Darawalada ayaa wargeyska Addis Maleda u sheegay in ciidamo hubaysan ay marar badan dhac u gaysteen baabuurta dooxada Gibe ee wadada ka baxda Wolkite iyo Jimma.
Natiijo ahaan, ciidamada ku labisan dareeska booliiska ee agagaarka webiga Gibe; Waxa ay sheegeen in xilliyada habeenkii ay joojiyaan wadayaasha baabuurta, isla markaana ay ka dalbanayaan inay lacag keenaan, isla markaana ay muraayadaha ka jabiyaan darawalada sheega inaysan lacag siin.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in Wabiga Gibe ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda, hadana ay jiraan Maleeshiyaad si barbar socod ah u howlgala, muddo bil ka badanna ay ka soo wareegatay markii ay dhac u gaysteen darawalada xilliyada habeenkii ah wata dareeska Ciidamada Booliska.
Waxa ay sheegeen in Darawalada ay wataan dareeska Ciidanka Booliska,islamarkaana ay ku amrayaan in gaariga uu istaago,isla markaana Darawalada ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.
Waxaa la tilmaamay in kooxahaasi ay ku dhex mushaaxayaan goobaha aysan ku sugneyn ciidamada ammaanka ee dowladda, isla markaana ay dib u soo laaban doonaan, marka ay muddo toddobaadyo ah la waayaan.
Waxaa la sheegay in burcadaasi ay ku dhuumaaleysan doonaan goobtaasi marka ay ka qaataan lacagaha ay ka helaan darawalada oo ay ku jiraan agabka ay ku raran yihiin gaadiidka.
Intaa ka dib, waxa uu tilmaamay in darawaladu khatar weyn ugu jiraan baabuur wadista habeenkii, waxaanu u soo jeediyay hay’adaha dawladda ee ay khusayso arrintan inay fiiro gaar ah u yeeshaan.
Taliyaha Qaybta Bilayska ee Aagga Gurage komander dareje Mohammed ayaa yidhi, “Weli taladaas namay helin. Arrintaas waanu baari doonnaa, sharraxaadna waanu ka bixin doonnaa,” ayuu u sheegay wargeyska Addis Maleda.



