Dhismaha Waddada Batu (Zeway)-Dhismaha Jidka Weyn ee Arsi Negele iyo Hawassa oo ay ku baxayso lacag dhan 5.1 Bilyan oo Birr, ayaa muddo laba sannadood ah dib u dhac ku yimid, sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka, sida
waddooyinka Itoobiya. Mashruuca wadada isku xirta Batu-Arsi Negele iyo Hawassa oo dhererkeedu ka badan yahay 110 KM ayaa maamulka ayaa sheegay in uu dib u dhac ku yimid muddo labo sano ah, kadib markii ay soo noqnoqdeen dhibaatooyin dhanka amaanka ah oo ka dhacay deegaanka.
Wajiga koowaad ee mashruuca wadada Batu-arsi oo dhererkeedu dhan yahay 67 KM ayaa dib u dhac ku yimid in ka badan sanad iyo shan bilood, sababo la xiriira nabad-gelyo ka jirta deegaanka sanadkii la soo dhaafay.
35% waxaa la soo gabagabeeyey dhismihii, waxaana hawsha dhismaheeda fulinaysa shirkad Israa’iili ah oo dayn ka badan 33 bilyan oo birr ka heshay bangiga adduunka, si ay u dhamaystirto dhismaha marka la gaadho 30ka June 2014.
Sidoo kale, Wajigii labaad oo ah 52 KM oo ah Mashruuca Dhismaha Waddada Arsi Negele iyo Hawassa, ayaa muddo laba sano ah dib u dhac ku yimid, ka dib markii bilihii ugu horeeyay ee dhismuhu socday ay soo noqnoqdeen dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah.
Waddadan ayaa la filayaa in la dhamaystiro in ka badan 30% lana furo bisha January ee sanadka 2015.
Waxaana la filayaa in lagu dhamaystiro dayn dhan 5.1 bilyan oo birr oo uu ka helay Exim Bank of China oo ah qandaraasle Shiinees ah.
Waddada isku xidha Batu-Arsi Negele-Hawassa oo la dhamaystiray mudada aan kor ku xusnay.
Imika Mashaariicda laga fulinayo meelo kala duwan oo dalka Itoobiya kamid ah ayaan lagu burburin waqtigii loogu talagalay, waxaana taasi sabab u ah dib u dhaca ku yimid dhismaha wadooyinka kala duwan.
Waddadan oo loo qaybiyay laba weji ayaa la soo gebagebeeyay bishii February ee sannadkii 2010-kii, waxaana la filayaa in la dhammaystiro bilihii ugu dambeeyay ee 2013, balse weli wax ka yar boqolkiiba 50.
Dhismaha Waddada isku xidha Mojo-Meki-Batu oo la filayo in la soo gebagebeeyo saddex bilood ka hor, waxaana gacanta ku haysa Shirkadda Wadooyinka Itoobiya.
አዲስ ማለዳ Maarso 3 2014 No 38



