Natiijadii dagaalka muddada labada sano ah ka socday waqooyiga Itoobiya, Bangiga Qaranka Itoobiya wuxuu si isdaba joog ah u dhaqangeliyay hab-raacyo cusub oo ku saabsan bangiyada, taas oo cadaadis saartay qaybta bangiyada.
Madaxa Bankiga Dashan Asfaw Alem ayaa sheegay in dib u habeynta cusub ee Bankiga Qaranka uu ku sameeyay dhanka Bangiyada ay sabab u tahay cadaadiskii ka dhashay dagaaladii ka dhacay waqooyiga dalka, taasi oo keentay in cadaadis lagu saaro shaqada Bangiyada.
Maamuluhu waxa uu sidan ka sheegay bishii Oktoobar 17/2015 ee ina dhaaftay ee Dashen Bank shirkiisii caadiga ahaa ee 29aad mar uu u soo bandhigay saamilayda warbixin ku saabsan waxqabadka bangigiisa.
Maamulaha guud ee baanku waxa uu tilmaamay in lacagta qalaad oo aan yarayn oo ka mid ah dhibaatooyinka soo foodsaaray baananka sanad miisaaniyeedka, sidoo kalena ay tahay mushkilad tijaabisay Bankiga Dashan.
Waxay xuseen in Baanka Qaranku uu dhaqan galiyay hab-raacyo cusub oo ku saabsan bangiyada ka dib markii ay joojiyeen gargaarkii dibadda ee Itoobiya dagaalka awgeed Madaxa fulinta waxa kale oo uu tilmaamay in fulinta awaamiirta isdaba jooga ah ee Baanka Qaranku ku soo rogay waaxda bangiyada ay culays badan ku keentay waaxda.
Guddoomiyaha guddiga sare ee bangiga Dula Mekonon oo madasha shirka ku soo bandhigay waxqabadkii sanad xisaabeedka ayaa xusay in caqabado badan ay jireen sanad miisaaniyeedkii hore.
Waxa uu tilmaamay in dhaqaalaha uu ku jiro cadaadis dibadda ah iyo mid gudaha ah, culeyska ka dhashay dagaalka waqooyiga uu yahay mid caqabad ku ah qeybta.
Waxa kale oo uu xusay in uu ahaa sanad ay ku qasbeen baananka in ay ku shaqeeyaan siyaasad adag oo lacageed oo loogu talo galay in lagaga hortago sicir-bararka iyo musuqmaasuqa dhaqaale, dhiirigelinta hay’adaha wax-soo-saarka u dhoofiya suuqyada dibadda, iyo in kor loo qaado kaydka lacagaha qalaad ee dawladda.
Bangiyada ku yaala deegaanada ay dagaaladu ka socdaan ee waqooyiga ayaa waxaa ka soo gaaray dhac hantiyeed iyo burbur iyo deyn la’aan.
Marka laga soo tago dhibaatooyinka hanti burburka iyo dhaca iyo dayn la’aanta, baananka ayaa awoodi waayay in ay wax ka qabtaan deegaabka Tigreega muddo ku dhow laba sano iyo intii ay socdeen dagaalladii ka dhacayay deegaanada Canfarta iyo Axmaarada.
Guddoomiyaha guddidu waxa uu tilmaamay in inkasta oo dhinaca Bangiyada culaysku saaran yahay, haddana wax-qabadkii Bangiga Dashan ee sannadkan uu ahaa mid wanaagsan.
Waxa la sheegay in Baanka uu faa’iido gaadhay 3.8 Bilyan oo Birr cashuurta ka hor sanadka, taasoo ah kobac dhan 57% marka loo eego sanadkii hore.
Waxa la sheegay in kobaca bangigu ku sameeyey adeegyada baananka ee bilaa ribada ah, isla markaana wadarta lacagta dhigaalka bangigu ay gaadhay 5.9 bilyan oo birr.
Guud ahaan hantida bangiga ayaa gaartay 117.14 bilyan oo birr, taasoo muujisay kobac boqolkiiba 24 ah marka loo eego sannadkii hore.
Saamiga saamilayda baananka ayaa sidoo kale kor u kacay ilaa 14.4 bilyan birr, taasoo muujisay kobac boqolkiiba 42 ah marka loo eego sannadkii hore.
Waxaa la sheegay in raasamaalkii bangiga ee la bixiyay ay gaartay 6.9 bilyan oo birr ka dib go’aankii saamilayda ee ahaa in raasumaalka dheeriga ah lagu bixiyo kulankoodii ugu dambeeyay.
አዲስ ማለዳ Oktoobar 19 2015 No 72


