxdaasi oo ay doonayaan in ay dawlada khiyameeyaan waxaana lagu jira hawsha sidii lagu soo hubsan lahaa waxana laga soo hubsanaya qabaleyada iyo meelihi ay ku noolayeen dhalinyaradaasi lixdii bilood ee ugu danbeeyaya.
Qaybataasi dhalinyarada ah ee isa soo dhiibay waxa lagu xareeyay meel ilaalo sharciyeed loogu samaynayo waxaana la siinaya tababaro kaladuwan sida uu hadalkiisa ku sheegay maamuluhu, marka la hubsado in ay isbadal keenen oo la hubsado in ay faaidaysteen ayuun baa loo ogolaan kara in six or ah ay wixi ay rabaan uu samayn karaan.
Arinta la xidhiidha in dhalinyaradu ay is ku sheegan kooxda shane faidooyinka ay helayaan awgeed ayaa waxa ka hadlay maamulaha waxana uu sheegay in ay arintaasi tahay mid aan waxba ka jirin, waxa kale oo uu yidhi hadii ay jiraan cid waxa nocaasi ah oo kale samaynaysa oo gobalku aanu ogayn inta dabagal lagu sameeyo ayaa waxa laga qaadi doona talaabo sharciyeed.
Waxa kale oo uu xusay in 19kii bisha hidhaar ee 2014ka lagu qabatay gobolka arsi markii shanaad munasabad abagadhayasha iyo haadha sinqegu oo ka kala yimid shan zoon ay ugu baaqeen dhalinyarada oromada ayaga oo leh “adiga oo oromo ah hadii aad kooxaha argagaxisda ah ee onag shane iyo tplf aad ku biirtay ka soo noqo”.
Hadii ay kooxahaasi ay baaqa idinku baaqeen aad ugu biirteen idinka oo aan wax ka fahansanayn ama si khalad ah anagu waxa aan idiinku baaqayna nabad ee soo noqda, sida uu sheegay maamuluhu marka dhaqanka oromada baaqasi oo kale loogu yeedho cid kasta oo ku biirtay kooxahaasi, ama xidhiidh la leh, ama hawlahooda uu fuliya waa in mudo todoba maalmood gudaheed ah ay ku soo laabtaan oo ay abagadhayaasha meelaha ay joogaan ugu tagaan oo ay uu sheegaan in ay baaqasi aqbaleen.
Balse waxa la sheegay cidi ka mid ahayd kooxahasi ee aan baqaasi loogu baaqay ee dhaqanka agaasi ah aqbalin ee xidhiidhki ay la lahaayeen kooxahasi sii wata waxa abagadhayashu iyo haadha siinqegu ay ku xukumayaan in uu qofkaasi cadaw yahay.
አዲስ ማለዳ Hidhaar 25 2014 No 24



