Goa’anki u goa’amiyay xafiiska maamulka magalada addis ababa ee ahaa in macalimiinta guryo kiro ah oo kuwa koondhomiiniyamka ah lagu wareejiyo ayaa waxa ka danbeeyay goa’an ah in loogu wareejiyo guryahaasi si iib ah qiimihi jiray sanadkii 2009kii ee 20/80ga ahaa.
Qiimaha guryahaasi ee u goa’amiyay gudiga xafiiska maamulka magalada addis ababa oo laga duulayo kii sanadkii 2009kii 20/80 ee guryaha sida wada jirka ah loogu noolyahay ayaa ah in qiimihi sanadkaasi jiray lagu wareejin doono, sidaas darteedna waxa la sheegay qiimaha guriga studhiyaha loo yaqaano in halkii kare mitir lagu iibinayo 2 kun 483 bir. Guriga halka qol iyo barsada ahna halkii kaare mitir lagu iibiyo 3 kun iyo 438 bir. Guriga labada qol ee hurdada ah lehna halkii kaare mitir 4 kun iyo 394 bir in lagu iibiyo, sida wargayska addis malea u xogta ku soo ogaaday waxa intaasi dheer in aan macalimiinta loo ogolayn in loo badalo nooca guryaha ah hadii ay doonaan baladhkooda iyo xafada ay ku yaalaanba.
Sida lagu xaqiijiyay wargayska ayaa ah in goa’ankii u goa’amiyay xafisska maamulka magaladu in guryiihi kirada lagu siiyay macalimiinta oo hadana si iib ah loogu wareejinayo geedi socodka wareejintaasi ay ka soo qayb galeen shaqaalaha iyo xirfadlayaasha xafiiska maamulka magalaa addis ababa, ururka macalimiinta iyo madaxda bahwadaagta horumarinta guryaha ee magalada addis ababa, shirkii wada tashiga ahaa ee ay yeesheen 11kii bisha meskerem ee 2014ka waxaa loogu diyaariyay dhookmantiyo ay ku xusanyihiin shuruudihi sidii loogu wareejin lahaa macalimiinta guryahaasi.
Dhookimentigana waxa ku xusan hadii labo ka mid ah macalimiinta oo aan marka hore reer lahayn ay is guursadaan in ay heshiis kale ay saxeexi doonaan si mid ka mid ah guryahaasi ka ay doortaan maahe ka kale dib loogu celiyo xafiiska wax barashada.
Sidaasi darteedna waa in macalimiintu ay soo diyaariyaan warqad xaqiijin ah oo sheegaysa in macalimiintu aanay laga bilaabo sanadkii 1997kii midkoodna yeelanin guri magacooda ku diiwaan gashan iyo meel dhul ah oo banana oo guri laga dhisan karo ama meel ay hor u lahaayeen oo ay cid kale oo sadexaad si hadiyad ahaan ah ugu gudbiyeen oo la soo xaqiijiyo.sida oo kale hadii macalinku ama macalimadu ay midkood geeriyooden ka dib sanadkii 1997kii waa in u kooda nooli u maxkamada ka soo xaqiijiyo cidii dhaxli lahaayd oo ay ka midka yihin ninka ama naagta iyo caruur hadii ay leeyihiin oo kaliya.
Waxa intaasi dheer in macalimiintu ay yihin kuwo wax ka bara dugsiyada dawlada oo ay xaqiijin kala yimadaan dugsiyada ay wax ka baraan iyo cida ay khusayso arintoodu. Sida oo kale waxa dhookmantiga lagu xusay in ay la yimaadaan waraaq xaqiijinaysa in guryaha koondhominiyamka ah si kiro ah loogu siiyay hada ka hor oo ay xiligan xaadirka ahna ku noolyihiin.
Waxa sida oo kale ku xusan dhokmantigaasi in hadii labada macalin mid ka mid ah u shaqada macalinimada ah ka tago oo ka kale ee shaqada ku jira u magaciisa heeshiis cusub la gali karo, hadii ay macalimiintu ay shaqada kaga tageen xil dawladeed oo la siiyay awgeed waa in ay waraaq cadayn ah ka keenaan xafiiska xisbiga xilka laga siiyay ama xafiiska wax barashada.
Sida oo kale hadii ay yihiin macalimiintu kuwo is diiwaan galiyay sanadkii 1997kii oo hadana dib isu diwaan galiyay sanadki 2005tii oo yidhi waxa aan sugayna nasiibkayaga xiliga u noo soo baxo bakhtiyaanasiibku waa ay sugi karaan nasiibkooda xiliga u usoo baxo. In guriga sida kirada ah lagu siiyay markii hore heeshiiski ay ku saxeexeen laga bilaabo xiligii heshiiska la kala saxeexday sadex bilood gudohood ay guriga dawlada dib ugu celin karaan ayaa sida oo kale ka mid ah shuruudaha ku xusan.
Ugu danbayntii inta lagu jiro geedi socodka hawshaasi hadi ay jiraan wax dhib ah oo ay la kulmaan waxa looga baahan yahay in ay yimaadaan xafiiska wax barashada ama xafiiska ha’ayada horumarinta guryaha ee addis ababa oo goa’an laga gaadho. Waxa kale oo la sheegay hadii ay jiraan shaqsiyaad ama machadyo siiyay xogo musuqmaasuq ku jiro ama qaatay in sharciga la ho keeni doono oo danbiga ay sameeyeenna lagu waydiin doono, sida oo kale waxa la sheegay hadii ay jiraan heshiisyo la kala saxeeday oo musuqmaasuq ku jiro in heshiiskaasi aanu shaqayn doonin oo aan la aqbalayn.
አዲስ ማለዳ Meskrem 22 2014 No 15
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n


