Waxa la sheegay in duur joogta ku jira berta duur joogta ee aaga boorana in ay la soo daristay dhibato la xidhiidha abaaraha.

0
1581

Zoonka boran abaraha ka dhacay ayaa sbabay in duur joogta ee nashinaal park ku jira ee naadirka ah ayaa waxa la soo daristay dhibaato. Waxaana la sheegay in agagaarkaasi ay ka jirto biyo iyo calf la’ani sidaasi darteedna ay duur joogti halkaasi ku nool dhibaato soo food saartay.

Madaxa beerta qaranka ee duur joogta iyo turiizimka ee degaanka oromiya mudane Maxamed Nur Jemaal oo uu waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in geeska afrika demero dibadeeku ay kunoolyihiin itoobiya iyo kiiniya oo kaliya, intooda badan waxa ay ku noolyihiin beerta qaranka ee boorana, xiligan xaadirka ahna abaaraha gobolkaasi ka jira awgeed ayaa duur joogta halkaasi ku nool waxa la so darsay biyo la’aan.

Waxa kale oo uu yidhi maareyahaasi duur joogtaasi laga helo gobolkaasi iyo geeska afrika oo kaliya ee aan calamka kale ka jirin ayaa waxa soo food saartay dhibaato abaaraha la xidhiidha. In kasta oo ay duur joogtaasi la qabsadeen abaaraha soo noqnoqda xiligan xaadirka ah se waxa ay bilaabeen duur joogtu in ay ka baxaan meesha ay ku noolyihiin si ay biyo uu helaan.

Waxa duur joogtaasi laga hela beerta qaran ee duur joogta ee gobolkaasi,waxaana beertaasi duur joogta laga heela dameer dibadeed, libaaxyo, maroodi, hal gari iyo qaar kale oo gaadhaya 40 nooc oo naasolay ah. Waxa kale oo la sheegay in beertaasi qaran ee xayawanada ay ku noolyihiin noocyo shinbiro kal duwan oo gaadhaya 286 kuwaasina afar nooc oo ka mid ahi waa qaar aan meelo kale laga helin oo naadir ah.

Waxa uu sheegay maareeyuhu oo kale in bertaasi duur joogta ay ka baxaan dhirta meelaha kulaylka ka baxa oo uu ka mid yahay geedka qudhaca loo yaqaano, sidaasi darteedna xiligan xaadirka ah doogi halkaasi ka baxayay wuu qalalay, duur joogta aan calemaha cunin ee dooga daaqa waxa ay ku suganyihiin dhibaato.

Waxa uu xusay oo kale mareyuhu in xiligan xaadirka ah duur joogta la dhaqalaynayo oo bulshada halkaasi ku dhaqan biyaha ay uu shubaan xolohooda ay dhaqdaan sida oo klae uu shubaa duur joogta oo aany jirin duur jog halkaasi ku dhimatay ama ka carartay meshi ay joogeen.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay mareeyahasi in gobolkaasi xiliyada soo socda si joogto ah sidii biyo loogu diyaarin laha halka ay ku noolyihiin darasaad lagu samaynayo, sidaasi dartaeed hdaii halka ay ku noolyihin biyo ay cabaan loogu soo diyaariyo waxa meesha ka baxaysa warwarka laga qabo in ay halkaasi ka qaxaan, dhinaca kalena waxa laga yaaba in duur joogta ku nool kiiniya in ay xaga itoobiya uu soo kacaan.

Waxa la sheegay degaanka oromiya aaga boorana sanadkii hore iyo sanadkanba in aanu roob hagaagsni ka diin, sidaasi darteed abaarihi hada ka hor halkaasi ka dhacay ay hadana ka dhici doonaan, in kasta oo xiligan xaadirka ah meelo kala duwan ay ka da’an roobab aan badnayn oo roobabkuna sida cadada ah ay da’an laga bilaabo bisha meskerem ilaa bisha hidhaar, xiliganna roobab hagagsani ma da’ain sidaasi darteed waxa sii dabo dheeraan doonta abarta.

Ayada oo arintaasi laga duulayo buu yidhi maareyuhu in hawsha biyaha loogu diyaarinayo xoolaha guryaha lagu dhaqdo waxa la barbar wadi doona hawsha sidii biyo loogu diyaarin laha xayawanada duur joogta ah. Hadii aan xal loo raadin abaarta waxyeelada soo gaadhsiisay xoolaha ay dhaqdan bulshada halkaasi ku nool waxa ay waxyeelo soo gaadhsiin doota sida oo kale duur joogta.

Beerta qaranka ee xayawanada duur joogta ah ee aaga boorana waxa la asaasay 2005tii waxana ay ku taala dhul baxadeedu dhantahay 3741 kaare kilo mitir, waxaana ku nool noocyo kala duwaan oo duur joogta naaslay ah iyo shinbiro noocyo kala duwan ah. Dalxiisayaasha halkaasi uu soo dalxiis tagai jiray oo xiligi uu cabuqa covid 19 uu calamka ka dilaacay yaraaday ayaa hadana xalada dalka ka jirta ee amniga la xidhidhana waabay joogsaday dalxiisayaashi halkasi iman jiray.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 25 2014 No 24

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here