Waxa wargayska addis maleda uu waramay dad ku nool degaanka oromiya gobolka bariga welega dagmada haro liimu in ay kooxda argagaxisada lagu magacabay ee onag shne ku laayeen 19 qof oo rayid ah.
Sida wargaysku xogta uu ka soo helay dadkii halkaasi daganaa waxa 24kii bishan hidhaar ee 2014ka kooxda hubaysan ee onag shane weerar ay ku soo qaadeen ay ku laayeen 10 qof oo rayid ah 20 kale oo halkaasi ka shaqaysanayayna ay af duubteen.
Intii aan 10kaasi qof ee raydka ah la laynin ka hor sida oo kale ay 9 qof ku dileen oo 12 qof oo kalena ay qafaasheen ayaa la xusay. Todobaadkii la soo dhaafay waxa halkaasi guud ahaan lagu laayay dad tiradoodu ay gaadhayso 19 qof oo rayd ah halka 32 qofna lagu af duubtay, sida dadkii halkaasi daganaa ay sheegeen. Waxaana dadkaasi raydka ah lagu laayay dagmada liimu meelaha lagu magacaabo mendher sidhist iyo mendher sebaat.
Sida dad halkaasi ku nool oo aan rabin in magacyadooda la sheego nabadgalyadooda si loo sugo awgeed ay sheegeen ayaa yidhi todobaadkii la soo dhaafay 22kii bisha hidhaar ee 2014ka waxa ay kooxda onag shane weerar ku soo qaadeen meelihi ay dadkaasi ku noolayeen waxana ka difaacay ciidanka qaranka, waxaana hadana ay dib weerar kale ugu soo qaadeen 24kii bisha hidhaar ee 2014ka labo maalmood kadib.
Shakhsi halkaasi ku nool oo uu waramay wargayska ayaa yidhi 10ka qof ee 24kii bisha hidhaar 2014ka la laayay waan garanaya oo magacyadoodina wargayska uu sheegay waxaana ka mid ahaa dadkaasi raydka ahaa ee la laayay bu yidhi Fentaw Sintayehu, Cabdu Siciid, Khadiir Maxamad, Maxamad Xamza, Belaayneh Gebeyehu, Zenebe Misgaanaw, Meles Abaaye iyo Atinkuut.
Waxa kale oo uu shakhsigaasi sheegay in 20 qof oo shaqaale maalmeed ah oo ku hawlan hawsha ururita beero midho gallay ah in ay halkaasi ka af duubteen oo kooxdaasi ay haysato, ilaa iyo xiligii warkan laga soo diyaariyayna aan wax war ah laga haynin halka iyo waxa ay ku suganyhiin .
Waxana la sheegay in dadkii agaasi ku noolaa in ay guryahoodi ka carareen oo beerahoodina la boobay sida oo kale meelaha ay haystaan kooxdaasi ee mendher andh, sidhist, sebaat, simint iyo zeteny dadki ku noola ay dhiban yihiin.
Ilaha wargayku sida ay sheegayaan in kooxdaasi onag shane dadka ay af duubteen inta aysan laynin ka hor ay ku yidhaahdaan lacag keena hadii aad lacag keentan waa la idin sii daynayaa, marka ay ka uruursadaan lacagaha ay haystaan oo dhanna ay laayaan.
Sida shakhsi kale oo halkaasi ku nool oo aan rabin in magaciisa la sheego uu wargayska ugu waramay todobaadkii la soo dhafay in ay kooxda onag shane laysay dad rayd ah waxaana ka mid ahaa dadkaasi ay laayeen nin magaciisa la odhan jiray Zenebe Misgaanaw waxaana ay ku yidhaahdeen 300 oo kun oo bir bixi hadii aad lacagta aan kaa dalbanay aad bixiso waa lagu sii dayn markii ay lacagtii ka qaateenna waay dileen.
Sida ay ilaha wargaysku sheegen shakhsi ay dileen kooxdaasi oo magaciisa la odhan jiray Belaayneh Gebeyehu in ay sabab uga dhigeen dilkiisa waxa aad la xidhiidha ciidanka oo xog aad siisa.
Dhinaca kalena waxa ay wargayska uu sheegeen ilahaasi in dagmada haro kooxda hubaysani weerarada ay ku soo qaadayaan awgeed ay awoodi waayeen in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan gaar ahaan hoyooyinka uurka leh ay aadi kari waayeen goobaha cafimaad si ay uu helaan adeega cafimaad ee dhalmada.
Wiil dhalinyaro ah oo ku nool dagmada haro oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa waxa uu wargayska uu sheegay in ay jireen hoyooyin foolanaya oo mudo sideed cisho ah halkaasi ku foolanayay in qaar ka mid ah lagaga umuliyay umuliso dhaqmeed sadex ka mid ah hoyooyinkaasina ay foosha uu geeriyoodeen.
Waxa kale oo uu wiilkaasi dhalinyarada ahi uu sheegay in dagmada haro ay korantadu ka dansantahay mudoo todobaadyo ah oo hoyooyinku ay gacmahooda ku ridqadaan midhaha ay cuntada ka diyaarsadaan, kaaga darankana maalmahan danbe waxa la waayay midhihii ay raashinka ka dhiganayeen.
Dadka halkaasi ku nool ayaa sheegay in dhibatooyinka noocaasi ah ay ku dhax noolyihiin mudo labo sanadood ah, iskaba dhaaf in aan caawimo helno ee waxa aanu awoodi waynay in wadooyinka ay xidheen nalaga furo si aanu halkaasi uga baxno maadaama meel aan ka baxno waynay iyo cid na maqashaba waxa halkaasi ku geeriyooday dad naga mid ah, waxaana ay yidhaahdeen bulshada halkaasi dhibaatadu ku haysato waa in dawladu ay dhibka na haysta aragto oo xal naloo raadiyo.
አዲስ ማለዳ Tahisaas 2 2014 No 25


