Mareeye ku xigeenka xafiiska shaqalaha iyo arimaha bulshada ee maamulka magalada addis ababa mudane Esheete ayaa wargayska addis maleda u sheegay in muwaadiniin ku nool addis ababa oo gaadhaysa 102 kun oo qof anay helin cunto ay cunaan malintii hal mar, daraasad u sameeyay xafiisku ayuu waxa u ku ogaaday in muwaadiniintaasi gaadhaysa 102 kun aanay awoodaynin in ay helaan cunto ay mar kaliyaata xaata cunaan malintii.
Sida u sheegay maareeye ku xigeenka xafiisku muwaadiniintani si ay u helaan ugu yaraan malintii hal jeer oo cunto ah in hawl loogu gudo jiro, waana ay adagtahay buu yidhi in dhibaatadaasi markaliyaata la xaliyo,waxa kale oo u sheegay in maamulku u ku jiro hawsha la shaqaynta hayadaha bahwadaagta ah si muwaadiniintan loo quudiyo ugu yaraan malinti hal mar.
Maamulka magalada addis ababa oo la kaashanaya hayadaha bah wadaagta ayaa muwaadiniintan aan awoodeen in ay helaan cunto ay cunaan in la gaadhsiiyo cunto ay cunaan ugu yaraan malinti hal mar, sida ay sheegtay Ababa hawshana waa in laa garab wado sidii looga dhigi lahaa mid joogto ah. Xafiiska shaqalaha iyo arimaha bulshada oo ku talo jira sanadka 2014ka in la yareeyo dhibatadan ayaa waxa ay Ababa sheegtay in xafiiskoodu u hawlo cusubna ku dhaqmi doono.
Muwaadiniintan 102 kun ah ee aan awoodayn in malinti ugu yaraan hal mar ay helaan cunto ayaa la sheegay in ay isugu jiraan dad aan awoodayn inay shaqaystaan ,qaar aan kiciba karayn iyo qaar shaqaysan kara oo sababo kala duwan u awoodi waayay in ay shaqaystaan. Xafiisku si u dhibaatooyinkaasi u yareeyo oo kuwa shaqaysan karana shaqo abuur loogu sameeyo ayaa sanadka 2014ka loogu talo jiro ayay tidhi Abeba.
Sidaas darted xafiisku waxa u ku hawlanyahay in magalada addis ababa xaruumaha ka jira ee bixiya adeega quudinta ka sakow in ay hawshooda la barbar wado tababaro lagu siinaayo dadkaasi shaqaysan kara ,xarumaha fidiya adeega quudinta, quudinta ka sakoow hadii ay tababarada bixiyaan waxa loo samayn kara shaqo abuur muwaadiniintaasi waxana ay ka adkaan karaan noloshooda baa la yidhi.
Waxa kale oo Abeba ay sheegtay, hadii shaqo abuur loo sameeyo muwadiniintaasi oo ay naftooda ka adkaadan in ugu yaraan la yareeyn karo tirade dadka aan malinti hal marna heli Karin cunto,hase ahaate loo bahanyahay si hawshan loo taabo galiyo cawimada cidi ay khusayso arintani.
Waxa mamulka magalada addis ababa hoos yimaada xarunta tesfa birhan ee quudinta cuntada ee dhawaan la furay marka lagu daro 5 xarumood oo xarumo quudinta cuntada ah.
Waxa dhawaan shaqada bilaawday xaruta 5aad ee tesfa birhan ee ku taala qaayb magalad kirkoos.waxa kale oo la sheegay in xarumahaasi cuntada quudiyaana ay cunto siiyan dadka isugu jira dadka awood yar ,hoyooyinka,waayeelka,intaasi ka sakoowna kuwa shaqaysan kara ay shaqo abuur u sameeyaan,xarunta tasfa birhaan ee laga furay qayb magalada kirkoos waxa dhisay shirkada shaqooyinka ee etobiya korporeshin,waxana caawimo u fidiyay oo kale shirkada gaarka loo leeyahay ee ye ethiyopia tesefa medhin oo 5milyoon oo bir ku cawiyay,sidoo kale rooha meedhikal kampas ayaa ku cawiyay hal dhibic shan milyoon oo bir.
Waxa intaasi la raaciyay muwaadiniinta aan tagi karaynin xarumaha quudinta cuntada in u xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada ee maamulka magalada addis ababa u udiyaariyaay dhalinyaro ku tabarucday in ay guryahooda ay ugu gaadhsiinayaan cuntada.
ቅጽ 3 ቁጥር 139 ሠኔ 26 2013


