Waxa la seegay In la diyaarinayo adeeg u ogolaanaya ganacsiga gaarka loo leeyahay ee melt moodhal

0
840

Hayada maari time ee itoobiya ayaa sheegtay si ay u soo galaan ganacsiga gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega malti moodhal in u udiyaariyay hage ay ku dhaqmaan.
Waxa la sheegay in mudo badan ay soo noqnoqonaysay suaasha ah in nidaamka gaadiidka ee melti moodhal loo baneeyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Xiligan xaadirka ah si nidaamkaasi loogu ogolaado in ay ka qayb qaataan ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa waxa ay hayadu udiyaarinaysa hage ka caawinaya.

Nidaamka gaadiidka ee malti moodhal ayaa ah mid hawsha adeega badeecooyinka laga soo raro dakadaha laguna keenayo dakada qalalan ee dalka hal dhookmant. Haayadaha saadadka kala duwan ayaa la sheegay in ay ka codsadeen si ay uga qayb qaatan hawlaahasi. Waxan la bilaabay hawshii ugu horaysay ee loogu ogolaan lahaa ogolaanshana hawshaasi melti moodhalka gaarka loo leeyahay.

Waxa kale oo la sheegay in adeega ay bixiyaan malti moodhalka gaarka loo leeyahay in ay rabaan meel dakada qalalan ah oo ay iskood u yeeshaan. Dakada qalalan oo ah qayb u baahan dhul balaadhan ayaa waxa laga walaac qaba in ay hawshooda caqabad ku noqoto.

Waxa kale oo la sheegay in ganacsiga gaarka loo leeyahay ee raba in ay qaybtaasi ka shaqaystaan badankoodu ay rabaan dhul balaadhan, sida oo kale ay doonayaan in dhulkaasi u noqdo mid aan aad uga fogayn magalada addis ababa. Sidaas darted waxa lagu talo jira in dhul gaadhaya ilaa labo heeektaar in laga dhiso halkaasi oo marba marka ka danbaysana balaadhi lagu sameeyo.

Macaamiisha nidaamka malti moodhal ee gaadiidka ayaa looga baahan yahay in alaabadooda ay ka soo rarayaan jabuuti ama meelo kaleba ay u soo diyaariyaan dhokmantigi ay ku raran lahaayeen oo ay bixiyaan qiimihi looga baahna. Nidaamkaasina waa mid u ogolaanaya in hal dhookmanti oo kaliya ay badeecadahooda oo dhan haayadaha u raraya alabadooda masuuliyadeeda ay dalka ku soo galiyaan. Dhinaca kalena nooca adeega gaadiidka ee la yidhaahdo yuni moodhal ayaa ah mid ku khasbaya alaabada inta aan dalka la soo galinin ka hor in casnhuurta iyo taksiga jibriga la bixiyo.

Waxa intaasi dheer in inta aanay helin sharciga u ogolaanaya gaadiidka ka hor in ay haystaan dhookmantiga asalka ah ee ay alaabadooda ku raran karaan oo ay bangiyada kala soo baxaan, sida oo kalena in ay bixiyaanna lacagta adeega ay khasab tahay.waxa kale oo la sheegay in ay alaabada u baahan in laga bixiyo cashuurta jibriga lagu daayo dakada jabuuti oo ay ku uruuraan halkaasi, taasina ay tahay hawl ku kalifaysa in ay bixiyaan kharash aan loo baahnayn oo wakhtigoodana ka luminaysa.

Toban sano ka hor marki ay itoobiya ka wareegtay nidaamka yuni moodhal ee gaadiidka ee ay u wareegtay nidaamka adeega malti moodhal ee gaadiidka waxa adeeg dawli ah u fidin jiray hayada loogestiga gaadiidka bada ee itoobiya oo kaliya. Hagaha xiligan xaadirka ah la diyaarinayo ee nidaamka melti moodhal ee gaadiidka ayaa ku soo kordhiyay hayaadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ee ku hawlan hawsha qaybtaasi, taasi oo fursad dheeraad u ah ayaa waxa la aaminsanyahay in geedi socodak hawshooda ay u sahasho. Waxa sida oo kale la filaya in todobada dakadood ee qalalan ee ay ka midka yihiin moojo iyo woreta la balaadhiyo si alaabadu aanay ugu uruurin dakadaha dalka dibadiisana ay door wayn kaciyaari doonto.


አዲስ ማለዳ Nahaase 8 2013 No 8

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here