Waxa markii ugu horeysay fagaraha meskel lagu diyaarinaya bandhig ganacsi oo awtomotiivka ah

0
722

Meesha ay ka soo qayb galayaashu bandhigaasi ku samaynayaan halkii kare mitr waxa ay ku bixinayaan kun bir.
Waxa wargayska addis maleda u warantay Mekdhes Melaaku oo ah xirfed leh dhinaca suuqa gaynta ee xafiiska ganacsiga ee addis ababa goolaha ururada qaybtaasi oo sheegtay in markii ugu horaysay la diyaarin doono bandhig ganacsi oo awtomotiivka ah.

Waxa la sheegay in bandhigan ganacsi ay ka soo qayb gali doonaan warshadaha soo sara awtomotiivka oo ka kala socda dalka iyo dibadahaba oo gaadhaya 70 ilaa iyo 100, kuwa dibadaha ka soo dajiya, wakiilada qaybiya gawaadhida iyo alaabada lagu badbadalo gawaadhida, kuwa ku hawlan adeega gaadiidka iyo ha’ayadaha warshadaha awtomotiivka sida tooska ah xidhiidhka la leh.

Waxa ay Mekdhes sheegtay in u bandhigan ganacsi hadafkiisu u yahay sidii uu abuuri laha xidhiidhka ganacsi ee suuqa, kanbaniyada ku hawlan qaybtaasi sidii u isgu xidhi lahaa iyo warshadaha iyo teeknolojiyadu heerka ay marayaan sidii lagu tusin lahaa.

Waxa kale oo ay sheegtay in bandhigan ganacsi ee u markii ugu horaysay u diyaarinayo goolaha ganacsigu ay si balaadhan uga qayb gali doonaan wadamada dibaduhu. Waxana xaqiijiyay in ay ka so qayb gali doonaan wadamada kala ah suudan, tukiga iyo imaraadka carabta, waxana jira wadamo kale oo loogu baaqay in ay marti sharaf ka noqdaan.

Waxa sida oo kale ay Mekdhes sheegtay in bandhigan ganacsi ee fagaraha oo u ku soo diyaarinayo goolaha ganacsi xarunta macradka ee u shanta maalmood ku diyaarinaayo ee teknoolojiyada beeraha iyo farsamada soo saarida mid la xidhiihda ah in u yahay. Bandhiga ganacsiga farsamada beeraha waxa la qabanayaa markii 3aad, sida oo kale marka 4aad ee la qabanayo bandhiga ganacsiga ee wax soo saarida waxa loo qabanaya sidiisi caadiga ahayd, qaybtan bandhiga ganasiga ee awtomotiivka ahna in si gaar ah fagaaraha meskwl loogu qabto ayaa la qoorsheeyay oo hawshiina la bilaabay.

Waxa ay Mekdhes kale oo ay sheegtay in qaybtan awtomotiivka si gaar ah kaligii loogu qabto waxa loogala jeeda si ha’ayaduhu ay wax soo saarkooda si xor ah iyo si balaadhan ay ugu soo ban dhigaan.

Bandhigan ganacsi waxa u ka qayb galinaya laga bilaabo kuwa gawaadhida soo saara ilaa kuwa ka ganacsada alaabada lagu badbadalo gawaadhida ee meelaha ay ku iibiyaan haysta, kanbaniyada caymiska, ha’ayadaha soo saara shaagaga iyo cid kasta oo ku hawlan qaybtaasi. Ka soo qayb galayaasha wax soo saarkoda halkaasi ku soo bandhigaya meesha ay qabsan karaan si ay wax soo saarkooda ugu soo bandhigaan waxa ugu yar sagaal kare mitir.

Sida ay Mekdhes sheegtay ka soo qayb galayaashu meesha ay qabsanayaan waxa ay si gaar ah u isticmaalayaan tanbuugyadooda, sida oo kale ha’ayadaha qaar waxa ay qabsanayaan meel gadhaysa 50 ilaa 100 kare mitir. Halkii kare mitir waxa ay ku bixinayaan kun bir. guud ahaan ha’ayadii kaliyaata hadii ay qabsato meel sagaal kare mitir ah waxa shanta cisho ay ku bixinayaan lacagta la isku diiwaan galinayona marka lagu daro 46 kun iyo 500 oo bir.

Sidaas darted hadii ay ka soo qayb galaan 70 ha’ayadood ugu yaraan oo hayadiiba ay bixiso 46 kun iyo 500 oo bir waxa xafiiska ganacsigu u ka helaya lacag gaadhaysa ilaa 3.2 milyoon oo bir.
Waxa kale oo la sheegay oo intaasi dheer in ha’ayadaha ka soo qayb galaya ay xayaysiis u isticmaali karaan muraayadaha lo yaqaano LED ay ku bixin doonan 330 kun oo bir oo siyaado ah 30 daqiiqo loona diyaariyay fursad ay ku celceliin doonaan ilaa 10 jeer. Bandhigan ganacsi oo u xafiisaka gooluhu u markii ugu horeeyay soo diyaariyay ayaa waxa laga yaaba in ay dhibaatooyin la soo darsaan bay tidhi Mekdhes, hadana cid kasta ee qaybtaasi ka mid ah waxa u fursad u noqonayaa isu imaadkooda.

In kasta oo bay tidhi Mekdhes hada ka hor lagu diyaariyay bandhigan ganacsi oo kale holka miniliyamka hadana in lagu diyaariyo fagaaraha meskel laga bilaabo 2da bisha hidhaar ilaa 6/2014ka oo shan cisho ka kooban waxa u noqonayaa bandhigii ugu horeeyay.


አዲስ ማለዳ Meskrem 22 2014 No 15
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here