Cudbi 55 kun ton ah oo la habeeyay oo loo bahna in la soo saaro ayaa waxa laga helay oo kaliya 33 ton oo cudbi ah.
Maareyaha machadka hour marinta warshadaha ee toobiya ayaa sheegay in daganaansho laanta dalka ka jirta ay caqabad ku noqotay.
Waxa la sheegay in nabadgalyo laanta ka jirta meelo kal duwan oo dalka ka mid ah ay caqabad ku noqotay hawsha loogu jiro maal galinta balaadhinta warshadah ay saamayn balaadhan ku keentay. Sida oo kale daganaansho laanta dalka ka jirta ayaa maal qabeenada dalka cabsi galisay in ay ka qayb qaataan mashariicdaasi arintaasi ka sokow malqabeenadi hore u galay ayaa ka fakiraya in ay dib uga baxaan.
Waxa u machadku u sheegay in dagalada ka bilaabmay wuqooyiga dalka laga bilaabo bishii tiqimt ee 2013ka warshadaha maryaha ee ka jira deegaanka tigraay “ma gaarmentna” ku daro warshadaha waawayn oo dhami ay hawshoodi oo dhan joojiyeen.
Baanteyihun Gesese oo ah mareeyaha arimaha xidhiidhka machadka horumarinta warshadaha ee dalka ayaa sheegay in wax soo saarka cudbida ee sanadki walba deegaanka benishaangul gum zoo u yahay mid ka mid ah deegaanada cudbida ugu badan laga soo saaro, hadan dhibatadi amni daroda ah ee jirtay awgeed in shaqaaluhu ay tagi kari waayeen meelihi cudbida laga uruurinaayay ee wax soo saarka cudbida oo ay walaacna ku abuurtay in la uruurin kari wayay cudbidi halkaasi ka baxday.
Mareeyahas oo sheegay in hour marki wax soo saarki loo baahna ee warshadaha la awoodi waayay, taasina ay kaliftay dakhligi laga soo xarayn jiray warshadaha ee bishi oo ahaa ugu yaraan hal milyoon oo doolar ayaa xiligan laga heli kari wayay dakhligi hore looga heli jiray. Waxana laga warwar qaba in warshadihi sida fiican u soo korayay ay saamayn baladhan ku reebto.
Waxa kale oo Baanteyihun u sheegay in warshadaha wax soo sarka ay xiligan xaadirka ah marxalad adag ku jiraan, arintaasi oo ka dal ahaanna wax xal ah aan loo haynin ayaa warshadahana caqabad ku noqotay. Beeraha cudbida ayaa u baahan keemiko. keemikadaasina hadii aan xiligeeda laga gaadhsiin waxa ay caqabad ku noqonaysa tayada wax soo saarka, keemikadan oo muhiim u ah wax soo saarka ayaa hadii aan hore dibada looga soo dhoofin sarifka lacagaha dibada oo yaraaday awgeed hoos u dhaca wax soo saarka ah ee ay ku keenayso ayaa ah mid aad u balaadhan.
Waxa la sheegay oo kale In sanadki hore ee 2012ki caabuqa covid 19 oo caalamka saamayn balaaden oo dhinaca dhaqaalaha ah ku keenay in aanu warshadaha wax soo saarka saamayn badan ku keenin madaama shaqaalaha warshaduhu ay galin galin u shaqaynayeen oo wacyi galin balaadhan laga siiyay cudurka loona soo ban dhigay waxyaabaha lagaga hortago, balase amni darida xiligan xaadirka ah jirta ay warshadaha wax soo saarka ay caqabad wayn ku noqotay.
Waxa intaasi dheer bu yidhi masuulku in xili roobaadkan ee lagu jiro wax soo saar balaadhan oo cudbi ah deegaanka canfarta laga heli laha ayaa hadana wabiga awash oo buux dhaafay oo fatahay baabiyay gabi ahaanba beerihi rajada wayn laga qabay oo daadku u qaaday.
Baanteyihun waxa kale oo u sheegay In sanadka 2013ka loo baahna in la soo saaro 55 kun oo ton oo cudbi la habeeyay ah, balse la soo saaray kaliya 33 kun oo ton oo kaliya. Si la isigu dheeli tiro baahida loo qabay cudbida iyo wax soo saarka la helay ayaa waxa fursad la siiyay warshadahu in ay dibadaha ka soo dhoofsadaan cudbi.
Sida u mareeyuhu u wargayska addis maleda u ugu cadeeyay ayaa ah in kasta oo la ogsoonyahay in dalka itoobiya u yahay dal ku haboon beerista cudbida oo awood wax soo saarna u leeyahay, in hadana hawsheedi la galay qorshe kor loogu qaadayo wax soo saarka loo diyaariyay si awooda kor loogu qaado oo loo xaliyo caqabadaha halkaasi ka jira oo laguna shaqayn doono 15 sanadood.
አዲስ ማለዳ Nahaase 15 2013 No 8


