Addis ababa siday wax u dooratay?

0
942

Doorashada 6aad ee dalkan itoobiya oo ay hogaaminaysay guddiga doorashada qaranka ayaa wareegii koobaad xiligii loogu talagalay ee bisha sane 14da sanadka 2013ka ee tirsi taarikheedka itoobiya la qabtay. Wareega koobaad ee doorashada ee guud ahaan dalka oo dhan lagu qabtay goobaha ay doorashada ka dhaceen waxaa ka mid ahayd caasimada dalka ee magaalada addis ababa.

Guddiga doorashada qaranka ayaa qorshaynayay doorashada lixaad ee dalka in isku maalin la qabto laakiin sababa kala duwan oo la xidhiidha amniga iyo kiisas ay gacanta maxkamada ku haysay oo aan wali la dhamaystirin awgeed waxaa daruuri noqotay in doorashada laba wareeg la qabto.wareegii koobaad ee doorashada ayaa la qabtay xiligii loogu talagalay ee bisha sane 14/2013.maamulka magaalada addis ababa dhibaatooyin maadaama aysan ka jirin doorashada wareegii ugu horeeyay ayaa caasimada lagu qabtay.

Bishan sane 14/2013 caasimada dalka doorashadii lagu qabtay goobaha kala duwan ee cod bixinta ayuu wargayska ADDIS MAALADAA so indha indheeyay.wargayska ADDIS MAALADAA ayaa soo kor meeray geedi socodka cod bixinta.wargayska ayaa so arkay xiligii doorashada waxyaaba bogaadin mudnaa.dhanka kale xiligii doorashada waxyaaba dhibaato loo arkayna wargayska wuu soo arkay.

Xiligii doorashada wargayska ayaa soo arkay waxyaaba wanaagsan oo ay ka mid yihiin, samirka iyo ka go’onaanshaha shacabka wax dooranayay waa waxyaabaha aadka bogaadinta mudan. Guddiga doorashada 14ka bishan sane wuxuu qorshaha ahaa in 6:00 aroornimo la bilaabo 6:00 fiidkiina la dhamaystiro.laakiin caasimada dalka maalinkii doorashada la qabtay dhibaatooyin kala duwan oo jiray awgeed xiligii loogu talagalay maadaama la dhamaystiri kari waayay guddiga doorashada ayaa go’aamiyay in ilaa 9 habeenimo cod bixinta ay siisocoto.

Si kastaba ha ahaatee cod bixinta ilaa 9 habeenimo lama dhamaystirin.bulshada ku dhaqan caasimada dalka ee magaalada addis ababa intay u adkaysteen roobka iyo cadceeda oo ay u dulqaateen safafka dhaadheer ayay codeeyeen.shacabka magaalada addis ababa inay yihiin bulsha lagu dhiirado waxaa muujinaya inay hurdadi xili hore ka soo ka ceen ayaga oo aan mugdiga ka cabsanin in ay ilaa 1 habeenimo ay samreen oo ay codkooda dhiibteen.

Shacabka ku dhaqan caasimada dhibaatooyin kala duwan awgeed maadaama xiligii cod bixinta ay dib u dhac ku timid ilaa 1 habeenimo in ay shacabku codaynayeen waxaa xaqiijisay marwo solyaana shimalis oo guddiga doorashada qaranka u qaabilsan dhanka xidhiidhka bulshada. Waxayna marwadu bogaadisay shacabka addis ababa ayaga oo u adkaysanaya dhaxanta,roobka,qoraxda iyo gaajada ayay doorashadan taariikhiga ah ka codeeyeen.

Bishan sane doorashada lagu qabtay caasimada dalka ee addis ababa iyo goobaha kale waxyaabaha layaabka leh ee lagu arkay ayay ka mid tahay in caasimada dhaxdeeda ilaa 1 habeenimo bilaa dhibaato wax la doortay. Sida la wada ogsoonyahay magaalada addis ababa goobaha qaarkood habeenkii in la socdo aad ayay u cabsi badantahay.habeenkii 1da iskadaa in la helo gaadiidka caadiga ah ee tagaasida kontraatka ah ee loo yaqaano ride in la helo aad ayay u adagtahay. Sidaas daraadeed shacabka magaalada addis ababa waxaaso dhibaato intay u adkaysteen oo ay fahmeen codkooda in uu qiima wayn leeyahay ayay cida ay doonto si xor ah ugu codeeyeen.

Doorashada lagu qabtay magaalada addis ababa in kasto oo ay jireen safaf dhaadheer oo ay dadka aad ugu daaleen hadana shacabka codkooda in uu qiima leeyahay ayay muujiyeen. Waxaa xusuus mudan Doorashada sanadkan ayada oo ay bilaw tahay ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan laga maqlayay inay dhahaan “ horta doorashada hana dhaafto”.

“horta doorashada hana dhaafto” fikirka ah wuxuu ka yimid xaalada guud ee haatan dalka ka jirta iyo geedi socodka doorashada inay walwal kale oo dhanka amniga abuuri karto ayay dad badan isla qaateen. waxyaabihii khatarta loo arki jiray ayaga oo ay jiraan, hadana magaalada addis ababa wax dhibaato oo dhanka amniga la xidhiidha maysan ka dhicin.

Dhanka kale, bishii sane 14da doorashadii ka dhacday magaalada addis ababa wargayska ADDIS MAALADAA golduleela uu soo arkay ayaa jiray.ADDIS MAALADAA wuxuu soo booqday laba magaalo hoosaad, sideed goob doorasho oo ku yaala. Golduleelada ka jiray goobaha doorashooyinka waxaa ka mid ahaa in ay yaraadeen ama ay dhamaadeen waraaqaha cod bixinta ee golaha deegaanka. Taasina goobta doorashada inay dhibaata kala kulmeen ayuu wargayska ADDIS MAALADAA soo kor meeray.

War bixin ay soosaareen guddiga doorashada qaranka ayay ku sheegeen magaalada addis ababa iyo makaalooyinka kale maalinkii doorashada in ay yaraadeen waraaqaha cod bixinta.sababaha keenay in magaalada addis ababa ilaa 1da habeenimo la codeeyo waxaa ka mid ahaa waraaqaha cod bixinta oo goobaha doorashooyinka ku yaraaday ama ka dhamaaday.
Sida uu guddiga ka war bixiyay goob doorashooyinkii loogu talagalay 6:00 aroornimo in qaarkood aan la furin xiligii loogu talagalay.ADDIS MAAGALADA wax yaabaha kormeerka ay ku sameeyeen marka laga sootago goobta doorashada inaan xiligii loogu talagalay la furin,sidoo kale goobaha qaarkood in aysan jirin ama aysan imaanin fuliyayaasha cod bixinta ee uu guddiga doorashada soo wakiishay.wargayska ayaa sidoo kale soo kormeray hal goob doorasho shan qof oo ka mid ahaa fuliyayaasha cod bixinta mid ka mid ah in uusan goobta soo xaadirin taasina ay dhib ku keentay hanaanka cod bixinta.

Sidaas daraadeedna afartii shaqsi ee fuliyayaasha cod bixinta geedi socodka cod bixinta sidii larabay in uu u socdo ayaga oo la dhibaatonayo ayuu warkayska ADDIS MAALADA soo arkay. Xiliga cod bixinta cod bixiyayaasha maadaama ay u baahnayeen wacyigalin dhanka cod bixinta, dad arinkaas ka caawiyo inaysan helin oo taasina dhib kale ayay ahayd.

Guddiga doorashada maalin ka hor doorashada ayay sheegeen shaqsiga uu ka lumo kaarka cod bixinta intuu xaalada la socodsiiyo xarunta cod bixinta ee uu kaarka ka qaatay ayuu keenayaa aqoonsi shaqsiga cadaynaya,markii shaqsiga magaciisa diwaanka laga helo shaqsiga wuu codayn karaa. Laakiin sida wargaysaka ADDIS MALADAA ay soo kormeertay hawshan amarka guddiga doorashada si kabaxsan ayaa loo fulinayay.

Qaar ka mid ah goobaha cod bixinta shaqsiyaadka uu kalumay karaka cod bixinta ayada oo aan wax shuruud lagu xiraynin ayaa la yeelay inay codeeyaan,qaarkoodna in loo diido inay wax doortaan,qaarka kale ee kaarka cod bixinta watay ee codeeyay magaciina markii la hubiyo ayaa codkiina la qiimaynaya ayaga oo la oranayo ayay waraaqaha ay ku codeeyeen sanduuqa cod bixinta meel ka baxsan ayaa la dhigayay.

Dhanka kale wargayska ADDIS MAALADA cabashooyinka kale ee uu ku soo arkay goob-doorashooyinka waxaa ka mid ahaa waraaqaha cod bixinta ee golaha deegaanka in lalaalaabo oo shaqsiyaadka codaynaya garasho iyo garasha la’aanba musharaxa xaga sare inay doortaan ayaa la arkayay.wargayska oo goob joog ka ahaa cabashooyinkan ayay fuliyayaasha goobaha doorashada dhagaysteen ayaga oo go’aansaday inay wax sixi doonaan.

Sidoo kale doorashada magaalada addis ababa ka jirtay dhibaatooyinka kale ee la arkayay waxay ahaayeen aqoon la’aanta bulshada ee qaabka loo codeeyo.dhibkan waa mid goobaha doorashooyinka dalka oodhan lagu arkay.dadka codaynaya markay yimaadaan goobta doorashada qaabka ay codkooda u dhiibanayaan inay la dhibanaayeen ayuu addis maalada soo indha indheeyay.gaar ahaan waraaqaha cod bixinta ee golaha deegaanka maadaama ay musharixiinta badnaayeen cod bixiyayaasha qaabkay u codayn lahaayeen jah wareer wayn ayaa ka haystay.
Garaad la’aanta cod bixiyayaasha ayaa culays farabadan ku keentay shaqaalaha hawl wadeenada doorashada.shaqsiyaadka fulinayay shaqooyinka doorashada ayaa la arkayay ayaga oo shaqsiga codaynaya daba socda si ay u caawiyaan taasoo keentay shaqo dheeri ah.

Guddiga doorashada sida ay sheegeen cod bixiyayaash marka ay codaynayaan qofka caawinaya moyaane in uusan qof kale raaci Karin.laakiin wargayska addis maalada goob doorashooyinka uu soo kormeeray ayuu ku soo arkay shaqsiyaadka codaynaya inay raacayeen fuliyayaasha doorashada ayada oo aan lakala garanaynin sababta ay u raacayaan inay caawimaad tahay iyo in kale.

Guud ahaan caasimada dalka ee magaalada addis ababa doorashadii ka dhacday marka laga sootago dhibaatooyinka kor lagu sheegay sidii laga cabsi qabay ee ay bulshadu lahaayeen ‘bal doorashada hana dhaafto’ maysan noqonin ee si nabadgalya ah ayay ku soo idlaatay. Guddiga doorashada iyo shacabka magaalada addis ababa dulqaadka ay muujiyeen waa mid bogaadin mudan.addis ababa bisha sane 14 ayay dooratay.natiijada doorashada iyo masuuliyiintii magaalada maamulilahayd ee ku guulaystay cod bixinta waxaa go’aankooda la sugayaa guddiga doorashada ee qaranka.


ቅጽ 3 ቁጥር 138 ሠኔ 19 2013

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here