Taranka Ayaxa ayaa deegaanka oromiya walwal ku haya.
Waxaa lagu soo waramayaa in uu ayaxa si hor leh ugu sii tarmayo bariga gobolka baale ee deegaanka oromiya iyo gobolada nogob,Erar iyo gobolka faafan ee dawlad deegaanka soomaalida.
Bariga gobolka baale ee degaanka oromiya iyo galbeedka dawlad deegaanka somaalida ayuu taranka ayaxa aad ugu sii faafayaa.galbeedka dawlad deegaanka somaalida daraasaad laga sameeyay hawada ayaa ilaa hada wax war bixin oo saxsan aan laga helin xaalada ayaxa. War bixin ay soo saareen haayada qaramada midoobay laanteeda ka hortaga ayaxa iyo wax soosaarka cuntada beeraha ayaa sheegtay dalkan itoobiya in uu ka bilawday taranka ayaxa.
Haayadu todobaadkii la soo dhaafay war bixin ay ka soo saartay xaalada ayaxa ee bariga afrika ayay ku sheegtay, in bariga gobolka baale ee deegaanka oromiya iyo deegaanka soomaalida gaar ahaan gobolada galbeedka deegaanka ee gobolka afdheer,erar,faafan,jarar iyo gobolka nogob ayaxa inuu ukumaan tira badan ku dhalay,hada ka hor ukumihii uu ayaxa dhalayna ay tarmeen. Hayaada qaramada midoobay ayaa intaas raacisay gobolada kale ee degaanka somaalida in uu ayaxa ukumaan ku dhalay oo uu sii tarmayo inay dhici karto.
Wadamada dalkan itoobiya jaarka la ah ee sida wadanka jabuuti ayaxa ku tarmay inay waynaadeen oo ay gaadheen heerkii ay kooxkoox u duuli lahaayeen ayaa war bixinta lagu sheegay.
Maareeya ku xigeenka xafiiska beeraha ee dawlad deegaanka oromiya mudane getu gamachu oo u waramaya ADDIS MALADA ayaa sheegay goobaha la isleeyahay ayaxa ukumaan ayuu ku dhali karaa gaar ahaan goobaha xadka ee ay la wadaagaan deegaanka somaalida in sahmin ay ku socoto.
Mudane getu ayaa yiri goobaha looga cabsi qabo in uu ayaxa ku tarmo oo uu ukun ku dhalo ee sida gobolka baale,boranaa,guji,bariga iyo galbeedka harargee in xafiiska beeraha ee deegaanka oromiya sahmin ballaadhan uu ka wado.
Kooxda ayaxa inay ku dagaan goob ay ku tarmi karaan oo ay ukuntooda ku dhali karaan,islamarkaana maramrka qaarkood in la baab’iyo ay adagtahay ayuu mudane getu sheegay.
Ayaxa saxaraha dalkan itoobiya inta uu ka dilaacay ayaa gaadhaysa sadax sanadood ayada oo ilaa hada aan gabi ahaanba la baabi’inin sida uu maareeyaha sheegay,wuxuun intaas ku daray deegaanka oromiya xadka ay deegaanka somaalida la leeyihiin ayaxa ku tarmayo in deegaanka oromiya ay khatar ku tahay. Deegaanka somaalida ayaxa marka uu ka dhasho maadaama uusan helaynin beera waawayn oo uu quuto,beeraha deegaanka oromiya inuu ayaxa haleeyo beeraha in walwal laga qabo ayuu mudane getu hoosta ka xariiqay. Wuxuunka ku baaqay ka hortaga kooxaha ayaxa maadaamay ay tahay shaqo inay qabtaan loo baahanyahay wasaarada beeraha inay arinkaasi si ballaadhan uga shaqeeyaan.
Laanta ka hortaga ayaxa iyo wax soosaarka beeraha ee haayada qaramada midoobay war bixin ay soo saartay ayay ku cadaysay tan iyo bishii ginbot ee la soodhaafay xaalada ayaxa ee geeska afrika,in ukuma badan uu ayaxa ku dhalay bariga itoobiya iyo waqooyi galbeedka soomaaliya.
Sida war bixinta lagu sheegay ayaxa sida cusub u dilaacay in looga cabsi qabo in uu qaaradan afrika ku sii kordhiyo tirada ayaxa. Goobaha uu ayaxa ukunta ku dhalay inta aysan ukunta sii tarmin hadii aan laga hortagin, laga bilaabo bartamaha bisha sane goobo cusub in ayaxa uu ku sii faafi karo ayay war bixinta sheegaysaa.
Dalkan itoobiya ayaxa ku tarmay dhanka koonfur aysha’aa ee degaanka somaalida ee xigta dhanka dalka jabuuti In ayaxa uu bilaabay in uu ukuma ku dhalo,islamarkaana gobolada dhanka Somali galbeed ee gobolka nogob in uu ayaxa sii tarmayo oo ay kooxkoox sii noonayaan.
Xili beereedkii sanadkii la soodhaafay ayaxii ka dilaacay dalkan itoobiya 1.2 milyan kuntaa oo dalag beera ah oo ku yaalaa deegaanka oromiya inuu baabi’iyay ayaa la sheegay. Guud ahaan wax soosaarka beeraha ee sanadkii hore ayaa la sheegay boqolkiiba sideed in uu hoos udhac ku yimid.
ቅጽ 3 ቁጥር 138 ሠኔ 19 2013



