Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay saddex bilyan oo doolar si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo 20 milyan oo muwaadiniin ah oo ku nool Itoobiya.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Itoobiya (Ocha Ethiopia), ayaa warbixintiisa todobaadlaha ah ku sheegay in 20 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya ay xilligan u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.
Saddexda bilyan ee doollarka ah ee loo baahan yahay, $700 milyan waa lacagta loo baahan yahay si gargaar bini’aadantinimo loogu fidiyo muwaadiniinta ay abaaruhu saameeyeen, Ocha Ethiopia ayaa ku sheegtay warbixinteeda toddobaadlaha ah.
Ocha Ethiopia ayaa warbixinta ku sheegtay in dhibaatooyin badan oo ay dadku sameeyeen iyo kuwo dabiici ah ay ka dhaceen deegaano kala duwan oo dalka Itoobiya ah, ay sii kordhayaan tirada muwaadiniinta u baahan gargaarka bini’aadantinimo.
Sida lagu muujiyey Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada ee 2022, in ka badan 20 milyan oo qof ayaa la sheegay inay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo iyo adeegyada ilaalinta dhammaadka 2022-ka.
Ka dib dagaalkii dib u soo cusboonaaday saddex todobaad ka hor, kadib shan bilood oo xasilooni ka jirtay waqooyiga Itoobiya, ururka ayaa ku dhawaaqay in tobanaan kun oo muwaadiniin ah ay ku barakaceen deegaanada Canfarta, Axmaarada iyo Tigrayga.
Xaalada ayaa la sheegay in ay abuurayso baahiyo bini’aadantinimo oo sare u kacday iyo in la tijaabiyo awooda wax ka qabashada saaxiibada bani’aadanimo ee isku dayaya in ay gargaar gaarsiiyaan kuwa u baahan.
Ocha Ethiopia ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in bulshada ku dhaqan deegaanada uu dagaalku ka socdo ee Waqooyiga Gonder, Waqooyiga Wolo iyo Wagimra ee Deegaanka Axmaarada ay dhibaato ku qabaan, isla markaana ay ku adagtahay dadka bixiya adeega bini’aadantinimo ee dhibaatada amni daro awgeed.
Waxaa la sheegay in dad aan ka yarayn 12,000 oo qof oo dhawaan soo barakacay, gaar ahaan haween iyo caruur ay soo galeen magaalada Mersa ee Waqooyiga Wolo.
Sida lagu sheegay warbixinta Ocha Ethiopia; Ugu yaraan shan milyan oo qof oo ku nool deegaanka Axmaarada ayaa heli kari waayey haqab-beel cunto.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay xaaladu ugu daran tahay deegaanada ay colaaduhu ka taagan yihiin ee deegaanadasi, waxaana la tilmaamay in xaalad nafaqo darro ah ay ka jirto deegaanada lagu dagaalamay.
Sidoo kale, ka dib markii uu sii socdo dagaalka ka socda deegaano kala duwan oo ka tirsan deegaanka Tigray, warbixintu waxay tilmaantay in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen, isla markaana ay waxyeelo soo gaartay hantidii iyo kaabayaashii shacabka.
Waxaa la sheegay in isu socodkii gaadiidka bini’aadantinimo ee loo daabuli jiray Tigray-ga marinka Samara uu hakad ku yimid, taasoo caqabad ku noqotay daabulida sahayda bini’aadantinimo.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bini’aadantinimo oo todobaadkiiba laba jeer geyn jirtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya duulimaadyo gargaar bini’aadantinimo ah ayaa sidoo kale la hakiyay.
Bariga iyo Koonfur-bari ee Itoobiya, dawladda iyo hay’adaha bani’aadamnimadu waxay sii wadaan abaabulka dhaqaale si ay gargaar naf-badbaadin ah oo dhinacyo badan leh u fidiyaan ku dhawaad 17 milyan oo qof oo ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, balse weli baahida loo qabo ma la jaan-qaadi karo gurmadka bini’aadantinimo ee socda, warbixinta
ayuu yidhi.
Marka laga soo tago haqab-beelka cuntada iyo nafaqo-xumada sii xumaanaysa, waxbarashada ka-tagidda iyo welwelka amni ayaa sii kordhaya, Ocha Ethiopia ayaa xustay.
Waxaa la sheegay in 2.9 milyan oo carruur ah, hooyooyin uur leh iyo kuwo nuujinaya ay u baahan doonaan taageero xagga nafaqeynta ah dhammaadka sanadka, taas oo ah, dhammaadka 2022-ka Warbixintu waxay tilmaamtay in 1.4 milyan oo carruur ah ay iskuullada ka maqan yihiin sababo la xiriira barakaca abaaraha, xirnaanshaha dugsiyada iyo cudurrada faafa.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dhibaatada ay abaartu u geysatay caafimaadka ay sii kordhayso oo ay ka mid yihiin jadeecada iyo shubanka.


