Waxaa lagu dhawaaqay in Itoobiya ay martigelin doonto shirkii ugu horreeyay ee hay’adaha diimaha qaaradda Afrika.
Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu qabto todobaadka dulqaadka diimaha ee caalamiga ah, waxaana qabanqaabiyayaasha shirka ay shaaciyeen in lagu qaban doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Waxaa la rumeysan yahay in shirkan uu martigelin doono shirka hay’adaha diimaha ee Itoobiya oo kaashanaya hay’ado caalami ah oo kala duwan.
Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee ay isugu yimaadaan hay’adaha diinta ee dalka Itoobiya oo ay soo qaban qaabiyeen golaha hay’adaha diimaha ee Itoobiya iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin, ayaa la filayaa in uu ka soo talo bixiyo inta badan arrimaha la xidhiidha qaaradaha.
Waxaa la tilmaamay in ay diiradda saari doonto nabadda, sharafta aadanaha, ilaalinta deegaanka, horumar waara iyo xorriyadda diinta ama caqiidada. Shirweynaha hay’adaha diimaha ee Itoobiya ayaa lagu shaaciyay in shirkan la qorsheeyay in la qabto sanadkiiba mar kaas oo la qabanayo heerkii ururka Midowga Afrika.
Iyadoo laga duulayo xidhiidhka wada shaqayneed ee xoogan ee uu la leeyahay Madasha Interface-ka ee G20, shirkan ayaa la filayaa in lagu horumariyo dadaalada Midowga Afrika ee ku aadan ka mid noqoshada wadamada G20.
Shirkan caalamiga ah ayaa ka dhici doona dalka Itoobiya iyadoo ay garwadeen ka tahay Madaxweyne Sahle Work Zewde, madax ka socota Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, xubno ka socda beesha caalamka ee ku sugan Addis Ababa, culumaa’udiinka Afrika iyo beesha caalamka, siyaasad dejinayaal iyo ilaa 300 oo qof ka qaybgalayaasha kale ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan shirka.



