Kadib markii gudiga doorashada qaranka ee Itoobiya uu diiday codsigii xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Tigray (PDP) ee ahaa in dib loogu soo celiyo xisbi sharci ah, TPLF ayaa ku dhawaaqday in aysan aqbali doonin go’aanka guddiga.
Kooxda TPLF ayaa ku eedaysay gudiga in go’aanka gudidaasi uu yahay mid aan la aqbali karin oo aan ku dhisnayn heshiiskii ka dhacay Pretoria iyo sharciga isla markaana uu halis galinayo heshiiska.
Waxaa lagu xasuusan doonaa in gudiga doorashada TPLF uu dib u eegis ku sameeyay go’aankii ay xisbiga TPLF kaga baabi’iyeen 10/01/2013 waxayna u gudbiyeen codsi qoraal ah April 28/2015 si loo soo celiyo sharcigii xisbinimo dagaalka ka hor, in masuuliyiinta ururka loo ogolaado in ay ku shaqeeyaan magaca xisbiga iyo in ay soo celiyaan hantida ma guurtada ah ee ururka ee lala wareegay.
Intaas kadib ayaa gudiga doorashooyinka qaranka ee Itoobiya waxay ku dhawaaqeen May 04/2015 inay diideen codsigii kooxda TPLF ee ahaa inay soo celiyaan maqaamkii xisbinimo.
TPLF ayaa ku dhawaaqday in aysan aqbali doonin go’aankaas ayna kala hadli doonaan dhinacyada ay khusayso. Guddiga doorashada ayaa codsaday in ay dib u eegaan go’aanka oo ay ku saxaan heshiiska Pretoria iyo go’aamadii ay gaareen hay’adaha kale ee federaalka.
Kooxda TPLF ayaa baaq u dirtay dhamaan xubnaha ururka, shacabka Tigrayga iyo qoomiyadaha iyo shucuubta nabada jecel ee Itoobiya ee ah mulkiilayaasha heshiiska nabada, in ay ogaadaan in go’aankani uu halis galinayo geedi socodka nabada, islamarkaana ay kaalintooda ka qaataan.
Iyadoo la ogsoon yahay in go’aanka guddiga uu cadaadis aan loo baahnayn ku keeni karo dadaallada nabadda iyo iskaashiga wanaagsan, ayay xukuumadda federaalku ka codsatay kooxda TPLF inay cadaadis saarto guddiga.



