Golaha Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa ka codsaday dowladda in ay xal u hesho kor u kaca maciishada ee guud ahaan dalka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka uu maanta soo saaray machadku, waxaa aad uga sii daraysa qiimaha maciishadda ee Addis Ababa, iyo guud ahan magaalooyinka gobolka iyo meelo kala duwan oo dalka ah. Waxa uu sheegay in qiimaha maciishada ay kasii dhib badan tahay inuu si sax ah u helo gunnadiisa maalinlaha ah.
Waxaa la sheegay in sababaha sare u kaca maciishada ay ka mid tahay khilaafaadyo ka dhaca meelo kala duwan, iyadoo hantida dalka lagu burburinayo, isla markaana inta badan bulshada ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah oo gargaar raadsada.
Sidoo kale, marka beeralayda soo saara qamadiga iyo teffka ee Axmaarada, Oromiya iyo gobolada kaleba ay si toos ah u gaadhsiiyaan macmiisha, mushkilada sahayda wax soo saarka ee ay keentay dawladu qiimayso oo aanay ahayn isticmaale suuqa xorta ah ayaa la sheegaa noqotay sabab kale oo keenta qiimaha sare ee nolosha.
Waxaa la tilmaamay in kor u kaca ku yimid qiimaha badeecadaha dalka soo gala iyo qalooca suuqa ka jira ay sidoo kale sii xumeeyaan maciishada.
Sidaa darteed,hayada xuququl insaanka waxa uu ku booriyay dawladda in ay il gaar ah ku eegaan sababaha keenay kor u kaca maciishada iyo in xal wax ku ool ah laga keeno.



