Wakaalada shaqo abuurka magaalooyinka iyo damaanada cuntada ee federaalka ayaa sheegtay In haween tiradoodu ay dhantahay 500 oo shaqo abuur sameeyay si loogu helo suuq wax soo saarkooda ay ku iibiyaan in loo furi doono bogga baraha bulshada si horumar ay u gaadhaan laguna caawin doono.
Xafiiska shaqo abuurka magaalooyinka ee federaalka iyo damanada cuntada ayaa haweenka ku hawlan ganacsiga,wax soo saarka iyo shaqo abuurka si loo horumariyo oo ay u helaan dakhli dheeraad ah ugu talo galay in bogga baraha bulshada loo furo oo tababaro la siiyo waxaana ay kala kaashatay wakaaladu arintan hayad la magic baxday afrika-118 oo tababaradana bixisa taasi oo ay heshiis la galeen.
Waxa wakaaladaasi ka socday oo heshiiskasi la galay haayadaasi Gebremeskel Jaala,sida oo kale waxa haayada afrika-118 ka socday oo heshiiskaasi saxeexay Misgaanaw Alemu oo ah maareeyaha hayadaasi.
sida u sheegay Misgaanaw haayada afrika-118 oo ka hawl gasha shan wadan oo ay ka mid yihiin keniya,ugaandha iyo taanzaniya in macaamisha ku xidhan mashruucani ay isticmaalaan adeega wax kala iibsiga ee loo yaqaano on linka (e-commerce) si ay uga fa’aidaystaan oo ay wax soo saarkooda halkaasi ugu iibiyaan ayaa waxa loo sameeyay mashruuc isgaadhsiin ah oo lagu balaadhinaayo loona sameeyay bogga baraha bulshada.
Mashruucan oo ah mid kaalmo ka hela “norwegiyan agency development corporation” ayaa xilga tijaabaduna waxa weeyaan ba la yidhi 3 sanadood, marki heeshiiska ay wada galeen ayaa la qorsheeyay in 500 oo haween ah loo furo bogga baraha bulshada si ay horumar u gaadhaan oo tababaro la xidhiidh dhaqaalaha oo dhigitaal ahna la siiyo.
War bixin ay soo saartay wakaaladu ayaa waxa ay ku sheegtay in haweenka shaqo abuurka sameeyay 250 ka mid ah laga soo xulaayo magalada addis ababa halka 250ka kalena laga soo xuli doono magaalooyinka deegaanada mashruucaasi laga wado.
Maareeyaha wakaalada shaqo abuurka magaalooyinka iyo damaanada cuntada ee federaalka Gebremesqal ayaa u mahad celiyay afrika-118 madama ay doorteen wakaladooda si ay ula shaqayso oo ay ugu yimaaden si ay aqoon is waydaarsiga ka jira wadamada kale ee afrika ula wadagaan.
Waxa lagu sheegay warbixinta haweenka shaqo abuurka sameeyay ee ka midka ah mashruucan madaama u dakhligoodu kor u kacayo awoodooda hamahda lacageedna ay kordhayso waxa lagu jira hawsha in bangiyada lagu xidho.
Waxa kale oo laxusay heeshiiska lala galay afrika-118 in ay wax soo saarkooda ay u iib geeyaan gaadhsiiyaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba oo loo abuuro haweenka shaqo abuurka sameeyay suuq fiican in lagu hawlan yahay.
Waxa la sheegay in mashruuca horumarka haweenka shqo abuurka sameeya oo hoos yimaada wakaalada shaqo abuurka magaalooyinka iyo damaanada cuntada ee federaalka ay ka jiraan toban magaalo madax iyo magaalooyinka ugu dhaw 42 kun oo macaamil haween shaqo abuurka sameeya ka mi yihiin.
Wakaaladu waxa kale oo ay war bixinteeda ku sheegtay haweenka shaqo abuurka sameeya ee ka qayb qaata mashruucan in ka badan 23 kun oo ka mid ah tababaro la siiyay halka in ka badan 18 kun oo ka mid ah looga fa’aideeyay lacag amah ah oo ka badan 5 bilyon oo bir.
Waxa intaasi deer in xiligii heeshiiska ay kala saxeexday afrika-118 la qorsheeyay in tababar casri ah oo la xidhiidha dhaqaalaha la siin doono ilaa iyo dhamaadka sanadka 2021ka in ka badan afar kun oo haweenka shaqo abuurka sameeyay oo ka faaidaysta mashruucan.
አዲስ ማለዳ Hamle 17 2013 No 5



