Waxa la sheegay in dhalinyarada wuqooyia walo ay bilaabeen halgan rasmi ah oo ay ugu magic dareen gumaysigu nagu filan

0
903

Waxa la sheegay in dhalinyarada wuqooyiga walo ay iskood isku bahaysteen oo ay bilaabeen in ay ilaaliyaan degaankooda. Waxa kale oo duqa magalada qoobo uu sheegay in laga bilaabo sanadkii hore bishi nahaase ay dhalin-yarada ku sugan raaya, qoobo, zoobil magaalooyin kale oo ka tir-san wuqooyiga walo si ay meeli-hi kooxda tplf qabsadeen dib uga soo xoreyaan ay bilaabeen in ay iisbahaystaan. Waxana uu war-gayska addis maleda soo oga-aday in dhalinyaro ku dhaqan magalada zoobil oo ka badan 10 kun is bahaysteen oo ay hawlo kala duwan bilaabeen.

Duqa magalada qoobo Dr. Adhiisu Wedhaajo oo wargayska uu waramay ayaa sheegay in ay iskood isubahaysteen hawshan-na ku hawlanyihiin dadka halkaa-si ku nool ee da’adoodu uu dhax-ayso 18 ilaa 48 jir.

Waxa kale oo la sheegay in hawshasi isbahaysiga ah la bi-laabay ayada oo lagu salaynayo magalada jifra, balse madaama ay gacanta ugu jirtay cadawga magaalooyinka jifra, uwa iyo awra ayaa hawshaasi waxa dib loogu soo celiyay magalada zoobil oo hawshaasina si balaadhan loo-ga wada magaladaasi. Ururkaasi xarunta looga dhigay magalada zoobil ayaa waxa la sheegay in kolba meesha ku haboon la tago oo lala dagalamo kooxda tplf oo meelaha ay ka qabsadeenna dib looga soo xoreeyo.

Waxa kale oo la sheegay in ururkaasi dhalinyarada ah hubka iyo alaabada kala duwan ee ay ka qaadaan kooxda tplf isticmaa-lan oo ay hawlokala duwan ku qabsadaan.sida uu hadalkiisa ku xusay duqa magaaladu in sagaal jiid dagaalo halkaasi laga furay oo dhalinyaradu dagaalo culus la galeen kooxdaasi si guul lehna ay iskaga difaaceen. Waxa kale oo yuu yidhi dhalinyaradaas oo aan haysan hub ku filan ayaa cidankii gacanta lagu dhigay hubkii ay qaa-teen deegaankooda kaga xoreyay cadawgii.dhalinyarada degaanka amxarada ee fahantay hadafkan gaar ahaan dhalinta dhebrebir-haan oo ka badan 120 ayaa 13 kii bisha sedexaad 2014ka inta ay yimaadeen magalada zooobil ku so biiray halgankaasi.

Waxa kale oo la sheegay in dhalinyaradaasi ay meelo kala duwan ka qaadeen hubki cadaw-ga oo ay maydadkana ay a’asaan, meelo dhufays ay ka dhigtaanna ay qodaan, dhawacana ay siiyaan gargaarka dagdagga ah sida oo kale hawlo kala duwan qabtaan oo ay sahleen halgankaasi lagu jiro oo kaalintoodina ka soo bax-ay. Waxa sida oo kale la sheegay in inta ay hawshoodi laba uu kala qaybsadeen ay ka wadaan jiidad-ka maqeet, gash iyo raaya, waxa kale oo ay sameyeen koox si qarsoodi ah uu gala oo soo oga-da meelaha ay kooxda tplf ka soo dagaal galaan, waxa kale oo jira qaybo kale oo soo ogaada meela-ha ay hantidooda dhigteen iyo sida oo kale meelaha ay hantidii ay ka soo boobeen magaalooyinka kombolja iyo dhase dhigteen soo ogaada oo xogta soo gaadh-siya bulshada hantidana dib uu soo celiya oo kaalin waynna ka ciyaray.

Hase ahaate waxa ay dhalin-yaradan tabarucaadka samay-say wargayska uu sheegeen in hawsha ay wadaan ee ay kooxda tplfta kaga saarayeen deegaan-kooda aanay kaalmo ku filan daw-lada degaanka ka helin. Dhalin-yaradu hawsha isbaahaysigan ay ugu magic dareen guumaysigu nagu filan xiligii ay asaasen laga bilaabo waxa ay sheegeen in haawlaha saadka (loogestiikada) hubka iyo qalabyada kala duwan ee dagaalada wixii ay ka qaadeen kooxdaasi mooyi ee aan dawlada wax caawimo ah laga siinin. Waxa ay dhalinyaradu xuseen in ay uu hawl yareyeen hawshii dawlada oo ay ku jiraan hawshii guusha lagu heli lahaa kaalin waynna ay ka ciyaareen.hadii ay dawlada ka helaan hubka sida kooxda ah loo isticmaalona in mudo yar guda-heed ay guul ku soo hoyn karaan.

Ayada oo ay arintu sidaasi tahay ayaa duqa magalada qoobo oo uu fiirsaday hawsha ay wadaan dhalinyaradaasi ka codsaday dawlada degaankaasi in la caawi-yo waxaana uu sheegay in xiligan xaadirka ah loo bilaabay cawima-da sida raashinka, loogestiikada iyo hubka dagalada.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 18 2014 No 23

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here