Mashruuca maalgelinta ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe ayaa wargeyska Addis maleda u sheegay in 200 oo milyan oo doolar oo dheeraad ah oo miisaaniyada amaah ah loo qoondeeyay ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
Miisaaniyadan ayaa laga helay deyn Bankiga Adduunka, waxaana la sheegay in la dhaqan gelin doono muddo saddex sano ah laga bilaabo bisha September, taasoo loo qorsheeyay in lagu maalgeliyo shirkadaha.
Waxa la sheegay in daynta la soo marsiin doono bangiga horumarinta Itoobiya, shaqada xafiiskuna ay u hadhsan yihiin oo kaliya in lagu bixiyo daynta la ansixiyey iyada oo loo marayo maalgelinta kiraynta iyo amaah hawleedka.
Waxaa la sheegay in deynta hadda la ansixiyay ay tahay in la sii wado taageeradii horay loo siin jiray shirkadaha, isla markaana loo suuragelin lahaa kuwa aan horay u helin wax deyn ah.
Madaxa Isgaadhsiinta ee Mashruuca Maaliyadeed ee Shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, Daswakal Gebre Kristo, ayaa wargeyska Addis Maleda u sheegay in deyntan la siin doono shirkado la sii marin doono Bangiga Horumarinta Itoobiya iyo Bangiyo kale.
Wuxuu xusay in bangigu amaahda ku bixiyo isagoo soo saaraya shuruudo ay ka mid yihiin shatiga ganacsiga, heshiiska goobta shaqada/kireynta, curaarta ka hor iyo wixii la mid ah.
Wuxuu intaas ku daray in deyntaas lagu bixin doono dulsaar aan la buunbuunin
“Ganacsatada yaryar waxaa taageera hay’ado yaryar oo maal-gashi, ganacsatada waaweynina waxay taageero dhaqaale ka helaan bangiyada,” ayuu yiri madaxa oo intaas ku daray in mashruucan loogu talogalay in lagu caawiyo ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe ee dhex-dhexaadka ah oo haysta dhibaatooyin xagga amaahda ah iyo kuwa shaqada.
Haddaba, waxay ku macneeyeen in dhammaan shirkadaha dalka ee ku hawlan wax-soo-saarka iyo kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba ay heli doonaan daynta.
Shirkaduhu waxay daraasad ku samayn doonaan suurtogalnimadooda iyagoo ku salayn doona hab-raacyada la ururiyey oo waxay ku qaadan doonaan qalabka kirada, ka dibna waxay heli doonaan buugga lahaanshaha qalabka.
In ka badan 240 milyan oo dollar ayaa lagu kharash gareeyay in ka badan 3 kun iyo 300 oo shirkadood oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah muddo shan sano ah, waxaana la siiyay mashiino kiro ah iyo daymo hawleed oo ay soo marsiiyeen bangiga horumarinta Itoobiya, ayuu hadalkiisa ku daray madaxa isgaadhsiinta mashruucan.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in mashruucani uu tababaro kor loogu qaadayo tayada iyo aqoonta uu siinayay in ka badan 1,200 oo ka mid ah shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe ee dalka.
Sidoo kale waxaa la sheegay in 33 shirkadood ay ka qeyb galeen suuqyo laga soo abaabulay dalka dibadiisa si ay xiriir ula sameystaan shirkado shisheeye.
Markii Mashruuca Maaliyadeed ee Ganacsiga Yaryar uu Shaqeynayey Shan Sano ka hor ayaa la sheegay in aysan ka badneyn Todobo Kun oo Ganacsi oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwa dhexe.
Waxaa la tilmaamay in mashruucan maaliyadeed uu ku xiran yahay bangiga horumarinta si loo xalliyo dhibaatada adeegyada horumarinta maaliyadda iyo ganacsiga ee shirkadaha.
አዲስ ማለዳ sebtembar 21 2015 No 68



