Waxa la sheegay in meelihii laga xoreeyay cadawga biyo yarida ka jirta si loo xaliyo in booyado biyo bulshada loogu soo bandhigayo

0
770

Waxa wargayska addis maleda uu waramay oo sheegay xafiiska biyaha iyo tamarta ee degaanka amxaarada waxaana uu sheegay in meelihi ka tirsanaa degaanka maxarada ee laga xoreeyay cadawga intooda ugu badan in xarumihii biyaha ee ka jiray la boobay oo la burburiyay, sidaasi darteed in ay halkaasi ka dhalatay biyo la’ani gar ahaan magalooyinka, si arintaasi loo xaliyona waxa la bilaabay in booyado loogu soo qaado oo bulshada si ku meel gaadh ah biyo loogu geeyo.

Aden Worku oo ah madaxa xidhiidhk dad waynaha ee xafiiska biyaha iyo tamarta ee degaankaasi sida uu sheegay madaama xiligan xaadirka ah meelihi laga xoreeyay kooxda tplf ay meelo badan oo ka tirsan awooda korantadu ka jirin, inta awooda korontada loo hagaajinayo dhibaatada biyo li’ida ah ee halkaasi ka jirta si dagdag ah wax looga qabto ayaa waxa magaalooyinka loo qaybinaya haamo biyo loogu shubo, sidaasi darteedna waxa biyo loogu dhaamiya booyado oo lawada hawsha sidii biyaha loo gaadhsin lahaa.

Sida uu hadalkiisa ku sheegay masuulkaasi ayaa yidhi sababta ugu muhiimsan ee hawshaasi loo qabanayo ayaa ah madaama magaalo kasta qalabkii yiilay ee biyaaha loogu soo jidayay iyo ganareetaradiiba la xaday qaarna la burburiyay sida oo kale adeegi korantaduna aanu jirin oo xarumihi adeega biyaha ee halkaasi ka jiray oo dhanna la baabiiyay.

Waxa uu xusay in tusaale ahaan magalada qadiimiga ah ee laalibala loo qaybiyay haamo biyaha lagu shubo oo labo booyadood oo biyo ah loogu soorogo si bulshada halkaasi ku nool ay biyo uu helaan.

Waxa kale oo uu xusay in dhibatada biyo li’ida halkaasi ka jirta ay tahay mid aan hawsha dawlada oo kaliya loogu baahi tiri karaynin oo ha’ayadaha samo falka ah ee arimaha biyaha la xidhiidha ku hawlan ay halkaasi ka wadaan gargaar, oo sida oo kale lacagihii cawimada lagu helay lagu soo iibiyay mooterada biyaha soo jiida,shidaal iyo genereetaro. Waxa kale oo uu sheegay in haamaha biyaha lagu shubayo ay ku soo caawiyeen mashruucyada horumarneed oo kala duwan ee dawlada, sida oo kale in maal qabeeno kal duwani ay caawimo lixaad leh uu fidinayaan.

Waxa uu sida oo kale masuullku uu yidhi hadii adeega korontadu aanu jirin in biyo la helo way adagtahay waxa si gaar ahaaneed ay meelaha wuqooyiga walo korontada ka helaan xarunta awooda korontada qaybisa ee alemaata, sidaasi darteena uma malaynayo in korontada mudo gaaban loogu soo dayn doon oo waxa laga yaaba in bulshada halkaasi ku nool biyaha loogu geeynayo booyadaha ay mudo todobaadyo ah ku qaadan doonto.

Waxa uu yidha madaxa arimaha xidhiidhka dad waynuhu in xafiiskiisu uu soo indhoindheeyay meelaha la xoreyay oo uu soo ogaady in aysan jirin magaalo meelahasi ku taala oo aan xarumihi biyaha ee ka jiray la bililiqaysan, magaalooyinkaasi oo dhan xarumihi biyaha ee adeega bixin jiray ee ka jiray oo lagu dhisay lacag aad uu faro badanin gabi ahaanba waa la wada burburiyay, burburka loo gaystayna uu midba midka kale ka daranyahay.

Xarumihi biyaha ee halkaasi ka jiray waxa ay biyaha ka soo jiidi jireen ceelal, tusaale ahaan halkii magalo waxa ka jiray dhawr ceel oo biyaha ah oo adeega uu fidin jiray bulshada, waxa ay ceelashu lahaayeen mooteero biyaha soo jiida oo dhulka hoostiisa ku aasan iyo genereetaro ceelasha korkooda ku rakiban waxaba waa la bililiqaystay wixii ka hadhayna waa la baabi’iyay.

Waxa uu tusaale ahaan ugu soo qaatay oo kale magalada dhebre zebiit ee ku taala wuqooyiga shawa in genereetar wayn oo ka jiray ay kala baxeen batarigiisi oo intii ka hadhayna ay xabado ku garaaceen si aan mar danbe inta la salaxo loo isticmaalin.

Sida ookale si la mid ah falkaasi magalada laalibala xafiiski biyaha ee ku yiilay qalabkii yilay ee ay ka midka ahaayeen konbitaro, mooteero malaayin la soo siiyay iyo qalabka biyaha makaanikaalka ah ee korontada ku shaqeeya in ay bililiqaysteen oo qaarna ay burburiyeen.

Waxa kale oo uu masuulku sheegay in meelaha laga xoreeyay kooxdaasi budhcada ah xafiisyadii biyaha ee ka jiray ee ay baabi’iyeen dib uu habayntoodu ay kaabayaasha dhaqaale ee biyaha ee degaanka saamayn lixaad leh uu gaysan karaan, hase ahaate hadana in xafiisku uu meelaha weerarada lagu soo qaaday dhibatooyinka la soo gaadhsiiyay ee bariga degaanka amxaarada inta fiiro gaar ah la siiyaya uu ku hawlanyahay hawsha sidii xarumahaas dib loogu habayn lahaa.

Waxa kale oo uu xusay in aagaasi aysan ka jiri wax adeeg koronto ah iyo shidaalba waxa xalada sii cakirayana in halkii magaalo oo kaliya ay uu baahantahay ugu yaraan mooterada biyaha lagu soo jiido iyo genereetaro oo gaadhaya shan. Halkii genereetar waxa uu qiimihiisu gaadhaya 2.3 ilaa 3 milyoon oo bir, madama ay dhinaca dakhligana dhibaato ka jirto waxa laga yaaba in aan suuqa si sahlan looga helin.

Waxa sida oo kale uu masuulku sheegay in khasaaraha kaaboyaasha dhaqaale ee ay tplf deegaanka soo gaadhsiiyeen aanusan yarayn, sidaasi darteed waxa uu bulshada ugu baaqay in ay daremaan khasaaraha la soo gaadhsiiyaya oo ay gacan qabtaan dawlada sida oo kale ay dulqaataan inta wax looga qabanayo.


አዲስ ማለዳ Tahisaas 2 2014 No 25

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here