Macaamiisha ay u adeegaan laamaha kala duwan ee shirkadda Boostada Itoobiya ayaa wargesyka Addis Maleda u sheegay cabashada ay ka qabaan in alaabaha ay soo diraan inta badan aanay u gaadhin qofka loo soo dirayo.
“Alaabtii aanu dirnay ama cid kale noo soo dirtay ayaa la yidhi way luntay Midda kale xitaa haddii aan alaab noo soo dirno, marar badan ayay nagu qaadataa in aan soo celinno bilo, shaqaaluhuna waxay na siiyaan dhimista iyo buunbuuninta,” ayuu yidhi.
Macaamilka oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa yidhi “Kadib markii aan Telefoonka gacanta ka diray Adama oo aan u diray magaalo kale oo ka tirsan Miyiga, ma aanu iman maalintii la cayimay.
Muddo bil laga joogo maalintii la rabay in uu yimaado, in kastoo aan waydiiyay laanta talefanka laga soo diray, waxa ay igu dhibayeen in badan oo ay i odhan jireen weli ma soo gaadhin,” ayuu yidhi.
“Mar aan waydiiyey laanta Adama rasiidhka hantidaasi waxay igu yidhaahdeen waanu u soo dirnay, waxaanay tuseen taariikhda iyo nambarka, ugu dambayntiina gaadhigu wadada ayuu ku jabay oo markii uu garaashkii galay wuu lumay” ayuu yidhi.
“Hase ahaatee, markii aan codsaday in la bixiyo qiimihii moobilka ama beddelka isla shay, ka dib markii aan sugayay sannad dhan in aanu la hadalno xafiiska deegaanka, waxa ay isiiyeen lacag yar oo aan ahayn qimiha oo la xidhiidha qiimaha iibka moobilka doodo badan ka dib.
Waxaan aaminsanahay inay tuugo ku jiraan machadyada,” ayuu yidhi.
Midka kale ee cabanayaa waxa kale oo uu yidhi, “Anigu waxa aan eheladeyda dibadda uga diray dahab kala duwan, mana soo gaadhin.
In kasta oo aanan hubin, haddana waxaa mas’uul ka ah Komishinka Kastamka Addis Ababa,” ayuu yidhi.
“Waan hubay in uu Addis-ababa soo galay, laakiin inkasta oo aan ku fikiray in aan dacwoodo haddana waa la yaqaan
Waxay ii sheegeen inaan waxba la qaban karin, sidaas darteed waan ka quustay.
Waxaan maqlay in dad badan ay alaab u soo diraan xafiiska boostada oo si sax ah loo maareeyo.
“Waxaan si joogto ah u diri jiray shahaadooyinkayga waxbarasho Isla maalintaas ayay iman doonaan meeshii ay u socdeen.
Si kastaba ha ahaatee beryahan waxaan maqlay in dadku wax qaali ah soo diraan oo ay lumaan, markaa waan ka gaabsaday in aan wax diro.”
“Waan ogahay in ay jiraan macaamiil alaab dibadda uga soo diray oo aan helin Waxa jira dad aan aqaano oo Labtoobyadii iyo Saacadihii ay ka lumeen.”
Mid kale ayaa yidhi “Marka la eego taariikhda dheer ee ay hay’addu soo martay, way adag tahay in la yidhaahdo tuug ayaa gudaha ku jira, markaa waa in la saxo.
Waxa uu ku nuux-nuux saday in haddii cabashada la soo gudbiyay ay sax tahay oo aan wax laga qaban ay hoos u dhigayso kalsoonida lagu qabo hay’adda.
Waxa kale oo la ogaaday in qiimaha kirada sanduuqa ee macmiisha uu aad kor ugu kacay tan iyo sannadkii hore, marka laga reebo hoos u dhaca tirada macmiisha, waxa ay ka cawdeen sababta korodhka.
Waxa kale oo jira dad ka hadlay in alaabtii aanu dirnay shirkadda Boostada Itoobiya ay si daacad ah u geysay goobtii aanu rabnay.
Wargeyska Addis Maleda ayaa weydiisay xafiiska ugu sarreeya ee shirkadda Boostada Itoobiya sharaxaad la xiriirta cabashooyinka kor ku xusan masulka xafuuska wax jawaab ah kamusan dhibin.
አዲስ ማለዳ Bagume 5 2014 No 65


