Waxa la sheegay in bariga gobolka welega dagmada baabo gemdheel ay ku dhibaat-eysanyihiin soo barokacayaal ka badan 60 kun qof ah

0
940

Waxa wargayska addis maleda uu waramay qaar ka mid ah soo baroka-cayaal ka badan 60 kun oo ku sugan degaanka oromiya gobolka walega dagmada baabo gamdheel in ay la dhibaataysanyihiin weerarada cida ay yihiin ku salaysan ay ku soo qa-adeen kooxda argagaxisada lagu magacabay ee shane.

Waxa uu wargaysku soo waraystay dadka halkaasi ku nool in kooxdaa-si hubaysani laga bilaabo 8dii bisha hidhaar ee 2014ka ay soo gaadhsii-yaan dhibatooyin ku salaysan cida ay yihiin sidaas darteedna ay ka soo barokaceen meelihii ay ku noolaay-een dad ka badan 60 kun oo qof.
Dadkaasi oo sheegay in laga bi-laabo xiligii ay weerarka ku soo qaa-deen kooxdaasi ee 8dii bishi hidhaar 2014kii ay la soo daristay dhibatoo-yin dhinaca hooy, cunto iyo dhar ay xidhaanba, in kasta oo ay arintaasi uu sheegeen maamulka dagmadaasi hadana wax jawaab ah oo looga soo jawaabay in aanay jirin bay shee-geen.

Mid ka mid ah dadka halkaasi ku nool oo magacisa la yidhaahdo Ayaalew Tadhese sida uu hadalkiisa ku sheegay ayaa yidhi xiligii ay koo-xdaasi soo galeen dagmada baabo gemdheel ee weerarka ku soo qaa-deen maaleeshiyada halkaasi joog-tay cid aan ahayn oo ka tirsan boolis-ka gaarka ah iyo ciidanka qarankaba oo uu samaysay difaac in aysan jirin.

Waxa kale oo goob joogayaali halkaasi ku sugnaa ay sheegeen in xiligaasi booliska gaarku ay joogeen balse ay rasaastooda cirka uu ri-dayeen arintaasina ay kooxda onag shane uu sahashay in ay meelahaasi qabsadaan.

Ayaalew ayaa yidhi xiligaasi waxa aan ku badbaadinay dadka waay-eelka ahaa, haweenka uurka leh, caruurta yaryar iyo dadka laxaadka la’aba inta aan gawaadhi kuwda rar-nay ayaan meeshaasi ka kaxaynay. Xiligan xaadirka ahna soo baroka-cayaas waxa haysata dhibaato dhi-naca biyaha, maceeshada, hoy ay galaan iyo dhar ay xidhaanba.

Waxa kale oo uu sheegay in ay jireen xiligii ay qaxayeen hoyooyin dhawr ah oo wadada ku umulay, waxa ugu darna oo xaladaasi xamili kariwaayay buu yidhi caruurta yaryar iyo hoyooyinka.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay Ayaalew in dadkii halkaasi ka qa-xay si ay naftooda uu badadiyaan markii weerarka lagu soo qaaday oo uu qaxayay magalada asoosa labo gaadhina kala fuushano dad tiradoo-du ay ahayd 90 qof in laga af duubtay meelaha la yidhaahdo mendhi iyo aryu.
Waxa kale oo uu sheegay in dad saarna labo gaadhi oo basaska ri-kaabka ahaa midna ay saarnayeen 70 qof ka kalena ay saarnayeen 20 qof oo dhaxda laga af duubtay ilaa iyo xiligi la af duubtayna aanay wax war ah ka haynin meel ay ku suganyihiin.

Sida ay wargayska ugu warameen dadkii dagmada baabo gemdheel ku noola in dadka halkaasi ka baroka-cay ee ka badnaa 60ka kun ee qof ay hantidoodi uga carareen madaama aanay halkaasi ka jirin cid ka difaacda weerarada lagu soo qaaday.

Waxa kale oo ka hadlay arintan wixii uu ka arkay Taadhese Yimer oo ka tirsan maleeshiyada halkaasi joogta waxaana uu yidhi meesha wax ciidan ahi ma joogaan waxa jooga oo kaliya booliska gaarka ah ee oromi-ya kuwaasina markii ay dadkaasi uu hanjabeen ayay dadkii halkaasi ka baxeen.
Waxa kale oo uu yidhi Taadhese Yimer kooxdaasi waxa ay haystaan hub casriyaysan, xiligaasina waxa in ay ka difaacan isku dayay 15 ka mid ah maleeshiyada oo kaliya. Waxaa-na uu hadalkiisa raaciyay booliska gaarka ah ee halkaasi ku sugna lama uusan dagalamin kooxdaasi sidaa-si darteedna waxa la awoodi kari waayay in weerarkii ay soo qadeen la iska difaaco.
Waxa la sheegay in guryo badan oo dagmadaasi ku yiilay la gubay dadkii halkaasi ku noolana ay awoodi kari waayeen in hantidoodi ay kala soo baxaan, sida oo kale waxa weerarka lagu soo qaaday xili ay midhihi beera-hooda uga soo baxay uruursanayeen arintaasina ay ku khasabtay in meeli-hi ay daganayeen ay ka qaxaan.
Waxa uu Taadhese Yimer yidhi muwaadiniinta ka qaxay meelihi ay daganaayeen wxa ay gaadhayaan in ka badan 60ka kun. Ilaa iyo xiligii uu warkan wargaysku soo diyaariyayna in aanay wax caawmo ah ka helin maamulka dagmada ayaa la xusay.
Waxa kale oo arintan ka hadlay mid ka mid ah dadkii halkaasi ka barokacay oo magaciisa la yidhaah-do Melese Taaye waxaana uu yidhi kooxdaasi dadkii ku noola meelaha gurba iibu, booni iyo giirba ee qoom-iyada amxaarada ahaa in ay hanti-doodi iyo guryahoodiba ay ka gubeen kooxdaasi hubaysani.

Waxa kale oo uu sheegay shakhsigaasi in xiligaasi ay halkaasi ku dhaawacmeen laba shakhsi oo maaleeshyada ka tirsana oo difaac uu samaynayay iyo hal qof oo bero-lay ah. Madaama aan halkaasi ka jirin adeeg anbulaansi ah shakhsigii beerolayda ahaa waxa meel ay naba-du ka jirto lagu gaadhsiiyay buu yidhi inta dameer lagu raray.

Melese Taaye waxa kale oo uu yidhi guryo kaliya maahe waxa hakaasi lagu gubay dhawr meelood oo ganacsi oo ay shakhsiyaad la-haayeen. Dadku markii ay qaxayeen waxa ay waayeen baabur ay raa-caan, baabuuro dirqi iyo tu xun lagu helayna waxa ay dadka ka qaadeen nool aad uu badan.

Waxaana uu xusay in xiligii caadiga ahayd lagu raaci jiray meelaha baabo ilaa najo nooli 30 bir ah sida oo kale najo ilaa asoosa 120 bir, halka markii ay dadkaasi qaxayeen laga qaaday meeshi 30 bir lagu raacayay 300 oo bir meeshi 120ka bir loo raacayayna 350 bir.

Dadkii awodi kari waayay in lacag-taasi ay bixiyaanna ee halkaasi ka bixi kari waayay waxa ay ka codsa-deen cidii ay kusayso arinta baroka-cayaashu in ay xal uu raadiyaan arin-tooda.

Wargayska ayaa isku dayay in uu wax ka waydiiyo dhibaatooyinkaasi halkaasi ka dhacay hawl xal loogu heli karo oo la qabtay hadii ay jirto waxaana uu tilifoonkiisa kal xidhi-idhay maamulaha dagmad baabo Geetu Geletu waxaana uu ka xidhay tilifoonkiisi dhawr jeer oo kale oo lagu celceliyay tilifoonkiisana waa uu ka qaban waayay, sidaasi darteedna wargaysku waxa uu awoodi waayay in uu ka soo waramo arimahaasi.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 18 2014 No 23

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here