Abaarta ayaa dishay in ka badan 1.1 milyan oo xoolo ah oo ka dhacay deegaanka Soomaalida 3.5 milyan oo qof ayaa la kulma biyaha la’aan abaarta jita awgeed

0
905

Deegaanka Soomaalida abaaro ku dilay in ka badan 1.1 milyan oo xoolo ah Madaxa Xafiiska Kahortagga Khatarta Masiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Shir Carab, oo saaka la hadlay wargeyska Addis maleda ayaa sheegay in ay korortay dhimashada xoolaha, ka dib markii ay roobabkii ka da’i jiray deegaanka waqtigisi usan di’in Waxa uu intaa ku daray in ilaa iyo hadda ay dhinteen in ka badan 1.1 milyan oo neef oo xoolo ah, isagoo sheegay in xaaladda abaartu aysan ka soo rayn.
Xilliga qoraalkan la qorayo, 57,731 neef oo geel ah, 328,447 ido ah, 655,951 ari ah iyo in ka badan 37,000 oo dameer, wadar ahaan waxaa ku dhintay in ka badan 1.1 milyan 762 xoolo guri ah, ayuu yidhi.
Wuxuu sharaxay in tirada xoolaha dhintay ay intaas ka badan doonto, sababtuna ay tahay roob la’aan ka jirta deegaanka.
Wuxuu sheegay in ka badan 3.5 milyan oo qof ay halis ugu jiraan biyo la.aan ka jirta deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay sheegeen in deegaanadaasi ay biyo galinayaan si ay dhibaatadaasi u yaraato.
Wuxuu sheegay in ka badan 41,000 qoys, ama ugu yaraan 244,242 qof, ay ku barokaceen roobab la’aanta iyo abaarta.
Waxa uu ku micneeyay in ay sabab u tahay in ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah, isla markaana ay hadda maqan yihiin dhammaan xoolihii ay ku noolaayeen, oo aysan haysan wax ay dib ugu noqdaan.
Wuxuu xusay in dadka marka ay abaartu soo hagaagto dib ugu noqon karta deegaanadoodii ay u guuri karaan meelo kala duwan si ay calaf uga soo iibsadaan xoolahooda, isla markaana ay baabuur ku raraan xoolaha ay ku nool yihiin.
Waxa uu tilmaamay in ay jiraan dad xitaa u soo gudbay degmooyinka Bariga Hararge.
Wuxuu sheegay in hadda ay ka jirto cunto yari ugu yaraan 3.6 milyan oo qof oo ku nool deegaanka, balse 47,537 qof oo kaliya la gaarsiiyay 87 degmo.
Waxa uu sheegay in aysan jirin taageero ku filan oo ay ka helaan Hay’adaha Samafalka, waxa uuna intaa ku daray in Taageeradaasi ay tahay mid ay Dowladda bixisay.
Abaarta ka jirta deegaanka ayaa saamaysay in ka badan 87-degmo iyo in ka badan 1,795 qabale, gaar ahaan sagaal gobal ee deegaanka ka tirsan.
Boqolkiiba 85 dadka deegaanka ayaa ku nool raashiinka xoolaha iyo kharashaad kale, waxaana la sheegay in abaartu ay dishay xoolo badan oo ay ku naf waayeen.
Waxaa intaa dheer in abaarta ka jirta gobalka Borena ee deegaanka Oromia aysan ka soo rayn, waxaana ilaa hadda khasaaray in ka badan 300,000 oo neef oo lo’ ah oo qiimahoodu ka badan yahay afar bilyan oo Birr.


አዲስ ማለዳ Maarso 10 2014 No 39

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here