Hayada xuquuqul insaanka ayaa sheegay in uu xaqiijiyay in dhowr qof oo si qasab ah lagu waayay, gaar ahaan magaalooyinka Addis Ababa, Deegaanka Oromiya iyo Deegaanka Axmaarada.
hay’ada xuquuqul insaanka ayaa tilmaamay in dadka ugu badan ee falkaan ku waxyeeloobay laga soo qab qabtay guryahooda, goobahooda shaqo iyo wadooyinka ay ku jiraan ciidamada ammaanka dowladda, iyadoo aan wax amar ah laga qaadin, lana geeyay meel aan la garanayn.
Qaar ka mid ah dadka la waayay ayaa la sheegay in markii la soo qabtay lagu raad joogay, balse la waayay markii la geeyay Saldhigga caadiga ah, halka qaar kalena la sheegay in Ciidamada ay kaxeysteen iyadoo aan waxba loo sheegin.
Inkastoo la sheegay in qaarkood la helay kadib markii ay maalmo, toddobaadyo iyo bilo ay dhuumaaleysanayeen, haddana Hay’Ada xuquuqul insaanka waxa ay sheegtay in ay jiraan dad si qasab ah lagu qariyay ilaa iyo inta uu xogta ka ururiyay.
Waxaa ka mid ah af-duubyadii ka dhacay magaalada Addis Ababa tan iyo 24/4/2015, Hay’Ada waxay tilmaantay in qaar ka mid ah dadkii sida qasabka ah lagu af-duubtay loo kaxeeyay Saldhigga Booliska Federaalka, ka dib markii la afduubtay muddooyin kala duwan. Waxaa la tilmaamay in dadkan lagu xiray xeradii hore ee ciidamada gaarka ah oo ku taalla deegaan lagu magacaabo Gelan oo ka tirsan magaalada Sheger ee gobolka Oromada, markii si qasab ah lagu qariyay.
Waxa uu tilmaamay in guddigu ay wadaan baaritaan ku aadan qaabka aan habooneyn ee loola dhaqmay ama jirdilka loo geystay dadka la sheegay in lagu qasbay, waxaana uu shaaca ka qaaday in xaalada dhabta ah ay soo bandhigi doonaan marka ay baaristu soo dhamaato.
Gudiga ayaa daba gal ku sameeyay dad lagu laayay magaalooyinka Bahir Dar iyo Debre Berhan ee gobolka Axmaarada waxayna markii danbe xaqiijiyeen inay jiraan dad si qasab ah lagu qariyay.
Dhinaca kale waxaa xafiiska looga yeeray 6/12/2015 nin horay uga tirsanaan jiray ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida, waxaana loogu baaqay inuu xafiiska u yimaado arrimo shaqo.
Marka laga soo tago ku xad-gudubka tooska ah ee xuquuqul insaanka ee lagu hayo dhibanayaasha rabshadaha noocaan ah, hay’ada Waxaay ku micneeysey inay tahay khatar meesha ka saaraysa kalsoonida nidaamka sharciga ah ee bulshada oo dhan, iyo sidoo kale burburka dhinacyada badan leh ee loo geystay qoyska.



