waxa wargayska addis maleda uu waramay xafiiska darasaadka iyo ilaalinta hantida dhaxalka ah ee itoobiya oo sheegay in hantida dhaxalka ah qaar ka mid ah ay ku wax yeeloobeen meelaha dagala-du ka jiraan, intii la wayay iyo intii la burburiyay wixii ka soo hadhay-na in dib uu habayn lagu sameeo doono oo la bilaabay hawshii hor dhaca ahayd.
Waxa xafiiska ha’ayadaasi ay sheegtay in marka meelaha ay dagaladu ka jiraan ay nabadga-lyadu ka dhacdo qaybo kala duwa ay meeshaasi uu raaci doonaan oo ay hantida dhaxalka ah ee dhaawacu ka soo gadhay daga-ladaasi dib u habayn ugu samayn doonaan wixii halkaasi ka soo hadhay iyo hantida halkaasi ku ba’abdayna sidii ay uu kala saari lahaayeen oo hordhaci hawshana ay bilaabeen.
Waxa kale oo la soo ogaaday in uu diyaar garawga hawshasi hordhaca ah ee loo sameeyay koox ay ka mid yihiin aqoon yaha-no heer qaran iyo koox farsamda ah oo sidii hawshaasi loo qaban lahaana la qorsheeyay.
Waxa kale oo la sheegay in xiliga dagaladu ay dhamaadan ee amniga dalka la sugo ee haw-shaasi la bilaabi doono hantida dhaxalka ah ee dib uu habayn-ta lagu samayn doono si loo kal sooco in qaybo kala duwan lala shaqayn doono.
Waxa ay ha’ayadu sheegtay in xiligan xaadirka ah hantida dhaxalka ah ee dhaawacu ka soo gaadhayo dagalada si looga hor tago in ay ku hawlantahay wixii looga baahna yahay ee ay awoodo oo dhan ay samayn doonto. Sidaasi darteedna ay ku war galisay cida dagaalada ho-gaaminaysa oo dhan in meelaha ay yaalaan hantida dhaxalku oo dhan ay ogadaan si ay taxadirka looga baahanyahay oo dhan uga sameeyaan.
Salamawit Geetachew oo ah maareyaha dib uu habaynta iyo dhaqalaynta hantida dhaxalka ah ee ha’ayada hantida dhaxalka darasaadka iyo ilaalinta waxa ay sheegtay in meelaha hantidaasi dhaxalka ah laga helo ee degaan-ka amxaarada booliska gaarka ah iyo maleeshiyada degaankaa-si ay heshiis ka gaadhen si aan-ay halkaasi uga isticmaalin hub culus, sida oo kale meelaha laga helo hantidaasi dhaxalka ah si aanay uu soo marin ciidanka lugta ku socda iyo hub culisiba in laga ilaaliyo sidii looga dhigilahaa.
Waxa kale oo ay tidhi mareya-hasi in kooxda tplf ay arintaasi fursad uu noqotay oo ay xaruma-ha diiniga ah ee qadiimiga ah ay hubabka culus dhax dhigtaan oo halkaasi ay kaga soo qadaan wer-arada dadka raydka ah oo marar badanna laga soo waramay, balse goa’anka dawlada in ay kooxda tplf fuliso iyo in kalena kama wara-mi karo bay tidhi.wargayska ayaa wax ka waydiiyay heshiiska caa-lamiga ah ee dawlada itoobiya ay sxeexday sanadkii 1946dii ee ku saabsan in xiliyada ay dagaladu jiraan la ilaaliyo hantida dhaxalka ah in ay dawladu ku dhaqmayso iyo in kale waxa ay ku jawaantay Salamaawit heshiiskaasi waxa uu ka dhaqan gala wadamada hes-hiiska lala galay marka dagal uu ka dhaxeeyo. Dawladuna waxa ay ixtiraantay heshiiskaasi oo ay ku dhaqantay, balse madaama kooxda tplf si dawlad ahaan ah aanay heshiiskaasi uu saxexin in laga fikiro in masuuliyadeeda ay qaadan hantidaasi way adag-tahay.
Waxa kale oo ay sheegtay si loo ilaaliyo hantidaasi dhaxalka ah ay kaalmo uu fidiyaan ha’aya-do caalami ah oo samo falka ku hawlan, tusaale ahaan si loo ilaaliyo laalibala wax kaalmaysa dawlada faransiiska. Hawsha la qaban doono ee ah si looga hor-tago dhawaca soo gaadhi doona hantidaasina iyo dib uu habayn-ta lagu samayn doono xiliga soo socdana waxa hawshaasi lagala kaashan doona xafiiska unesko ee addis ababa.
Waxa la ogsoon yahay in marar badan laga warama xiligii ay tplf dagalada bilawday laga bilaabo ay burburiyeen meelo badan oo qadiimi ah oo masaajido iyo kani-isado ah sida oo kale ay ku uruur-sadeen madaafiic iyo hub culus oo ay jirtana hantai badan oo ay dhaceen sida oo kalena ay bur-buriyeen.
Sida ay sheegayso xogta laga soo ogaaday xafiiska ha’ayada ayaa ah in hantida dhaxalka ah ee dhaawacu ka soo gaadhay degaanka amxarada kasakoow ay jiraan hanti kale oo ka jirtay degaanka tigraay oo dhawcaasi oo kale soo gaadhay.
Tusaale ahaanna waxa la sheegay in hantidi dhax tiilay matxafka Yohaaniskii afraad oo dhan in la qaatay oo ay wada lu-men. Waxana ay hantidaasi isu-gu jirtay noocyo kala duwan oo tiradoodu gaadhayso labo boqol. Waxa la sheegay in hantidaasi dhaxalka ah ay luntay intii aanay cidanka qaranku ka soo bixin de-gaanka tigraay cida qaadatayna hantidaasina lagama war hayo.
አዲስ ማለዳ Hidhaar 18 2014 No 23


