Waxa la ogsoonyahay in xafiiska gudiga doorashooyinka ee etobiya u diyaargarawgi u ugu jiray doorashada wareega lixaad inta u dhameeyay in doorashadi la qabtay bishi sane 14keedi 2013keedi.
Hase ahaate gudiga doorashooyinku sane 14keedi in u guud ahaan dalka ka wada qabto doorasho mu awoodin.sidaas darted waxa khasab ku noqotay in labo wareeg laga dhigo.waxa kale oo xusid mudan in doorashada laga dhigo labo wareeg in ay xisbiyadi doorashada u loolamayay qaar ay ka xumadeen.
Xafiiska gudiga doorashooyinka oo doorashadi u qaybiyay labo wareeg ayaa wareegi kawaad qabtay bishi sane 14keedi,doorashadi kadibna waxa la shaaciyay cidi ku guulaysatay doorashadi wareega kowaad.natiijadi ka soo baxday doorashadaasina waxa kuraasta aqlabiyadoodi helay xisbiga talada dalka haysta ee barwaaqo,qaar ka mid ah oo la loolamayay xisbiga talada haysta waxa ay heleen dhawr kuraasi ah oo goolaha shacbiga iyo goolaha deeganada.
Doorashada in laga dhigo labo wareeg ayaa waxa laga baqayay in ay bulshada ku abuurto walwal,waxa sida oo kale markii la ogaaday natiijadi hore la is dhax waday in aanay meelaha kalena isbadal sidaasi ah anu ka jiri doonin.arintu si kastaba ha ahaate doorki hore ee doorashadu way dhacday,xisbiyada siyaasadeed ee kala duwanina waxa ay sugayaan doorka labaad ee doorashada.
Doorashada doorka labaad ee loo qabtay bisha baguume 1deeda 2013ka xisbiyada kala duwan ee doorashada ka qayb qaadanaya waxa ku jirta rajo ah in waxuun u isbadal ka jiri doono dhinaca natiijada.
sida ay sheegen xisbiyadu waxa ay yidhaahdeen waxa aan hamiyayna in doorashadu ay noqoto mid asaaskedu u noqdo mid ka dhigaysa in dawlada awooda loo siiyay in u hogaamiyo, sida oo kale shacbka iyo dawlada xidhiidhka ka dhaxeeya si u wanaajiyo oo u umaamulo awooda siyaasadeed ee u helay in ay tahay mid ay shacabku ku siyeen ogolaanshahooda.
Waxa kale oo la sheegay in doorashad ka dhacday dalka ay tahay mid mustaqbilkadalka muhiim u ah dal ahaan iyo deegan ahaanba oo laga sugaayo inay u keento dalka dimooqraadiyad warta, sida oo kale meelo badan oo dalka ka mid ah isku dhacyada ka jira iyo nabad galyo laanta ka muuqata six al waara loogu helo waa in wakhti loo qabto oo si kama danbays ah talaabo looga qaado.
Waxa ay dad badani ay isku wada mid ka yihiin in ay doorashadu tahay shayga kaliyaata ee lagu salaxi karo maamul xumadi ee dalka ka jiri jirtay,cadaalad daradi soo jireenka ahayd iyo dimoqraadi laanti si is badal looga keeno.sida oo kale xaladaha cakiran ee dalka ka jira sidii wax looga qaban lahaa.
Waxa kale oo hubaal ah in siyaasadii hore ee dalka ka jirtay la badalo,ayada oo laga duulayo xaaladaha dhqalaha iyo bulshada dalka sida oo kale danha shacabka loo adeegayo in isbadal balaadhan la gaadho oo nabadgalyadana la sugo saraynta sharcigana la ilaaliyo.
Dr. Mebratu Alemu oo ah madaxa xidhiidhka shacabka ee xisbiga dimoqraadiga boro oo ka hadlay arintan la xidhiidha doorashada ayaa yidhi si muwaadiniin kasta ay ugu noolaadan si daganaansho ah waxa loo bahan yahay doorasho daacad ah oo si feejignaan ah looga qayb qaato,si nabadgalyo waarta iyo dimoqraadiyadi ay u jirto,dhaqaalaha dalka iyo bulshadaba loo horumariyo saraynta sharciga iyo si loo abuuro bulsho ku wada nool siyaasad ay bulshadu raali kawada tahay dhisideeda in si wada jir ah looga wada shaqeeyo.Dr. Mebratu waxa u wargayska addis malea u sheegay in meelaha anay doorashadu ka dhicin ee ka tirsan benishaangul gumz dagmooyinka metekel iyo kashaami ilaa iyo hada ay ka jirto nabadgalyo la’ani.
Mebraatu waxa u yidhi labadaasi dagmo si gaar ahaaneed wali xasilooni kama jirto, malmahan danbe dhibaatadi halkaasi ka jirtay waabay sii korodhay, sidaas darted wali wax barnaamij ah oo loo qabtay dhaqdhaqaaqa doorashada ma jiraan waana la awoodi waayay.
Waxa kale oo u xusay Mebraatu in dagmooyinka metekel iyo kamaashi ay xaladi barakacu isku badashay nooc kale in doorasho ay ka dhacdo meel shacabkeedu aanay dareemayn daganaanshona ay caqabad noqonayso.waxa u in taasi raaciyayna in mid ka mid musharaxiinta xisbgiisana la dilay sabata lagu dilayna aan la garanayn.
Dhinaca kalena doorashadi hore ee 14kii sane 2013ka in ay war baahinadu muhiim yihin ayaanu wax badan ka ogaanay waxa kale oon fahamnay ahmiyada ay leeyihin ururada muwaadiniitu iyo goob joogayaashu.
Waxa kale oo u xusay in la isticmaalo kooxahaas waxa ay door muhiim ah ka ciyaraysa doorasho xor ah oo cadaldi ku jirto in la qabto.
Ka xisbi ahaan si doorasho nabadgalyo ah loo qabto waxa aan wada shaqayn la wadna buu yidhi cidii ay khusayso arintani, si doorashadu ay xiligi loo qabtay u dhacdona waxa aan dhamaynay diyaar garoowgi.
Waxa u hadalkiisi raaciyay in loo bahan yahay dimooqraadiyada dalka ka jirta wada noolaanshaha shacabka iyo in la ilaaliyo xuquuqha dastuurka ku xusanna waa in fiiro gaar ah la siiyo doorashada soo socota in ay u dhacdo si ka heer saraysa doorashadi sane 14keedi meelaha ugu badan ee dalka ka dhacday.
Waxa kale oo u ku nuuxnuuxsaday in waxyaabahaasi oo dhan ee mustaqbilka dalku ku xidhanyihiin si loo xaqiijiyo waa in laga wada shaqeeyo sidi doorosho xor, cadaalad iyo dimooqradiyad ka jirto oo daganaansho leh u dhacdo cid kasta oo ay khusayso ka fiirsato.
Mudane xirsi dool xirsi oo ah madaxa xisbiga dimoqradiga galbeedka somaliyeed ayaa yidhi dooroshadi hore ee dalka waxa aan ka helnay wayo arag.
Sidaas darteedna bu yidhi si doorashadu ay u noqoto mid xor ah oo cadaalad ah goob joogayaasha xisbigooduna ay si feejigan ula socdaan hawlahooda waxa an ku jirna hawsheeda.
Sidoo kale waxanu ku hawlanahay hadii xaata ay jiraan dhibaatooyin, in si wada jir ah an uga hor tagno anaga oo kaashanayna cidi kasta ee ay khusayso in doorashadu ay u dhacdo si nabadgalyo ah.
Mudane Xirsi waxa u sheegay oo kale meelaha ay doorashadu ka dhacayso oo dhan oo deegaanka soomalida ka tirsan aanay ka jirin wax dhibaato ah oo la xidhiidha nabada,deegaankayagana marka la barbar dhigo deeganada kale oo dhan xaalada nabadgalyo waa mid xasilon.
Waxa xusid mudan in hada ka hor u xafiiska gudiga doorashooyinka ee qaran sheegay in deegaanka benishaangul iyo meelo kale oo ay ka muuqato xasilooni daridu la awoodi kari waayay in tababaro la siiyo hawl fuliyayaasha doorashada.
Sida ay ugu warantay wakiilada xisbiyada siyaasadeed marwo Burtukaan Midheeksa oo ah ururiyaha gudiga doorashooyinka, in kasta oo meel kasta oodalka ka mid ah laga bilaabay diiwaan galinta cod bixiyayaasha hadana meelo gaar ah waxa laga arkay dib u dhac.
Marwo Burtukaan waxa ay tidhi meelo waxa jira nabadgalyo laan iyo waxyaabo la xidhiidha awgeed aananu ka fulinin tababaradi loo baahna,sababaha aan loo siinin tababarakana way u cadaysay.
Deegaanka benishaangul gumz dagmooyinka metekel iyo kamaashi oo ah meelaha aan tababarka aan laga fulin bay tidhi Burtukaan hadana waxa aan racayna xogta u deegaanku na siin doono si aan diwaan galin halkasi uga samayno. Waxa kale oo ay tidhi sbabta halkaasi tababrada loo siin waayay haawl fuliyayaasha ayaa ah warbixintii aan ka sugaynay dawlada degaankaas oo an hore loog soo jawaabin oo ahayd in bulshadi halkaasi ku noolayd oo ku baro kacday dagaaladi halkaasi ka jiray tiradi dadka inta wali ku maqan barokaca iyo inta ku soo laabatay meelihi ay hore u daganaayeen.
Waxa kale oo ay sheegtay in dawlad deeganku aanu wali u soo cadayn meelaha ku haboon in laga bilaabo diwaan galinta cod bixiyayaasha iyo meelaha aan ku haboonayn ee walaaca laga qabo taasina ay ku keentay dib u dhac.
Sido kale waxa ay sheegtay in deeganada soomalida iyo hararidana ay dhib kala kulmeen madaama aanay iyaguna wali u soo gudbinin war bixinti laga sugaayay.
Waxa kale oo ay xustay Burtukaan in sadixdaasi deegaan ka sakooe ay jiraan meelo kale ooy xasilooni dari ka jirto sida wuqooyiga shawa ee deegaanka axmaarada iyo 4ta goob doorashooyin ee ka tirsan degmooyinka gaarka ah ee degaanka oromada in u gudigu u awoodi wayay in uka fuliyo tababarka hawl fuliyayaasha iyo diwaan galinta cod bixiyayaasha sida oo kale gaadhsiinta agabka doorashooyinkaba.
Doorashada heer qaran ee lixaaad oo u gudiga doorashooyinku mar kaliyata in la qabto awoodi waayay ayaa waxa khasab ku noqotay in lab door laga dhigo. Waxana la shaaciyay natijadi doorki hore imikana waxa diyaar garawga loogu jira sidi loo qaban lahaa doorashada doorki labaad.
Gudiga doorashooyinka oo doorki hore ee doorashada 14kii sane ka tacliin qaatay dhibaatooyinki ay kala kulmeen doorashada ayaa si looga qabto meelihi aanay doorashooyinku ka dhicin doorasho ka heer saraysa ti hore ku talo jira.
Sida oo kale waxa xusid mudan in ay sheegtay Burtukaan meelaha aanay doorashadu ka dhicin gaar ahaan deeganka beenishaangul gumz degmooyinka metekel iyo kamaashi xalada nabadgalyo la’anta ee ka jirta awgeed hadii aanay daruuri ahayn in ay caqabad ku noqon doonto in baagume 1deeda 2013ka in ay ka dhacdo doorasho.
Waxa kale oo xusid mudan in doorashadii ka dhacday dalka 14kii sane ee 2013ka ee wareegi lixaad aanay ka dhicin doorasho deegaanada soomalida hararida iyo benishaangul gumz, sababtuna ay ahayd xasiilooni dari, waraaqihi codadka oo xumaaday awgeed iyo dawlad deeganeedyada muranki maxkamadeed ee ka jirayawgeed.
Wargayska addis maleda oo waraystay xisbiyada deeganada soomalida,herarida iyo beenishaangul gumz ayaa sheegay in doorashadi wareega kaowaad ee 14kii sane oon deegaanadooda ka qabsoomin ku abuurtay walwal iyo walaac.
Waxa kale oo u gudiga doorashooyinku u xusay in deeganadaasi aanay doorashadu ka dhicin saabobo kala duwan awgeed ay doorasho ka qabsoomi doonto 1da bish baagume ee sanadka 2013ka.
አዲስ ማለዳ Hamle 17 2013 No 5



