Xarunta samo falka ah ee meqedhooniya ayaa sheegtay inay heshay kaliya boqolkiiba 10 lacagtii loo balan qaaday ee ahayd 100ka milyan ee birr.

0
763

Xarunt samo falka ah ee Maqedhooniya waxay sheegtay in ay la soo wajahday lacag yaraan ooy bilaabeen barnaamij lacag uruurin ah.
Sida la ogsoonyahayna xaruntu imika ka hor lacag yaraanta ee la soo daristay awgeed waxa ay samaysay barnaamij lacag uruurin ah.
Sida laga soo xigtay Binyam Belete oo ah ninki asaasay xaruntani agaasimena ka ah ayaa waxa u sheegay in barnaamij lacag aruurin ah ay imika ka hor ku qabteen hoolka millennium,halkaasina ay ugu balan qadeen shirkado iyo shakhsiyaad kala duwan in ay siin doonaan lacag dhan 100 milyan oo bir.
Balse 100ka milyan ee birr ee ay balanqaadeen 10 milyan oo birr kaliya ayaa lasiiyay xarunta, isaga oo intaa ku daray in hay’adaha iyo shaqsiyaadka ay ku guuldareysteen inay taageeraan xarunta sidii lagu balamay, madaama uu aduunka iyo dalkaba ka dilaacay cudurka CVD 19 awgeed inaysan wax lacag ah aanay ka helin xaruntu sida lagu balamay.
Waxana u wargayska addis maleda u soo ogaaday in xaruntu aanay isku dayin sidii loo soo uruurin laha lacagihi loogu balan qaaday.
Waxa kale oo intaasi raaciyay xaruntu madaama aanay helin lacagti fagaaraha loogaga balan qaday in ay la soo darstay dhibaato lacag yari ah.
Sida u sheegay maareeyuhu sidoo kale, hadii xaruntan ay heli laheyd lacagta la balan qaaday ay awood u yeelan laheyd in dad badan laga qaado wadooyinka, taasi oo ka caawin laheyd in xarunta ay gaadho hadafkeeda.
Sida uu sheegay agaasimuhu taageerada lacageed ee xarunta ayaa si weyn uga caawin lahayd dhameystirka dhismaha aan dhameystirneyn, kuwaasi oo hawl gali lahaa hadii la dhamays tiri lahaa.
Binyam waxa u xusay in barnaamijyadii hore ee lacag uruurinta ahaa lacagihi laga helay ay xaruntu ugu dhistay guri dadka waayeelka ah iyo dadka dhimirka qaba, sidoo kale dhisme casri ah oo adeeg lagu daaweeyo u fidiya dadkaasi.
Sida uu sheegay agaasimuhu ayada oo laga hor tagaayo kharashka lagu bixin lahaa daawaynta dadkaasi ayaa waxa ay xaruntu ku hawl jirtaa dhisme casri ah oo loogu talo galay 10,000 oo qof oo ku yaal aagga Ayat.sidoo kale xaruntu hawlaha ka qabyada ah oo dhan dhamays tiri doonto, waxa ay dibna u bilaabi doonto barnaamij lacag uruurin ah.
Waxa u intaasi raaciyay si xaruntu ay lacag lagu fuliyo hawlahaasi oo dhan u hesho waxa xaruntani ay ku hawlantahay barnaamij sidii dawlada iyo haayadaha kaladuwan ay usoo booqdaan xarunta. Barnaamijkan booqashada xarunta waxa ka soo qaayb galay Wasiirka ganacsiga iyo dakhliga mudane Melaku Alebel.
Waxa kale oo u sheegay in wasiirka oo ku hadlaya magaca wasarad u balan qaaday in ay dadaal ka muujin doonaan sidii ay u taageeri lahaayen xaruntan ilaa inta dhismaha laga dhameystirayo.
Sidoo kale wasiirka ayaa ku saxeexay meeshi loogu talo galay in lagu saxeexo ee balan qaadka.
Ugu danbayntii waxa u sharaxaad ka bixiyay Biniyam in Xaruntu Waayeelka iyo dadka Maskaxda ka buka ee Maqedhonia ay ka shaqeyneyso sidii dadka waayeelka ah iyo kuwa dhimirka ka xanuunsan ee ku kala nool qeybaha kala duwan ee dalka loo gaadhsiin lahaa adeeg, Sido kale looga furi lahaa laamo kale oo qeybaha kala duwan ee dalka ah, si loo hir galiyo qorshahaasina lagu jiro hawsha dhisme xaruntu ay leedahay.


አዲስ ማለዳ Hamle 3 2013 No 3

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here