Adeegyadii ganacsi ee soo dejinta iyo dhoofinta, oo ay bixin jireen dowlad Deegaanada ayaa loo warejiyey dowladda federaalka

0
410

Waxa la sheegay in adeegyadii ganacsi ee soo dejinta iyo dhoofinta ee ay deegaanada bixinayeen ay wasaaradda ganacsiga iyo xidhiidhka deegaanadu bixinayso laga bilaabo 1-da Luulyo 2015.

Adeegga soo dejinta iyo dhoofinta ee ay bixin jireen deegaanada iyo labada maamul magaalo ka hor inta aan la hirgelin diiwaangelinta ganacsiga iyo shatiyada

Maadaama ay jiraan dulduleelo dhanka maamulka ah, oo ganacsigii tahriibka uu ku batay iyo deegaanda aan wakhtigaas ka jirin adeeggu, waxay keentay su’aasha ah maamul wanaag; Si loo xaliyo dhibaatadan ayaa la go’aamiyay in adeega ganacsiga soo dejinta iyo dhoofinta laga hirgaliyo heer federaal laga bilaabo 1-da Luulyo 2015, sida uu sheegay xafiiska wasiirka.

Adeegga diiwaangelinta ganacsiga iyo shati-siinta ee khadka tooska ah, oo la hirgeliyey laga bilaabo Luulyo 1, 2013, wuxuu u oggolaanayaa soo dejiye iyo dhoofiye kasta inuu isticmaalo nidaamka si uu adeegyo uga helo meel kasta oo uu joogo; Waxaa la soo jeediyay in haddii ay jiraan su’aalo aan caddayn oo ku saabsan adeegga, waxay wici karaan xarunta wicitaanka 965 oo ay helaan macluumaad dheraad ah.

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here