Waxa la sheegay in cisbitaalada dawlada qimihi lagu bixin jiray daawaynta bukaanka u kor u kacay boqolkiiba 10

0
587

Lacagta la koordhiyay ayaa walwal ku noqotay bukaanka lagu daaweeyo cisbitaalada dawlada sida ay sheegeen xirfadlayaasha cafimaad ee halkaasi ka shaqeeya
Dr. Surafel Ayele oo ka shaqeeya dhakhtarka ku yaala jamacada gondher ayaa sheegay in qiimaha lagu kordhiyay cisbitalada dawlada u yahay mid aan imika ka hor la arag oon laga fakirin xalada bukaanka. Markii hore lacagta kaadhka lagu goosta waxa ay ahay 5 bir hadana waa 60 bir buu yidhi xirfadluhu, dadka bukaan jiifka ah barigii hore waxa ay sariirta habeenki kaliyaata ku bixin jireen 10 bir imikana waxa lagu bixiyaa 180 bir waxa sidoo kale qimihisu u kordhay buu yidhi shay baadhka iyo waxyaabaha kale la midka ah.

Waxa ka cabanaya arintaasi bukaanka waxana ay sheegeen bukaanka oo saf dheer u gala si ay daaweyn u helaan iyo nolashi oo aad u qaaliyoowday oo ay wax kastaba qimuhu kordeen in qof buka la daaweyona waxa ay noqonaysa dhibaato ayay yidhaahdeen. xirfadluhuna waxa u sheegay in bukaan badani ay u iman kari waayeen dhakhtarada dawlada lacagta la kordhiyay awgeed, sida oo kale waxa u yidhi in dawooyin la ibsado iyo in shay baadh la sameeyo aad bay u adkaatay.

Waxa kale oo is waydin leh baa la yidhi dhakhtarada dawladu marka ay kordhiyeen lacagta lagu bixin jiray adeegi hore wax ma ka badaleen adeegi ay bixin jireen iyo tayadiba.
Yaqoob Semahany oo mareeye ka ah wasarada cafimaadka qaybta adeega daweeynta ayaa addis maleda u sheegay in arintan laga bilaabay heer federal oo kaliya, sababta lacgta loo kordhiyaynaay ay tahay in wax laga badalo adeegi hore oo tayadiisna la hagaajiyo.

Waxa kale oo mareyuhu u sheegay in lacagtan la kordhiyay ay ku eegtahay cisbitaalada heer federal oo ka koooban 24, cisbitaalada dawlada ee ka jira deeganadana hada ka hor ayaa lagu sameeyay qiimo kordhin.

Cisbitaaladaa dawlada ee federaalka lacagta lagu bixiyo waa qiimihi loo soo saaray 1954kii xiligi boqor Hayleslaase ayuu yidhi.
Mudane Yaqoob waxa kale oo uu yidhi waxa marar badan laga cawda in adeegyada ka jira goobaha cafimaad ee dawlada aanay wanaagsanayn oo aan la bixinin adeegyo fiican, hadaba si loo hagaajiyo adeegyadaasina waa in la helo lacag .

Asaga oo hadalkiisi sii wadanaya mareeyuhu waxa u sheegay in dawaynta ay siiyaan cisbitaladu kharashkeedu u yahay boqolkiiba 99 halka ay bukaanku ka bixiyaan boqolkiiba 1, marka loo eego adeega ay bixiyaan xarumaha cafimaadku iyo adeega ay helaan bukaanku lacagta ay ku bixiyaan isma laha.

Waxana u yidhi lacagta la kordhiyay waa mid u noqonaysa xal cabashooyinka ka imanaya bukaanka waxaana laga sameeyay darasaad waxana goaamisay arintan wasarada caafimaadka.
Marka la isu eego adeega iyo lacagta la kordhiyay imika laftgeeda way yartahay lacagtu.

Inkasta oo buyidhi mareeyuhu lacagta lagu kordhiyay dadka adeega hela hadana waxa loogala jeeda in adeeg fiican ay helaan.
Waxa kale oo u yidhi Yaqoob adeegyadi hore ee ka jiray halkaasi ee bila lacagta ahaa sida hoyooyinka iyo caruurta yarya,adeega dhalmada,hiv aidiska daweeynta qaaxada iyo xanuunada la kala qaadoba sidoodi hore ayaa bila lacag lagu wadayaa.

Waxa u intaasi raciyay sababta lacagta loo kordhiyay ayaa ah si bulshadu ay u isticmaalan adeega damanada cafimaadka oo ay kharashka ay bixinayaan uga badbadaan waxaana loogu talo galay bulshada in ay isticmaalan adeega damaanada cafimaadka oo ay bila lacag isku daaweeyaan.


አዲስ ማለዳ Hamle 17 2013 No 5

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here