Abaarta ka jirta deegaanka Soomaalida ayaa laga yaabaa inay ka sii darto bilaha soo socda, sida uu sheegay xafiiska horumarinta xoolo dhaqatada ee deegaanka.
Maxamed Gale Cabdi oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska horumarinta xoola dhaqatada ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa u sheegay magaalada Addis Ababa in abaarta la filayo in ay ka sii darto saddexda bilood ee soo socda, sababo la xiriira roob la’aanta saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Waxa uu sheegay in deegaanku uu helo inta badan xilli roobaadka dayrta sidaas darteedna aan la filaynin in uu roob ka da’o saddexda xagaaga ee soo socda.
Taas oo uu sheegay in roob la’aanta awgeed ay ceelashu gurayaan, mustaqbalkana ay adkaan doonto in biyola helo.
Waxaa uu sheegay in abaartu ay saameysay dhammaan deegaanada isagoo sheegay in bilaha soo socda ay ka dhalan karto abaar daran.
Waxa uu sheegay in deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen ee Daawa iyo Shebeele ay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen.
Sidoo kale, deegaanada Afdheer iyo Qoraxay ayuu sheegay in dhibaato xoogan ay ka jirto abaarta.
Marka laga soo tago aagagga la sheegay, waxaa sidoo kale jira burbur xooggan oo soo gaaray Aagga Magaalada.
Xog-ururin bishii Oktoobar oo keliya laga sameeyay gobalka Daawa ee.deegaanka soomaalida oo xuduud la leh gobolka Boorena ee deegaanka oromiya , ayaa lagu sheegay in xoolo ka badan 47,000 ay dhinteen, in ka badan 60,000 oo xoolo dhaqato ahina ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.
Waxa uu sheegay in abaarta ka jirta dhulka miyiga ah ee gobolka ay ku adkaatay in ay isku gurmadaan, isla markaana ay qeybsadaan kheyraadka.
Ka dib markii ay dad badan oo xoolo dhaqato ah ku noolaa deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay in xoolo dhaqato ay xoolo uga hayaameen meel kale oo ka tirsan gobolka si ay biyo uga helaan.
Muddo ka yar saddex bilood, ugu yaraan 150,000 oo neef oo isugu jira geel, ari iyo xoolo kale ayaa ku dhintay abaarta.
Waxaa laga yaabaa in bilaha soo socda ay sare u kacdo tirada dadka ku dhintay abaarta.
Marka laga soo tago xoolihii u dhimanaya biyo la’aanta daran ee abaarta awgeed, in ka badan afar milyan oo qof oo ku nool gobolka ayaa xilligan u baahan gargaar, ayuu yiri.
Wuxuu ugu baaqay maamulka gobolka oo kaashanaya hay’ado samafal oo kala duwan in ay helaan goobo lagu keydiyo biyaha, isla markaana loo qeybiyo deegaanka.
Ilaa 60 milyan oo dollar ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto abaaraha ka jira gobolka, balse ilaa hadda kala bar lacagtaas lama daboolin
አዲስ ማለዳ Tahisaas 16 2014 No 27



