3.7 milyan oo qof ayaa abaaro ku dhufatay deegaanka Soomaalida

0
364

Xafiiska warfaafinta deegaanka ayaa shaaca ka qaaday in 3.7 milyan oo qof ay saameysay abaarta ka jirta 11-ka gobalka ee deegaanka Soomaalida. Sida uu sheegay madaxa xafiiska warfaafinta deegaanka soomaalida mudane cabduqaadir rashiid ayaa sheegay in abaartu ay ka jirto dhamaan gobalada uu ka kooban yahay deegaanka waxaana ay masiibadani ka sii dartay gobalada Shebeele, Dawana iyo Afdheer. 3.7 milyan oo qof oo ay abaaruhu saameeyeen, kaliya 1.3 milyan oo qof ayaa hadda gargaar helaya. 2.4 milyan oo muwaadiniin ah ayaa u baahan gargaar degdeg ah.

Ilaa hadda, qiyaastii 340,000 oo neef oo uu ku jiro geel ayaa ku dhintay abaarta ka jirta gobalka Daawa oo keliya, iyadoo ilaa 600,000 oo neef ay ku sugan yihiin xaalad aad halis u ah.

Mudane Cabdulqaadir ayaa sheegay in inkastoo ay dhibaatadu tahay mid aad u baahsan, gaar ahaan howlaha biyo-bixinta iyo gargaarka kale ay ka qeyb qaadanayaan dowladda iyo hay’adaha kale ee samafalka.

Dhowaan ayay ahayd markii guddiga heer qaran ee ka hortagga khatarta masiibooyinka ay booqasho ku tageen deegaannada Afdheer iyo Daawana Shebeele oo ay abaaruhu si ba’an u saameeyeen, iyadoo ay wehliyaan hay’ado caalami ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here