Ciidamada jamuriyada dimoqradiga federalka  Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ka xoreeyay fariisimo muhiim ah Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidamada xoogga dalka ayaa furtay fariisimo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

0
716

Arrintaas ayaa keentay in magaalada Aadan Yabaal oo ku taalla bartamaha Soomaaliya, muddo lix sano ah ay maamulayeen kooxda Al-Shabaab, la sheegay in ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Magaalada Aadan Yabaal oo la sheegay in maalintii isniinta ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda ayaa la soo bandhigay in ay fure u tahay gacan ku heynta Al-Shabaab ee koonfurta dalka iyadoo la isku xirayo xaruntaasi.

Gacan ku haynta deegaanka muhiimka ah oo 240 KM u jira magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay, dhanka kale waxaa la tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay faarujiyeen goobo muhiim ah saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Sidaa darteed, dagaalladii socday muddo bilo ah, in aan ka yarayn 700 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay, waxaana lagala wareegay goobo muhiim ah oo ay gacanta ku haysay kooxda Al-Shabab wargeyska “TRT World” ayaa sheegtay.

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here