Musuqmaasuqu maaha kaliya in lacag la qaato. Qof ay masuuliyadi saarantahay oo masuuliyadiisi ka soo bixi waayay oo hawlahiisana ku saleeya danihiisa gaar ahaaneed masuuliyadiisina waxa uu kaga soo baxa si aan haboonayn. Arnta sidaasi ahna waxa la rumaysanyahay in ay tahay anshax xumo. Waxa la sheega in aany shakhsiyaadka kaliyaata uun aysan samaynin musuqmaasuqa balse ay ha’ayaduhu iyo dawladuba ay sameyaan amusuqa. Waxaana shaqaalaha qaar la siiya boos aan ku haboonayn mushahaar aan shakhsiyaadka aan ku haboonayn iyo waxyaabo kale oo aan mawqifkii looga baahna aan uu tagnayn.
Waxa la ogsoonyahay in wadamo badani ay ku itaxamanyihiin musuqmaasuqa waxaana ka mid ah wadamadaasi faraha badan itoobiya , gaar ahaanna sanadihii ka horeeyay isbadalka ee ku dhawaad sodonka sano ahaa in ay dalka ku baabiyeen musuqmaasuq ayaa marar badan la soo hadal qaada. Wixii ka danbeeyay sanadkii 1983kii sadix bilood iyo afar bilood gudohood waxa jira shakhsiyaad madax ahaa oo dhacay lacag gaadhaysa malaayiin waxaana laga soo hubsaday arintn qaybo xog ka hayay arintan xiligaasi oo ogaa.
Sida la ogsoonyahay itoobiya xalada ay xiligan ku jirto maaha mid hawlaha dawlada xili sidii cadiga ahayd loo fuliyo. Waxa jira xafiisyo dawladeed oo hawlahoodi joojiyay, sida oo kale waxa jira xafiisyo dawladeed oo tiradii dadkii hore ee uu shaqayn jiray wax ka dhimay oo ku shaqeeya dad tiradii hore ka yar. Waxa sida oo kale jiri kara dad meelihi ay ka shaqayn jireen laga badalay oo xirfad aanay hore uga soo shaqaynin imika ka shaqeeya oo ay sababeen dagalada dalka ka jira
Waxa kale oo ay dad badani sheegaan in hawlo ka baxsan hawlihii la qaban jiray xiligii caadiga ahaa oo xiliyada ay dagaladu jiraan hawlaha cusub ee soo baxa lagu bixiyo laluush ama lagu qaato llacago qaybaha raba in sidaasi la sameeyo waxa ay uu noqonaysa fursad fiican.
Waxa jira dad laga shakiyo oo la xidho kadib intii lagu dhawaaqay bayaanka xalada dagdaga ah.waxaan jirta xalad la xidhiidha dadkaasi la xidhay oo musuq ah, dad uu dhaw dadkaasi la xidhay oo sharciga ka shaqeeya ayaa wax gacmaha loogu laaba lacag, waxaana ay xabsiga ka soo daayaan dadkii la xidhay. Dhinaca kalena dadka meelo kala duwan ka soo barokacay ee ku sugan xeryaha, iyo ciidanka ayaa jihooyin kala duwan waxa looga soo uruuriya caawimo. Misaaniyadii dawlada ee hawl loo qoondeeyay ayaa waxa lagu wareejiya hawlo kale oo dagalada la xidhiidha, sida oo kale marka ay arintani oo kale ay dhacdona gacmihi horeba uu bartay in ay wax kala qarqariyaan oo ay wax kala xadaan marka ay helaan fursad waxa ay fursadani ku qabsan karaan waa la qiyaasi kara.
Dalka itoobiya in anshax xumadu iyo musuq maasuqu ay si qoto dheer uu wax yeeleyeen waa wax iska cad. Waxa sida oo kale la ogsoonyahay in ay jiraan qaybo loo xil saaray si ay ula dagalamaan musuq maasiqa iyo anshax xumada. Waxaana ka mid ah booliska federaalka ee itoobiya iyo boliiska deegaanada, koomishiinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maasiqa, wasarada cadaalada, maxkamadaha iyo qaar kale oo arintani ay si toos ah iyo si dadbanba ay uu khusayso.
Waxa uu wargayska addis maleda isku dayay in uu wax ka soo ogaado waxyaabaha xiligan xaadirka ah ee dalka ka jira ayada oo laga duulaayo si looga xortago anshax xumada iyo musuq maasuqa qaybaha ay arintani khusayso waxa kaliintooda ah ee ay qabtaan.
Madaxa waaxda warbaahita iyo isgaadhsiinta ee booliska federaalka ee itoobiya Geylaan Cabdi ayaa wargayska addis maleda uu waramay waxaana uu yidhi in ay boolisku sheegeen in xalada xiligan xaadirka ah la xidhiidha shakhsiyaadka lagaga shakiyay in ay hub iyo waxyaabo kale guryahood ku qariyeen oo markii baadhitaanna lagu sameeyay laga helay ee la xidhay in ay jiraan qaar ka mid ah booliska oo lacag qaatay oo soo daayay dadkaasi qaar ayaa nala soo ogaysiiyay, balse arimahaasi nala soo oaysiiyay waxa aan uu qaybinay labo qaybood, qaybta kowaad waxa aanu hubsana in ay yihiin arimahaasi nala soo ogaysiinaya qaar saxsan iyo in kale, sida oo kale arinta in maxaabiista lagu soo daayo lacag iyo in kale ayaan soo xaqiijinaa waxaana aan la kulanay shakhsiyaad ka mid ah booliiska oo gaadhaya shan qof oo anshax xumo lagu arkay kuwaasina waxa laga qaaday talaabo sida uu sheegay mareyahaasi. Qaybta labaadna waxa ay ku salaysantahay xalada xiligan jirta ee ku saabsan argagaxisada oo boolisku sidii ku haboonayd uu uga fashiliyay hadafkooda. Waxa kale oo naloo soo gudbiya buu yidhi xaalado la rabo in magaca lgaga xumeeyo booliiska oo lagu rabo in aanay bulshadu ku cawinin oo la rabo in lagu wada sheego in ay wada tuug yihiin boolisku.
Geylaan waxa uu yidhi oo kale waxa jira xogo loo baahanyahay in si haboon looga fiirsado, falalka danbiyada ah ee booliisku sameeyo ee nala soo ogaysiiyona inta aan hubino in aan talaabo ka qaadno ayaan uu diyaar nahay. Sida oo kale waxa uu yidhi shacbku waa indhaha iyo dhagaha booliska, waxyaabaha musuqmaasuqa ah iyo wixi fal danbiyeed ah ee bulshada dhaxdeeda laga sameeyo marka booliska la soo ogaysiiyo cidii danbiyadaasi samaysay inta aan hubsano in aanu talaabo sharci ka qaadno xili kasta diyaar baanu uu nahay. Waxana uu yidhi waa in bulshadu ay booliska garab taagnaato. Waxaana uu cadeeyay in ay jiraan xaaldo badan oo ay bulshadu booliska soo ogaysiisay oo lagu soo qabqabtay danbiilayaal.
Gezahany Gaashaw oo ah madaxa xafiiska komishiinka ka hr taga musuqmaasuqa iyo anshax xumada qaybta hawsha xirfada latalinta sharciga ka hortaga musuqmaasuqa waxaana uu yidhi hawsha ugu horaysa ee koomishinku uu qabta waxa weeyaan sidii looga hor tagi lahaa musuqa, sidii loo kobcin lahaa anshaxa wanaagsan iyo sidii loogu diyaarin lahaa darasaad iyo tababaro. Waxa hawsha labaadna ah in madaxda xafiisyada dawlada iyo masuuliyiinta hantidooda la diwaan galiyo. Waxa kale oo booliska federaalka khusaysa buu yidhi in musuqyada la sameeyo ee la xidhiidha bayaanka xalada dagdaga ah iyo cid kasta oo lagaga shakiyo in ay sameyeen falal danbi oo musuq ahba inta la hubsado in loo gudbiyo cida ay khusayso.
Balse buu yidhi danbiyada la xidhiidha musuqa ee la sameeyo oo aad uu balaadhan in kasta oo hadana laga soo cawdo koomishinka in sidii laga filayay aanu uu shaqaynin xiligii la asaasay ilaa iyo hada si loo abuuro jiil ka nadiif ah musuqmaasuqa wixii awoodisa ahaaba wuu ku hawlanyahay. Xiligan xaadirka ah in kasta oo dagaalada jiida hore loogu jiro sidii looga hor tagi lahaa musuq maasuqana waa jiid dagaal oo kale. Sidaas darteedna hada ka hor waxa aanu samaynay sidii lagu fashilin lahaa danbiyada la xidhiidha musuqmaasuqa, waxa kale oo jira danbiyo ayada oo aan la samayn ka hor aanu fashilinay oo aan ka hor tagnay. Waxa jira buu yidhi arimo la xidhiidha waxyaabaha aan kor ku soo xusnay oo magalada addis abab laga sameeyay, hada ka hor 300 oo dhisme ah oo aan cidi lahay in ay jiraan oo xog laga helay, balse arintani waxa ay khusaysa maamulka magaalada.
Danieal Fikaadhu oo ah sharci yaqaan ahna gar soore ayaa sida oo kale sheegay in ay jiraan falal musuqyo ah oo la xidhiidha bayaanka xalada dagdaga ah oo si balaadhan loo sameeyay waanan ku raacsanahay, waxa kale oo uu hadalkiisa raaciyay in lagu tilmaami karo sbabta uu horaysa ee arimahaasi uu dhaceen ay tahay bayanka xalada dagdaga ah. Tirsiga bayaanka 5/2014 waxa uu xusaya hadii qof uu boolisku ka shakiyo in la xidho. Waxaana dhici karta hadii qof la yidhaahdo waa lagaa shakiyay oo la xidho in uu cidii rabtay in ay xidho isku dayo sidii uu lacag kula gurgurtami lahaa.
Waxa kale oo uu yidhi garsooruhu waxa dadka lagu xidhi kara hadii ay jiraan sharciyo kale oo macquul ah, awooda la siiyay booliska madaama ay aad uu balaadhantahay ayaa waxa ay albabada uu furaysa musuqmaasuqa, waxa kale oo albaabada uu furaya musuqmaasuqa dadka la soo xidhay hadii aan 48 sacadood gudohood sharciga la hor keenin sida uu hadalkiisa ku xusay.
Waxa kale oo uu hoos ka xariiqay in aanay bayaanka ku cadayn cidii waxaasi samaysay waxa lagu ganaaxi karaa ganaxa noocaasi ah, intii la odhan lahaa waxaasi ha samayn iyo waxan same oo la rabo in musuqu aanu sii faafin waa in bayaan sharci aan daahsoonayn laga soo saaro.
Awal Sultaa oo ah xoog hayaha warfaafinta ee wasarada cadalada sida uu hadalkiisa ku xusay in ay jiraan boolisyo sameeya falal la xidhiidha musuqmaasuqa intii bayaanka xalada dagdaga ah lagu dhawaaqay oo la soo ogaysiisay oo badhitaan lagu samayn doono, ilaa iyo xiligan xaadirka ahna aanay jirin cid dacwad lagu soo oogay oo maxkamad la soo taagay. Waxa uu sheegay hadii uu boolisku uu haysto edaymo cid lagaga shakisanyahay oo ku fillan in uu awood uu leeyahay boolisku in uu soo xidho dadkaasi, hadii aan 48 sacadood gudaheedna maxkamada la soo taagin khasab kuma aha in ay siidaayan. Arintana waxa lagu dhaqmay kadib bayanka xalada dagdaga ah, waxaana sidaasi loo sameeyay ayada oo laga duulayo kadib bayaanka xalada dagdaga ah in booliiska ay hawlo siyaado ah oo culays ku ahi ay jiraan, balse buu yidhi sida uu hadalkiisa ku cadeeyay ayada oo aanay jirin wax sabab ahi in aan qofka hal saac oo siyaado ah aan lagu hayn Karin ayada oo aan sharciga la hor keenin.
Waxa kale oo uu yidhi waa in ay xarumaha ku hawlan ka hortaga musuqmaasuqa ay noqdaan qaar adag. Inta wax la soo ogaysiinayo uun in ay sugaan maaha, sida oo kale bulshadu waxa ay arkaan ayada oo falal musuq maasuq ah la samaynayo sidaasi darteed waxa looga baahanyahay in ay soo sheegaan, kama daahsoona bulshada buu yidhi cida musuqa samaynaysa laga bilaabo tiraafika 50 iyo 60ka bir ka uruursada bulshada ilaa kuwa tuugta ah ee malaayinta dhaca. hadii aany arag xita ayaga oo gacmaha kaga qaadanaya balse ay sahankooda fahmaan oo ay soo ogaysiiyaan booliska waxa uu boolisku samaysan kara nidaam lagaga hortagi karo.
Waxa kale oo wargayska addis maleda uu waramay wariye ka codsaday in aan magaciisa la soo magacabin oo aaday maalmo dhawayd dhinaca magalooyinka dhese iyo kombolja wixii uu halkaasi ku soo indhoindheeyayna ka waramay ayaa sheegay in takulayntii la siinayay cidanka qaran ee looga qaaday magalada addis ababa dadkii halkaasi uu qaaday xiligii ay gudoonsiinayeen waxyaabihi loogu deeqay dariiqada ay ku gudoonsiinayeen, waxa ay ahayd mid anshax xumo ay ku ladhnayd, waxaanan halkaasi aan ku arkay haweenay ka timid addis ababa qaybmagaalo ka tirsan oo macawsihii la siinayay ciidanka ka boobaysa oo mid ka mid ah cidankii halkaasi joogay uu baryayo oo uu leeyahay isii waxaan dhaxanta ka huwado ma haystoe oo ay uu diiday oo ay qadatay.
Waxa uu yidhi wariyuhu iska dhaaf in waxii cidanka dalka uu dagalamaya l;; keenay laga qaato ee waxa halkaasi ku haboonayd in la siiyo waxa la haysto, waxa kale oo uu yidhi dadka qaar oo istusnimo ka muuqato oo gagabaya waxa ay rabaan in fursadii ay helaanba ku buuxsadaan guryahooda, waxaana uu xusay nidamkii siyaasadeed ee hore ee dalka ka jiray in uu dadka kaga tagay raad cilmi nafsi tuugnimo ah.
Waxa sida oo kale wargayska uu waramay shakhsi ku nool magalada addis ababa oo aan donayn in magaciisa la sheego waxana uu yidhi waxa aan arkay markii bayaanka xalada dagdaga ah la soo saaray ka dib xili habeenimo ah ilaa sadaxdii fidnimo bolis wadada taagan oo dadka aan aqoonsiga haysan meel ku uruuriyay, mudo daqiiqado ah ka dib xiligii ay dadkaasi meel ku uruuriyeen waxa ay ku yidhaahdeen waxa aad haysataan iska bixiya oo guryihiini iska taga, dadkiina wixii lacag ahaa ee jeebadahooda ku jiray inta ay bixiyeen ayay guryahoodi adeen waxaanan arintaasi ka arkayaya meel aad ugu dhaw.
Musuqmaasuqu waxa uu dib uu dhiga dhaqaalaha wadanka, si wadan loo horumariyo iyo si loo baabiyoba waa in mawqifka aan ka haysano musuqmaasuqa ayaa ah arinka ugu muhiimsan, waxaana tusaale ahaan loogu soo qaadan kara wadamo badan.
Waxa musuqmaasuqa ka abuurmi kara ficilada ah in dadku ay ka niyad jabaan adeegyada laga bixiyo xafiisyada dawlada, ciil, in ay ku dhaqmaan ficlo aan loo baahnayn iyo waxyaabo la mid ah. Qodobka bayaanka tirsigiisu yahay 881/2007 ee ku saabsan danbiga musuqmaasuqu waxa uu xusaya in kasta oo uu jiro sharci xusaya oo ay muhiim tahay “in cid kasta oo ka shaqaysa dawlada ama adeega bulshada masuuliyada la siiyay ama arimaha hawsha la siiyay la xidhiidha ee asaga oo aan haysan wax sabab ah goa’an siinin,daahiya ama soo celceliya cida adeega rabta lagu qabsan kar danbi musuqmaasuq ah, oo uu mutaysan karo xadhig gaadhaya ilaa shan sano”, hadana in aysan jiri cid ka mid ah bulshada oo aqoonsan sharcigaasi oo la murmi karta, sida oo kale aysan jirin cid sharcigaasi fulisa oo karti leh oo ku filani, waxa ay dad badanina aaminsanyihiin in ay sbab uu noqotay in musuqmaasiqu uu dalka itoobiya uu ku sii baaho.
አዲስ ማለዳ Tahisaas 2 2014 No 25



