Waxa la dhaqan galiyay hagaha dabogalka ku samaynaya ganacsiga caanaha iyo cuntooyinka dhalaanka

0
1011

Ha’ayada cuntada iyo dawooyinka ee itoobiya ayaa sheegtay in ay dhaqan galiisay todobaadki la soo dhaafay laga bilaabo nidaamka hagaha dabogalka ku samaynaya ganacsiga caanaha iyo cuntooyinka nafaqada leh.

Hagahan oo loogu magic daray dabo gaka cuntooyinka dhalaanka ayaa waxa loogu talo galay si looga hor tago dariiqada aan haboonayn ee caruurta dhalaanka ah lagu quudinayo cuntooyinka dhibaatooyinka cafimaad ee ka soo gaadhi kara si loo joojiyo, sida oo kale sidii loo yarayn lahaaa uu nuglaanshaha cabuq daran oo ka soo gaadha iyo si loogu dhiiri galiyo in caanaha naaska ee hoyada in la nuujiyo.

Hagahani waxa cid kasta oo soo saarta ama dibadaha ka soo dhoofisa cuntooyinkan dhalaanka ah inta aanay suuqa soo galin ka hor in xafiiska ha’ayadu uu ku khasbayo in wax soo saarkaasi uu soo maray hab wax soo saar oo haboon, sida oo kale in wadanka lagu sameeyay six or ah suuqa loogu iibiyo waraaq cadaynaysa iyo in ay la yimadaan aqoonsi.

Waxa kale oo uu ku khasbaya hagahani in lagu dhajiyo alaabta ay ku jiraan wax soo saarkaasi waraaq qoraal ah oo cadaynaysa iyo talooyin ah in caanaha naaska ee hooyada mudnaanta la siiyo iyo in ay fa’aido cafimaad uu leeyihiin oo si cad uu muuqata.

Waxa kale oo uu hagahaani marka ugu horaysa uu mamnuucaya in nooc kasta oo xayaysiis ah oo ku saabsan cunntooyinka dhalaankaasi iyo alaabada lagu siiyo wax soo saarka in laga sameeyo xayaysiis oo la sii daayo si toos ah iyo si dadbanba.

Waxa kale oo uu hagahaasi uu mamnuucaya in laga sameeyo xayaysiisyo laga sii daayo radyaha, telefishiinka, interneetka iyo meel kasta oo kale, sawr muuqaal, cod ama qoraal ka hadlaya cuntooyinka dhalaanka oo ganacsi laga sameeyo, in sida oo kale laga sameeyo qaacidooyin qoraal ah faahfaahinaya cuntooyinka dhalaanka ah ama fariimo ku aadan in la sii daayo ama si gaar ah in laga muujiyo dukaanada lagu iibiyo wax soo saarkaasi iyo meelaha shaqada ama meelaha adeegyada bulshada laga bixiyoba in laga tusiyo . sida oo kale in la sheego in cuntada dhalaanka lagu sameeyay qiimo dhimis ama in cuntada caruurta bila lacag lagu siiyo iyo wax yaabo kale oo ganacsatadu ay si xayaysiis ahaan ah way ugu adeegsan karaan la is leeyahayba.

Waxa kale oo uu hagahaasi uu mamnuucaya in cid kasta oo soo saarta caanaha dhalaanka, soo dajisa, qaybisa ama wakiil ka ah in aanay canahaasi dhalaanka aanay si caawimo ah ku siin Karin cid kasta, balse hadii ay dhacdo in lagu caawiyo caanahasi dhalaanka waxa la eegaya xalada dhalaankaasi hadii uu yahay mid uu baahan waxa ogolaansho xafiiska ha’ayada laga siin kara. Hadana ayada oo ay arintu sidaasi tahay haguhu ma ogola in cawimadasi la shaaciyo.

Sida uu wargayska addis maleda uu xogta uga soo ogaaday xafiiska ha’ayadaasi ayaa sheegaysa in hadafka hagahani uu yahay sidi lagu joojin lahaa xayaysiisyada sheegaya in canahaasi ay uu dhigmayaan canaha naaska hooyada oo ay kor uu qaadayaan difaaca jidhka.

Waxa wargayska addis maleda uu waramay Kidhuus Samueel oo ah xirfadleh dhinaca suuq gaynta oo ku hawlan mudo sideed sano ka badan hawsha daraasadka iyo la talinta ganacsiga jilmada ah waxaana uu sheegay in hagahani uu yahay mid kala dhantaalan .

Kidhuus waxa uu yidhi baryahan danbe waxa dhaqan laga dhigtay in xayaysiisyada la joojiyo. In kasta oo loo baahanyahay in cuntada iyo caanaha dhalaanka taxadir badan laga sameeyo, hadana waxa ugu muhiimsan ee xayaysiisyada loo sameeya waxa weeyaan sidii bulshada looga siin lahaa aqoon waxyaabahasi, hagahaasina waxa uu soo dhigay qodobo khasba lagaga dhigayo.

Waxa kale oo uu yidhi tusaale ahaan walxaha ku jira hadii ay ha’ayadu soo xaqiijiso in la ogolyahay in si faahfaahsan loogu soo qoro hadii ay leeyihiin faaido iyo dhibaatooyin ay kala kulmi karaan dhalaanku sida oo kalena haguha lagu xusay. Anigu waxa aan uu arkaa hagahan in uu ku xad gudbayo xuquuqda hoyooyinka aan dhalaankooda naaska nuujin Karin sababo kal duwan awgeed.

Nisuuhworqi Afese oo ka ah xirfadleh cafiimaadka bulshada oo mudo toban sano ka bandanna ku hawlanayd cafimaadka bulshada si gaar ahna cafimaadka dhalaanka iyo hoyooyinka ayaa waxa ay tidhi waa bilaw fiican, balse in xayaysiisyada ku aadan canaha iyo cuntooyink dhalaanka la mamnuuco waxa ka fiicnayd in hawlo kale oo mudnaanta in la siiyo uu baahna ay jireen, tusaale ahaan kuwa sida kontrobaanka ah loo soo galiyo dalka ee suuqyada lagu ahoy in suuqyada laga saaro oo laga nadiifiyo ayaa ka mid ah hawlaha loo baahna in loo horaysiiyo.

Waxa kale oo ay Nisuuhwarqi ay cadaysay in fiirada gaarka ah ee canaha naaska hooyada la siiya ay tahay mid lagu dhiiri galinayo. Waxaana lagu taliya in dhalaanka naaska la siiyo mudo ilaa afar sanadod iyo badh ah. Hagahanina markii uu mamnuucayay in xayaysiska laga sameeyo caanaha iyo cuntada dhalaanka waxa wasarada cafimaadka looga baahanaa in ay samayso hawlo badan iyo xayaysiisba oo ku dhiiri galinaya in canaha naaska hooyada la siiyo dhalaanka.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 4 2014 No 21

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here