8-dhalinyaro ah ayaa ciidamada ay dileen
Hay’adda xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa sheegtay in weerarkii lagu dilay dad barakacayaal ah oo ka dhacay degmada Gobu Seyo ee Bariga Welega ee deegaanka Oromiya, colaadda ka taagan gobolkaas ay muujinayso in ammaanka dadka rayidka ah ay gaartay heerka ugu xun.
War qoraal ah oo ay Hay’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya ESMECO u dirtay wargeyska Addis Maleda oo la xidhiidha weerarkii ka dhacay deegaanka, ayaa lagu shaaciyay in weerar lagu bartilmaameedsaday dad barakacayaal ah werarkasi oo udhacay January 25/2015 ka dhacay Degmada Gobu Seyo ee Bariga Wolega ee deegaanka Oromada. Waxaa la xaqiijiyay in khasaare nafeed, meyd iyo hantiba uu ka soo gaaray weerarka.
Waxaa la sheegay in weerarkaas ay fuliyeen koox hubaysan oo isku magacawday “Ciidanka Xoraynta Oromada” oo ay dawladdu ku tilmaamtay Argagixiso “Shene”. Tan iyo 2014, waxaa jira 10,800 oo barakacayaal ah oo ka soo barakacay 13 degmo, waxayna ku nool yihiin banaanada magaalada Ano, iyo sidoo kale bannaanka hoyga, oo ay ku dhex milmeen bulshada martida loo yahay.
hay’ada xuququl insaanka ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 50 qof oo ay ku jiraan mas’uul ka tirsan deegaanka, darawal, booliiska magaalada iyo xubno ka tirsan maleeshiyaadka Keelada lagu dilay weerar ay soo qaadeen kooxda hubeysan.
Dadkaas, ayaa 42 ka mid ah dhibanayaasha waxaa ka mid ahaa dad barakacayaal ah oo ku noolaa guryaha barakacayaasha, isla markaana la dhexgalay dadkii martida loo ahaa, iyo weliba dadka deegaanka oo la sheegay in ay dowladda taageersan yihiin. Dadka dhintay waxaa ka mid ah afar dumar ah iyo saddex carruur ah.
Dhinaca kale hay’ada xuquuqul insanka ayaa xaqiijiyay in 8-dhalinyaro ah ay dileen ciidamada kadib markii ciidanka ay dib u qabsadeen magaalada iyagoo looga shakiyay inay la shaqeeyaan Shene.
Daniel Bekele (Dr.), Madaxa hay’ada xuquuqul.insanka itoobiya ayaa sheegay in beegsiga meelaha ay ka barakaceen colaadaha dartiis ay tahay wax aan la aqbali karin xaalad kasta oo jirta, kana soo horjeeda xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Guddiga ayaa ku booriyay dowladda in ay si sax ah u gudato waajibka ka saaran ilaalinta ammaanka dadka rayidka ah, isla markaana ay si deg deg ah xal nabadeed ugu raadiso colaadaasi si loo sugo ammaanka dadka rayidka ah.



