Waxaa la diyaarinayaa hage ka hadlaya su’aalaha laga keenay khidmadaha dugsiyada gaarka loo leeyahay

0
688

Waxaa la diyaarinayaa hage ka hadlaya su’aalaha laga keenay khidmadaha dugsiyada gaarka loo leeyahay

Wasaaradda waxbarashada ayaa u sheegtay wargeyska news Morning in la diyaarinayo hagaha dib u habaynta si wax looga qabto su’aalaha lacag bixinta ee ay soo jeediyaan dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Khabiirka dabagalka iyo qiimaynta ee waaxda waxbarashada guud ee wasaaradda waxbarashadda ayaa wargeyska news Morning u sheegay in sida sharcigii hore dhigayay kharashka ardayda lagu bixiyo heshiis u dhexeeya dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo waalidiinta, isla markaana hadda la diyaarinayo hab-raacyo gacan ka geysanaya hagaajinta dhaqankan.

Marka dugsiga gaarka loo leeyahay lagu khasbo inuu kordhiyo ama dhimo kharashka dugsiga, wuxuu ku wargeliyaa waalidiinta iyo guddiga dugsiga saddex bilood ka hor dhammaadka sannad dugsiyeedka.

Dhanka kale khabiirku waxa kale oo uu sheegay in uu yahay hage dib-u-habayn ka bixin kara sida ay u egyihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay, laga soo bilaabo ururkooda ilaa manhajkooda, isla markaana la ogaan karo kuwa caalamiga ah, lana caddeeyo kuwa loo aas aasay bulshada, laguna ogaan karo kuwa loo aasaasay dugsiyada gaarka loo leyahay  si ay u helaan faa’iido, la ogaado cududooda dadnimo, kaabayaalkooda iyo kuwa kaleba.

Khabiirka ayaa intaa ku daray in wasaaradda waxbarashadu ay hadda diyaarinayso hab-raacyada wax-ka-bedelka ah ee lagu sameeyay, isla markaana marka la soo gebagebeeyo habraacaasi laga doodi doono dhinacyada ay khusayso.

Waxaa la sheegay in aan la sheegi karin goorta la soo gabagabeyn doono habraaca iyo dhaqan gelinta, maadaama ay dhici karto in dib u eegis lagu sameeyo habraacaas haddii la soo jeediyo in la soo jeediyo in laga wada tashado ama laga wasa hadlo.

Sidoo kale, waxa la sheegay in marka la soo diyaariyo oo dhammaato awaamiirta wax-ka-beddelka, loo gudbin doono Wasaaradda Cadaaladda oo tiro laga siin doono, lana ansixin doono.

Khabiirkan ayaa sheegay in cidii fulin wayda habraaca dib u habaynta waalidiinta iyo dugsiyada gaarka ah ee ay wasaarada waxbarashadu soo saari doonto isla markaana ay dhaqan galinayso ay kula xisaabtami doonto sharciga.

Khabiirka dabagalka iyo qiimaynta ee waaxda waxbarashada guud ee wasaarada waxbarashada ayaa intaa ku daray in 29 dugsi hoose dhexe iyo sare oo caalami ah ay ku yaalaan magaalada Addis Ababa, gobolada Axmaarada iyo Oromia.

Waxa uu sheegay  inkasta oo uu jiro nidaam waxbarasho lacag la’aan ah lagu gaarsiinayo dugsiyadaasi iyo ardaydooda oo aan awoodin in ay wax ku bartaan, haddana uusan jirin sharci qasab ah oo ay dejisay Wasaaradda Waxbarashada.

Khabiirka ayaa xusay in ay adagtahay in la sheego inta arday ee dugsiyadan caalamiga ah ee Itoobiya ku yaala ay awood u leeyihiin in ay wax ka dhigaan.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in xarumaha waxbarasho ee caalamiga ah ee aan kor ku soo xusnay ay leeyihiin shuruuc iyo sharci kala duwan, isla markaana shuruudaha looga baahan yahay ay ardaydooda siiyaan fursado waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Khabiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in wasaaradda waxbarashadu ay gudanayso mas’uuliyadda ka saaran in ay aqoonsato dugsiyadan maadaama loo aas-aasay mas’uuliyadda bulshada iyadoo la siinayo fursado waxbarasho oo lacag la’aan ah.


አዲስ ማለዳ Julaay 30 2014 No 60

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here