መነሻ ገጽSoomaaliWararka AbolMashruuc 14 milyan ah oo lagu kobcinayo horumarinta bunka ayaa lagu wadaa...

Mashruuc 14 milyan ah oo lagu kobcinayo horumarinta bunka ayaa lagu wadaa in la bilaabo

Maamulka bunka iyo Shaaha Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabayaan mashruuc 14 milyan oo Yuuro ah si kor loogu qaado wax soo saarka bunka iyada oo lagu taageerayo horumarinta tignoolajiyada.

Hay’adda bunka iyo shaaha ee Itoobiya (ECAA) ayaa saaka u sheegtay wargeyska  Addis Maleda in sanadka soo socda la bilaabi doono mashruuc ku kacaya milyan 14 milyan oo  Yuru ah oo ay maalgelinayso EU Cafe.

Waxaa socda qabanqaabada horudhaca ah ee mashruucan oo si buuxda loo dhaqan gelin doono laga bilaabo bilaha ugu horeeya ee sanadka soo socda.

Mashruucan ayaa laga hirgelin doonaa 28 degmo oo waaweyn oo bunka ka baxa oo ku yaalla shan deegaanka  ee Itoobiya: Oromia, Amhara, SNNPR, Sidama iyo Koonfur-galbeed ee Itoobiya.

Mashruucan ayaa socon doona muddo shan sano ah, iyadoo ujeeddada ugu weyni ay tahay in tababar joogto ah la siiyo beeralayda ku hawlan tacabka bunka, iyadoo la isticmaalayo tignoolajiyada iyo kaalmaynta agabka lagama maarmaanka ah.

Arintan ayaa waxay saaka ka maqashay Maamulka  ka sakow in warshada bunka ay ku taageerto dhanka tignoolajiyada ay kaalin muuqata ku leedahay kor u qaadida wax soo saarka.

Waxaa la sheegay in mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Hay’addaasi ay qaateen tababaro, isla markaana ay tababaro la xiriira teknoolojiyadda ka bilaabeen beeralayda deegaanada kala duwa.

Tababarkan ayaa la sheegay in waqtiyada qaar la bixin doono isla markaana ay ka caawin doonaan beeraleyda sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen bunka si ay u helaan wax soo saar wanaagsan.

Ilaa hadda waxa la bilaabay barnaamijyo tababar oo loo qabanayo beeralayda Galbeedka Hararge iyo Aagga Arsi ee deegaanka Oromiya iyo magaalada Mizan Aman ee Koonfur-galbeed ee Itoobiya, ayuu yidhi.

Inkasta oo markii hore mashruucan lagu waday in la bilaabo, haddana waxaa la sheegay in uu dib u dhac ku yimid cudurka faafa ee Covid 19ka awgi.

Waxa uu sheegay in mashruucani uu wax badan ka tari doono kobcinta bunka iyadoo la siinayo qalabkii lagu soo saari lahaa biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo tababaro kala duwan oo ay u dheer tahay shaqada ay wadaan beeralayda bunka ka dib markii uu dhawaan dilaacay cudurka covid 19ka.

Mashruucan ayaa la filayaa in uu Brazil iyo wadamo kale ka keeno nidaamyo lagu taageerayo tignoolajiyada si kor loogu qaado wax soo saarka bunka  iyo wax soo saarka haddii Itoobiya bilowdo.

Dalka Itoobiya ayaa ka mid ah 10-ka waddan ee ugu horreeya dhanka wax soo saarka bunka waxaana dhoofinta bunka ay door weyn ka qaataan sarifka lacagaha qalaad.


አዲስ ማለዳ juun yaabaa 18 2014 No 54

- ይከተሉን -Social Media
ተዛማጅ ጽሑፎች

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Ads
- Advertisment -
Ads

የቅርብ ጊዜ ጽሑፎች