Waxa la sheegay in goobaha buuraha ah ee qaran ee ku yala baale lagu diwwan galin doono ha’ayada caalamiga ah ee unesko

0
451

Ha’ayada horumarinta iyo ilaalinta xayawanada duur joogta ah ee itoobiya ee goobaha buroleyda ah ee baale si loogu diwaan galiyo ha’ayada uneesko ayaa diyaar garawgi dhamays tirtay.
Madaxa isgaadhsiinta ee xafiiska ha’ayadaasi mudane Naaqajew Birileew sida u hadalkiisa ku sheegay ayaa cadaynaysa in goobaha buurolayda ah ee baale oo ay ku nool yihiin nafleey kala duwan si loogu diiwan galiyo ha’ayada caalamiga ah ee uneesko in hawlihi looga baahna ay dhamaystreen.

Sidaas darteedna sida hada ka hor loogu diwaan galiyay ha’ayda uneesko goobta dalxiiska ah ee wuqooyiga dalka ee kaliyaata ah ee 50ka sano ay ka soo wareegtay diiwaan galinteeda in goobta buurolayda ah ee baalena si loo diiwaan galiyo lagu talo jiro.

Waxa u Naaqajew u wargayska addis maled u usheegay si goobtani ay u hesho soo jiidashada caalmka ayada oo an ka tagiin dabiicigeedi, oo laga duulayona in laga helo fa’aidooyinki looga baahna ayaa waxa lagu talo jira in laga diwaan galiyo ha’ayada caalamiga ah ee uneesko.

Sida u ugu waramay wargayska addis maleda xafiiska ha’ayadu waxa afartii sano ee la soo dhaafay dadaalkeeda loogu jiray sidii goobta buurolayda ah ee baale loogu diiwaan galin lahaa ha’ayada caalamiga ah ee uneesko.

Xiligan xaadirka ahna waxa la diyaariyay oo dhamaystirkeedi lagu jira hawshi darjooyinki looga baahna ee (nomination file).
In la buuxiyo darajooyinka looga baahanyahay (nomination file) macnaheedu waxa ay ka dhigantahay goob kasta oo dabiici ah si loga diiwan galiyo ha’ayada caalamiga ah ee uneesko waa in shuruudaha u yaala ha’ayada la buuxiyo.

Hanti kasta oo dabiici ah oo u dalku leeyahay si looga diiwan galiyo uneesko waa in shuruudo kasta oo looga baahan yahay la buuxiyo.
Waxa la sheegay in la diyaariyay dhookmentiyadi loo baahna ee lagu xusay waxyaabaha ay leedahay gobtaasi buuroleyda ah ee baale, meesha ay ku taalo iyo xiligan xaadirka ah sida ay u egtahay.
Naaqajew ayaa sheegay in marka laga fakiro in goobtaasi laga diiwan galiyo uneesko marka hore loo baahan yahay in la xaliyo dhibaatooyinka goobtaasi ka jira. Waxa kale oo u sheegay goobaha xayawaanada duur joogta ah ay ku noolyihiin ee qaran oo dhan ee dalka ka jira in marba marka ka danbeeysa tirade dadka ee soo kordhaysa ay kor u qaadayso baahida loo qabo waxyaabaha dabiiga ah taasina ay caqabad ku noqotay goobahaasi.

Waxana ka mid ah dhibaatooyinkaasi caqabada ku noqonaya goobahaasi meelaha daaqa ah, dhirta oo la jaro sida oo kale meelaha sida sharci daroda ah loo dago.
Si looga hor tago ficiladan sharci daroda ah oo loo balaadhiyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaale waxa la qoorsheeyay hawsha in maal gashi balaadhan lagu sameeyo wadada ka baxda gooba ilaa iyo dalomana oo laga helo dacawooyinka kuwa cas cas ah oo dhararkeeduna ku dhawyahay 100 k.m oo la badalo. Arintaasina waxa lagala tashaday maamulka halkaasi ka jira waxana la qorsheeyay in naqshad cusub loo sameeyo oo hawsheeda la bilaabo.

Sida goobta wuqooyiga ee qaran loogu jeexay wadada loo sameeyay ayaa waxa lagu yareeyay dhibaatooyinki soo gaadhi jiray hantida dalka ee dabiiciga ah, sida oo kale waxa la qorsheeyay in sida oo kale goobta baale loo sameeyo wadooyin.

Waxa kale oo u yidhi dhinaca kale ee goobtaasi wdada ka marta ee tagta adhaaba ilaa qabalaha wage harana oo dhawooyink cas casi ay ka jiraan, waxyaabaha dabiiciga ah ee halkaasi ka jira sidi wado kale loogu samayn laha, waxana la sameeyay daraasad waxa kale oo lagu talo jira in la sameeyo wadooyin kale oo u dhaw halkaasi.

Labadan wado ee toobiyaha ah ee la samayn doono lacag intee leeg ayaa ku bixi doonta iyo xiliga la bilaabi doonoba wax xog ah oo ka waramaysa ma jirto sida wargaayska addis maaleda u ku soo ogaaday.

Waxa kale oo Naaqajew u xusay in goobtan buurolayda ah ee baale ay tahay hanti wayn oo u dalku leeyahay oo laga helo duur jog baxsan, shinbiro iyo dacawooyinka nooca cas cas.
Hadaba hantidan u dalku leeyahay waxa loo sameeyay ilaalo, waa in ilaaladaasina laga hela faiido oo laga dhiga goob loo dalxiis tago, si indhaha caalamka ay u soo jiidatona waana in ha’ayada caalamiga ah ee uneesko laga diiwaan galiyo.

Xafiiska hayada ayaa kala wareegay masuuliyada ilaalinta goobtaasi sanadki 1999kii deegaanki hore u ilaalin jiray ee deegaanka oromada.
Waxa kale oo u sheegay masuulku si loo buuxiyo shuruudaha ay u baahn tahay ha’ayada uneesko in lagu hawlan yahay hawlaha kaabayaasha dhaqale ee la dhisi doono, wadooyinka dhax mara goobtaasi ee gaadhsiin kara dhibaatooyinka iyo xadhkaha korontada ee halkaasi ka jira in meelo kale loo duwo.

Waxa in taasi dheer in la qabtay hawsha dadkii sida sharci darada ah u dhax dagana goobtaasi inta loo qoondeeyay lacag dhan 160 malyuun oo bir sidii looga rari lahaa.
Waxa u Naaqajew u cadeeyay hadii dhibaatooyinkaasi aan hore u soo sheegny la xaliyo aanay jiri doonin wax hor joogsan kara in laga diiwaan galiyo uneesko.
Waxa la sheegay in laga bilaabo xiligii bayaanka 575/2000 lagu asaasay xafiiska ha’ayada qaran u meelaha ay ku noolyihiin duur joogtu in u dib u habayn ku sameeyay.

Waxa u ugu danbayntii yidhi Naaqajew goobaha dalka ka jira ee qaran sida goobta dalxiiska ah ee wuqooyiga, baale iyo naji saar in ay sanadki walba ay soo bookhan jireen dalxiisayaal gaadhaya 60 kun, hadana cabuqa covid 19 markii u caalamka ka dilaacay ay yaraatatay tiradii dalxiisayaashu, sida oo kale dagalada dalka ka jira ay saamayn wayn ku yeesheen yaraanta tiraadii dadkii dal xiisayaasha ahaa si gaar ahna goobta dalxiiska ah ee wuqooyi.


አዲስ ማለዳ Meskrem 1 2014 No 11

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here