Dhaqaalaha dalka itoobiya waxa uu ku xidhanyahay beera-ha, sidaas darteed dhibaato kasta oo soo gaadha hawsha beeraha waxa sii toos ah iyo si dadbanba ay soo gaadhsiinayaan dhaqalah culays. Sandki itoobiya wax soo saarkii beeraha ee looga baahna in ay soo saarto way awoodi wayday sbabo la xidhiidha ayax, abaaro, roobab aan xiligooda dain iyo arimo kale oo ay saba-been dabiicigu iyo dadkuba. Si-daasi darteed waxa dhacday cun-to yari iyo macaluul iyo dibadaha oo qamadi lagaga soo caawiyo. wadanka oo isticmaala beero falid aan casriyaysnayn ayaa ha-dana anaga oo haysana ciid wa-naagsan oo wax lagu beeran karo ayaa hadana wax soo saarkeena oo yar awgeed waxa dhacda in dad badani ay gajoodaan.
Xiligan xaadirka ahna waxa la sheegay in dagalada halka sano ka badan socday ay dhaawac ku keenayn qaybo ka mid ah beera-ha, si gaar ahaaneedna wuqooy-iga dalka dhulkii wax lagu beeri jiray in badan wax laguma beerin dhulkii wax lagu beerayna mee-lo badan bereihi lama gooynin midhihiina way iska daateen.
Generaal Girmaame Gaaruma oo ka tirsan wasarada beeraha ayaa sheegay in sanadkii 2013kii iyo 2014kii lagu talo jirsana in dhul dhan 13 milyoon oo hektaar ah wax lagu beero xogta xiligan jirtana waxa ay sheegaysa in 12.9 milyoon oo hektaar wax lagu beeray. Arintaasina ay xaqiijinay-so in ka dal ahaan boqolkiiba 99 dhulka wax lagu beeray.
Deegaanka tigraay 900 oo hektaar waxba laguma beerin buu yidhi generaalku, deegaanka amxaradana sida oo kale 1.5 mi-lyoon oo hektaar oo midho lagu beeray waxa dhawac badan soo gaadhsiiyay dagaladii, si arinta-asi loo xaliyo waxa meelo kale oo ka mid ah meelaha aanay dagaladu ka jirin ee deegaanka amxaarada, deegaanka konfurta, soomalida iyo oromiya beeraha ka jira laga sameeyay wax soo saar balaadhan.
Guud ahaan dagalada ka jira dalka la isma lahayn wax dhibaa-to ah ayay soo gaadhsiin doonan beeraha, balse waxa la sheegay in meelo kala duwan ay dhibaa-tooyin faro badan soo gaadhsiy-een dagaladu. Deegaanka amx-arada koonfurta walo waxa la filaya in dhibaato faro badan ay la soo darsi doonto sida uu gen-eraalku sheegay. Markii horeba koonfurta walo waxa hagaag-san lagama beerin wixii la beer-ayna way ba’abeen, meesha la yidhaahdo waag kimra dhul ber-eed ka badan boqolkiiba 50 wax-ba laguma beerin intii wax lagu beerayna si hagaagsan looma soo uruurinin midhihii, koonfur-ta walona sida oo kale beerihi la beeray midhihii ka soo baxay si haboon looma soo ururinin da-galada awgood xiligan xaadirka ahna marka fursad loo heloba wixii la soo ururin lahaa hadana waa la awoodi waayay,
Waxa uu intaasi raaciyay madaama ay dagaledu jiran wax soo saarka beeraha waxa soo gaadhay dhibaato. Balse maaha mid dhaawacaya guud ahaan dh-aqaalaha dalka, waxa dhaawa-ca ugu badan uu soo gaadhay degaanka tigraay, si loo buuxiyo baahida degaankaasi iyo koon-furta iyo wuqooyiga walo waxa ku filan wax soo saarka meelaha kale laga soo saaro. Waxaana tusaale ahaan loogu soo qaadan kara degaanka oromiya sanadkii hore waxa dhulka wax soo saarka beeruhu uu uu dhanaa 5.7 miliy-oon oo hektaar, wax soo saarkii beeraha ee sanadkanna waxa la yidhi yay jirin meel dhul beer-eed ah oo banana waxaana wax lagu beeray dhul dhan 6,2 miliy-oon oo hektaar, waxaana sidaasi loo yeelay sidii loo yarayn lahaa dhibatooyinka ka iman kara da- galada ee culayska ku keeni kara dalka. Waxa kale oo uu yidhi gen-eraalku degaanka amxaarada ee dhibka badan ay ka soo gaadhay dagaladuna sida oo kale sanad-kii hore wax lagu beray dhul ber-eed dhan 4.2 milyoon oo hektaar sanadkanna waxa wax lagu beer-ay dhul bereed dhan 4.6 miliyoon oo hektaar waxaana uu yarayn karaa baahida wax soo sarka ee dalka.
Waxa kale oo uu sheegay dhi-batooyinka ka danbeeyay daga-lada ee beeraha dhulkii aan la beerin ee aan waxba ka soo bixin si la isku dheeli tiro waxa sanad-kan la wadaa hawl si dhul gaad-haya ilaa 400 oo hektaasidii loogu beero qamadi., sida oo kalena waxa la qorsheeyay in 16 milyoon oo kiintaal oo qamadi ah la soo saaro, waxa sanadkan 2014ka hadii dagaaladu ay mudo yar ku dhamadaan wax laga badali doo-na hawsha beeraha ee meeli-hii ay dagaaladu saameyeen oo wax lagu beeri doona beeraha waraabka waxaana loogu jira diyaar garaw. Sida uu sheegay generaalku meelaha goondher iyo wuqooyiga iyo koonfurta walo in aan laga bilaabin waraabka beeraha balse meelihii ka xoroo-bay kooxda tplf waxa laga bilaa-bay waraabka beeraha.
Waxa la ogsoonyahay in dagaalada mudada dheer socday ay saamayn soo gaadhsiiyeen degaanada tigraay iyo amxaara-da sida oo kale degaanka canfar-ta, balse buu yidhi generaal Gir-maame madaama ay shacabka canfartu yihiin dad xoolo dhaqato ah waxa y sheegaan in aanay jirin dhibaato badan oo soo gaadhay beeraha, balse waxa ay shee-geen in dagaalada ay geel badani kaga dhinteen oo dad badanina ka soo barokaceen meelihii ay daganayeen.
Waxa intaasi dheer bu yidhi meelaha ay shacabka canfartu kula dagalamayaan kooxda tplf oo ah dhul kulayl ah oo aan wax laga beeri Karin dhibatada soo gaadhay beeraha ma badna ayaa la odhan kara. Waxa kale oo uu xusay in meelaha wax lagu bee-ro ee degaankaasi ay ka fogyihiin meelaha ay dagaladu ka jiraan. Balse sanadkii hore beerihii aan la beerin si sanadkan loo beero oo loogu beero waraabka biya-ha wabiga awash waxa la bilaa-bay hawl sadix bilood gudohooda lagu soo saari doono qamadi.
Hase ahaate wargayska addis maleda ayaa waxa uu waramay xirfadleh ka tirsan xafiiska beerah oo aan doonaynin in magaciisa la sheego waxaana uu sheegay in aanu rumaysnayn arinta ku saab-san dhul beeradka laga sheegay wasarada beeraha in wax lagu beeray. Loomana baahna bu yidhi wax yeelada ay dagaaladu ku keenan beeraha in la yaraysto. Waxa kale oo loo baahan yahay in la xuso wax yeelada ay kooxda onag shane soo gaadhsiiyeen dhul beereedka gobolka welega ee degaanka oromiya. Hadii aan lagu samayn daraasaad meelaha deegaankaasi abaaruhu saamey-een iyo inta xoolo ah ee ka dhi-matay hadal buuxa laguma odhan karo itoobiya wax saamayn ah kuma keeni karaan .
Xirfadlahaasi waxa kale oo uu yidhi maaha in ka siyaasada ahaan uun loo hadlo ee waxa loo baahanyahay ilaa xiligii ay dagaa-ladu bilaabmeen dhul intee leeg baa wax lagu beeray dhul intee leeg baan wax lagu beerin midho intee leeg baa la soo gooyay mid-ho intee leeg baan la soo jarin oo halkaasi ku khasaaray waxaasi oo dhan waa in marka hore da-rasaad cida ay khusayso arintaas ka sameeyso, hadii sidaasi la sa-meeyo waxa yaraan karta dhiba-tooyinka halkaasi ka imaan kara.
Waxa kale oo uu xusay in wasarada beeruhu laftigeedu ay darasaad ku samaysay hawlaha sida wax soo saarka gaar ahaan-na ururinta midaha dhibatada ka soo gaadhay , balse madama aan la dhamaynin darasaadkaasi wax xog ah oo intaasi ka badan oo faahfaahsan aan laga warami Karin.
Waxa ay aqoonyahanada qaar sheegayaan in hawlihii loo baahna ee dhinaca beeraha iyo wax soo saarka aan la qaban oo mustaqbilka dhaqaalaha laga soo xareeyo qaybta wax soo saarka beeraha ay ku keeni karto saa-mayn balaadhan.
In kasta oo dhulka beeraha loo isticmaalo ay sanad walba isbad-alo ka muuqdaan, hadana waxa aan laga murmi Karin in warbix-inta uu soo saaray bangiga caal-miga ah sanadkii 2010kii uu ku xusay in itoobiya loo isticmaalo beeraha dhul dhan 16 milyoon oo heektaar in ka badan.sanadihi ka danbeeyay heerka uu marayo dhulka beeruhu in kasta oo aan la ogayn, balse wasarada beeruhu sida ay sheegtay wax soo saarka beeraha sanadiha 2013/2014ka waxa la qorsheeyay in loo istic-maalo wax soo saarka beeraha dhul dhan 13 miliyoon oo hektaar oo kaliya. Waxaana halkaasi ka muuqata in dhul dhan 3 miliyoon oo hektaar ay halkaasi ka bax-een oo aan la isticmaalin.dhulkii loogu talagalay in ay wax ka soo baxaan oo dagalada iyo sababo kaleba ay saamayn ka soo gaad-hay waxa ay dadka qaar shee-gayaan in xiliyada soo socda ay dalka la soo darsi doonto cunto yari iyo macaluul oo caawimo la codsan doono. Waxa ay xogaha qaar ay tusinayaan in wax soo saarka beeruhu ay hoos uu sii dhacayaan tirade dadkuna ay sii kordhayso sidaasi darteena in dad badani ay macaluuli la soo darsi doonto.
In kasta oo dalka itoobiya uu leeyahay dhul balaadhan oo ku haboon wax soo saarka beeraha, hawo fican oo sido kale ku haboon beraha, awooda xooga dadka oo ku filan iyo roobab ku filan, had-ana madaama aanay isticmaa-lin hab casri ah iyo marar badan dhibaatooyinka soo gaadha wax soo saarka beeraha oo laga qa-ban hawlihi lagaga hortagi lahaa , waxa sida oo kale la sheegay in ilaa iyo xiligan xaadirka ah dalku fa’aidooyinka uu ka soo hooystay wax soo saarka beeraha aanu ka saari doonin dhibatooyinka caw-imada ah ee laga helo dibadaha.
Waxa intaasi dheer in dalku wax soo saarka beeraha uu dibadaha uu dhoofiyo dakhliga lacagaha dibadaha ee uu ka soo xareeyo uu wax soo saarka beeruhu kaa-linta kowaad uu ugu jiro, waxaana la rumaysanyahay in khasaaraha ka soo gaadhi kara dakhliga dal-ka in aanay yarayn. Waxa kale oo qaybtaasi wax soo saarka beera-ha hoos yimaada xoolo dhaqida wax soo saarka xoolahana waxa laga hela wax soo saarka harga-ha, hargaha iyo saanta lacgaha sarifka dibadaha sidoo kale in dagaladu ay saamayn ku yeelan karaan xoolaha dhaqidooda cid-na kama daahsoona.
Degaanka amxaarada dhul-ka wax lagu beero 1/3 waxa weeyaan dhul dhawac ka soo gaadhay ciid aysiidka leh, mee-lo badan oo ka mid degaankaasi ayaa waxa xogtu ay sheegaysa in ay ciidaasi aysidhka leh wax soo saarkii laga soo saari laha uu hawada ka saaray. Waxa kale oo la sheegay in degaanada ay saa-maytu ka soo gaadhay dhibatada dagaladu ee aan dhul balaadhan wax lagu beerin uu ka mid ya-hay degaankaasi. Waxa kale oo intaasi dheer in kooxda ay gool-ha wikiladu ku magacabeen ar-gagaxisada ee tplf midhihiin dhul-ka degaankaasi laga soo gooyay gubeen intii kalena ay tumeen oo ay qaateen, sida oo kale beero-laydii halkaasina ay uu diideen in midhahooda ay urursadaan ayaa ah ariintamararka badan laga waramay. Wararka la xidhi-idha arimahaasi iyo saamaynta dagaladaba ka soo gaadhay wax soo saarka beeraha ee degaanka amxarada si uu xog uga helo war-gayska addis maleda ayaa waxa uu dhawr jeer tilifoon uu diray xafiiska beeraha ee degaankaasi balse in uu wax jawaab ah uu ka helo wuu awoodi waayay.
አዲስ ማለዳ Hidhaar 18 2014 No 23



