Waxa la sheegay in tirao koobkii dadka iyo guryaha ee la sheegay in sanad- kan la samayn doo- no aan wax goa’an ah oo ku saabsan xiliga la samayn doono laga soo saarin

0
728

Sida xogata uu wargayska ad-dis maleda uu ka soo helay xafi-iska tiro koobka ee itoobiya ayaa sheegaysa in tirokoobkii dadka iyo guryaha ee lagu talo jiray in la sameeyo xiligii doorashadi wareegi lixaad la qabtay sanad ka dib aan ilaa iyo xiligan xaadir-ka ah wax goa’an ah oo ku saab-san xiliga la qaban doono laga soo saarin.

Tirakoobka oo ah arin ka mid ah dastuurka ayaa sida das-tuurka jdfi qodobka 103aad ku salaysan uu leeyahay koomishi goa’aminaya hawshaasi fulin-teed oo ay ka mid yihiin si guud ahaan madaxda deeganada oo uu hogaaminayo r/wasaare ku xigeenku, waxana la sheegay in koomishinkaasi aanu ilaa iyo xiligan xaadirka ah ka soo saarin wax goa’an ah oo ku saabsan xil-iga tiro koobkaasi la samaynayo oo uu qorshuhu ahaa in sanad-kan la sameeyo.

Hawsha tiro koobku waa hawl la qabto marka ay nabadgalyadu jirto, sidaas darteed waa in aymeel kasta oo dalka ka mid ah nabadgalyo ka jirto. Sida doora-shada xili kasta lama qaban karo. Xiligan xaadirka ahna waxa dalka ka jira bayaan xaalad dagdag ah, ayada oo ay arintu sidaasi tahay in tiro koob la samayn doono in laga fakiro waa arin adag. Wax-aana ay xirfadlayaal kala duwan ay fikirkooda ku sheegeen in dawladu ay xiligan xaadirka ah arinta ugu muhiimsan ee ay ku hawlantahay ay tahay ilaalinta nabadgalyada.

Xirfadleh ka tirsan xafiiska tiro koobka oo aan rabin in magaci-isa la sheego ayaa sheegay in aanu koomishinku ilaa iyo xiligan xaadirka ah sheegin xiliga la qa-ban doono kasakoow arintaasi xiliga goa’an laga gaadhi doono aan laga war haynin.

Waxa kale oo uu xirfadlahaa-si sheegay in tirokoobka xiligii loo qorsheeyay ee sanadkan uu goa’an ka soo saaro koomishinku hadana madaama ay hawlaha ku saabsan arintaasi ay badanyihiin in sanadkan la qabto ay aad uu adagtahay. hadii ay dhacdo in la qabto tirokoobkaasi oo la goa’ami-yose in ay agabyadii loogu talo galay tirokoobka ee ugu muhiim-sana diyaar yihiin.

Waxaana la xusay in guud ahaan gobalada ilaa qabaleyada dalka hawsha xarunta xujooyinka sida oo kale deegaanada cusub hawlaha xujada ee hor dhaca ah la dhamaystiray. Waxa sida oo kale la sheegay in hawlahan aan kor ku soo xusnay hadii dagala-da dalka ka jira ay hore uu soo af jarmaan oo la goa’amiyo xiliga la qaban doono ay arintaasi ka caw-inayaan sidii hore loogu qaban lahaa.

Waxana la xusay in misaaniya-dii loogu talo galay in lagu fuliyo hawsha tirokoobka lagu waree-jiyay in lagu qabto hawlo kale. Waxa la sheegay in mar kastamisaaniyada loo qabto in hawl lagu fuliyo ee dawlada oo haw-shaasi dib loo uu dhacdo in hawl kale misaaniyadaasi lagu wareeji-yo. Waxaana la xusay in misaan-iyada tirokoobka la qaban doono xiliga soo socda aan wali la soo dhigin barlamaanka cusub oo aan misaaniyad loo qaban.

Sida oo kale hawsha tirokoob-ka in kasta oo hada ka hor si ay adeega uga qayb galaan maclimi-in tababar wareegi kowaad in la siiyo oo hawsheeda la bilaabay, waxa hadana la sheegay xiliga la siinayo tababarkaasi madaa-ma aan la ogayn oo aan dhinaca dawlada wax goa’an ah laga soo saarin in tababaroyaashi ay jooji-yeen tababarki oo waxana ay dib ugu laabteen hawshoodi caadiga ahayd.

Waxa la xusay oo kale madaa-ma aan mudo dheer tirokoob laga samaynin itoobiya hawlaha ni-daamka tirokoobka ah uu diyaar garawgooda xogaha ku salaysan tirokoobka ee uu qoondaynta misaaniyada iyo arimaha kala du-wan in ay saamayn lixaad leh ku yeelan doonto.

Waxa la sheegay in xafiiska haw-laha tirokoobka ee itoobiya aanu xiligan xaadirka ah hawl ku saab-san u diyaar garawga tirokoobka qabanin. Marka uu koomishinka lo doortay tirokoobku uu goa’an gaadho oo uu yidhaahdo hawsha waxa aad bilaabi kartaan xiligaasi hawshaasi la bilaabi doono.

Waxa xusid mudan in markii ugu danbaysay la qabtay haw-sha tirokoobka ee dalka sanadkii 2000, jadwalkii tobanka sana-dood ee qorshihii ahaa in la qabto sandakii 2010 ka ayaa waxa dib-na loo dhigay sadex jeer wakkht-ga la qabanayo, waxana sababo looga dhigay arinkaasi madaxda dawlada oo la badalay iyo xala-daha amni darada ah ee dalka ka jira.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 18 2014 No 23

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here