Waxyaabo la yaabitaan le oo lagu arkay hawl fuliyayaashi doorashadi 14kii sane

0
1060

Doorashadi 14kii sane waxa soo maray aragtiyo kala duwan. Qaar ka mid ah xisbiyada kala duwan oo calamadohooda bulshada fursadi ay helaan ba kadhadhicinaayay. Qaarkoodna waxa ay lahayeen inta add anaga warbixin naga helaysaan noo dulqaata. Bulshada iyo xisbiyada kala duwaniba sida ay umaqlayeen fikradaha kala duwan eek u saabsan doorashada umay maqal warar ku saabsan hawl fuliyayaasha doorashada. Cidii hawsha wadi lahayd ee ka tirsan xafiiska gudiga doorashooyinka waxba kamaanu maqal.

Laga bilaabo bishi magaabit ayaa waxa tababar loo bilabay hawl fuliyayaal ka badan boqolaal kun. Kaadhadhka codka kuwi diiwaan galinayay cod bixiyayaasha waxa ay ahaayeen 152 kun iyo 700 kuwa malinta doorashada hawlaha fulinaayana 240 waxaana sheegay xafiiska gudiga doorashada. 48 ka kun ee aag doorasho waxa lagu talo jiray in goob kasta ay joogaan 5 qof hawl fuliyayaal ah, maalinti doorashada se sidii la filaayay may noqon, inkasta oo ay jireen goobo badan oo 5 hawl fuliyayaal ay joogeen hadana meelaha qaar waxa joogay 4 iyo 3 hawl fuliyayaal.meelo aan wax hawl fuliyayaal ahi anay joogin oon lafurinba gobaha doorashada ooy dadki doonayay in ay codadkooda dhiibtaan ay maliintii oo dhan ila 12kii galabnimo ay saf ku jireena waa la sheegay.waxaana xili danbe halkaasi yimid kuwi tababarka bixinaayay oo habeenimadi dadkii sfka ku jiraay u fiidiyaya adeeg si ay codadkooda u dhiibtaan.qof aan rabin in magaciisa la sheego ayaa noo sheegay in mid ka mid ah goobihi doorashooyinka qoof aan wax tababar ah la siinin u halkaasi u adeeegayay bulshadi codkooda dhiibanaysay.waxa kale oo noo waramay mid kale oo maalinti doorashada ka horaysay asaga oon wax tababar ah qaadan sxiibki oo u yeedhay oo halkaasi kanoqday hawl fuliye. Waxa kale oo sheegay in hawshiisi u si fiican uga soo baxy,balse aanu hubin in sidiisa cid kale loogu yeedhay shaqadan asagana lagu badalay qof kale oon imaan shaqadiisi.

Waxa jira dad sheegaya inkasta oo loogu talo galay goob kasta oo doorasho 5 qof hadana shaqada halkaasi looga bahan yahay ay tiradaasu yareed. Gaar ahaan magalooyinka ka baxsan magalo madxda dadka ku dhaqan madama ay dhinca fahanka loo baahan yahay in sii fiican loo fahansiiyo cida waraaqda magacisu ku qoranyahay u eegi lahaayeen cidi suulka qalinka ka marin lahaayd sidookale cidi tusi lahayd waraaqda codka lagu dhiibanayo ukala sheegilahaayd inta qof ee ay u codayn karaan xiliga ay codaynayaan hadi ay u baahdaan cawimo cidi caawin lahayd ,sanduuqyada waraaqaha lagu ridaayo si aanay u kala badalin cidi tusi lahayd, marka ay meesha ka baxayaan cidi sanitayzer siin lahayd,hawlahaas oo dhan cidi ka cawin lahayd iwl ayaa loo bahnaa,waxaan kale oo aan aragnay mid ka mid ah madaxdii goobta doorashooyinka sanitayzerkii loo dhiibay ee loogu talogalay dadka inaanu xabadna ka istcmaalin oo kartoonki ay ku jireen xataa anu ka soo sarin marki aan wax ka waydiinay sabata loo isticmaali waayay waxa u noo sheegay in u waayay qof dadka gacmaha ugu shubta,markii danbe waxa aan samaynay inta aan banaanka kursi duul sarnay mid ka mid ah cod bixiyayaasha in u adeega u fiidiyo cod bixiyayaasha oo qofku marka u sii baxaayo uun loogu shubo gacmaha balse taasina way suurtooboi wayday.waxaana u sheegay maamulahaasi In aanu siku wada wadi Karin hawlaha gudaha iyo banaankaba.

Qabalee hos yimaada dhebrebirhaan oo joule la yidhaahdo goob doorasho kutaala gudoomiyihisa wondhimageny oo wargayska maleda u waramay ayaa sheegay inkasta oo beero leyduna ay ka mid ahayd dadkii loogu talo galay hawlfulinta hadana in shaqadu ay aad ugu badnayd .sidoo kale laga bilbaabo 12kiia subaxnimo anaga hawshu aad bay noogu badnayd waxaanu ahayn 3 hawl fuliyayaal oo kaliya sidaas darted daldaloolo badan ayaa jiray. Dadka wax dooranayay intooda badan waxa ay ahaayeen xoolo dhaqato dhinaca fahamka cod bixinta ayaa ku yarayd sidaas darted dhibaato ayaa nala soo wajahday cida iyo astaanta ay dooranayaan maadama aanay garanayn waan isla dhibanaayn waxa aanan isku daynay inta aan karayno inaanu ka caawino. Taasina waxa ay samaysay in saf dheer ay dadku galaan,ugu danbayntina waxa u yidhi xisbiyada ayaa hawshoodi gabay markii hore ayaa looga bahna in ay sii habeeyaan hawlahaasi oo dhan anagana culaays wayn bay nagu noqotay.

Bulshada intooda badan madaama aan wax tababar oo doorashada ku saabsan la siinin kaadhkana way qaateen uun mooye cida ay dooranayaan iyo waxa ay doooranayaanba may garanaayn.waxa kale oo uyidhi wondhimageny badankoodu magic uun bay sheegayeen,magaacyada ay noo sheegteen ayaanu ku cawinaynay.qaar magaca iyo calamada ay dooranayan garanayayna way jireen hadana waraaqda inay ku calaamadiyaan dhib bay ku ahayd, inta aan hor keenay goob joogayaasha ayaan u calaamadinay ayu yidhi.

Guud ahaan dadki tirade dhama 580ka cod bixiyayaal ee halkaasi isugu yimid boqolkiibaa 40 waxa ay u baahdeen cawimad ayuu yidhi gudoomiyaha goob doorashadaasi, qabalaha joule oo aad ugu dhaw magalada dhabrebirhaan hadii ay sidaasi noqotay qabalayaasha aad uga fog magalada ee miyiga ah een warbahintuna gaadhayn arintu in ay sidaasi ka sii darayso ayuu noo sheegay.

Dhibaatada soo gaadhay hawl fuliyayaasha ee taasi ka daran na waxa ayahayd arinta sacadah shaqo . malinti ka horaysay malinti doorashada laga bilaabo waxa ay ku qasbanayeen in shaqo ay u taagnaadaan.inkasta oo qaar ka mid ah habeenki ay 600 oo bir lagu seexiyay albeergo intii kale see waxa qasab ahayd in ay u hooydaan isla goob doorashada malint doorashada.intii ay hawshu dhamaanaysay ee xafiiska aag doorasho ka gudoomayay in ay dhiibaato badan ay la kulmeen ayay sheegeen.waxa kale oo aysheegeen habenimadi markii ay shaqooyinkoodi dhameeyeen dadkii ay xafadoohodu fogaayeen in kuwii kale ay sii dha weeyeen nabadgalyona ay ugu dhamaatay.

Waxaan kale oon maqalnay in halkaasi cunto loogu diyaariyay shaqalaha balse kuwi habeenimadi halkaasi baryay ay ka yaraatay cuntadu,waxa ay sheegeen quraaci habayaraate in aanay jirin balse ganacsato shaah iyo bun ka ganacsata ay u keentay ayna ka faiidaysteen,waxaan sido kale an ogaanay in haawl fuuliyayaashi minasubaxdii shaqada bilaaay habeenimadiina dhaxanta ku shaqaynayay markii danbe ay qasab ku noqotay in inta ay kaartoon gogladaan iyaga oon waxba huwan ay dhulka iska seex seexdaan kooxdi nabad sugida ee halkaasi joogtana in loo diyaariyay meelo ay seexdaan iyo furaashyo oo ay ku seexdeen ayaga oo is badbadalaya. Cidhiidhigi shaqo ee halkaasi ka jiray awgeed qaar ka mid ah hawl fuliyayaashan in ay xanuun dareemeen oo dhakhtar la geeyaya oo la soo daaweeyayna waan maqalnay.

Inkasta oo hawl fuliyayaasha dhawr bilood ka hor tababar la siiyay hadana waxa ka muuqatay karti laan.waxa halkaasi laga arkay in hawl fuliyayaashu iyo gudoomiyuhuba ay fahansiin kari waayeen wax sahlan cod bixiyayaasha oo ay murmayeen mudo dheer,waxa halkaasi laga arkay intii ay doorashadu socotay dhibaatooyin yaryar oo la xalin kari waayay.intii ay socotay doorashadu dhibaatooyinka isticmaalka agabka iyo wax fahansiinta midiba midka kale way ka duwanaayd.si gaar ah na hal hool oo 4 goob doorashooyin ku dhax yaliin waxa ka muuqatay qaab kala duduwan ooy codadka ku tirinayeen, sidoo kale tusaale ahaan inta aanay waraaqaha codadka tirinin in ay shabadaysan yihiin iyo in kale ma aanay hubsanayniin ugu danbaynti cidi sidaasi samaynaysay gudoomoIyayaasha goob doorasho ayaa saxayay arintaasina, waxa u fiirsaday hal wariye oo halkaasi joogay hadana wax talo ah kamuu siin karaynin,khaladaadyo kasta oo halkaasi ka jira hadii u arko inu arko oo u iska dhaafo mooye kamaanan hadli karayn buu yidhi wariyuhu.

Waxyaabihi aan layaabnay ee halkaasi ka jiray ee ahaa karti buuxda oonay lahayn shaqaaluhu moye inti u badnaayd hawlahoodi way ka soo baxeen.qaar ka mid ah haawl fuliyayaasha oon fahansanayn amarada doorashadana inay wariyayaasha xog siyaan way diideen.waxaan kale oon la yaabnay mid ka mid ah hawl fuliyayaasha oo soo sakhraamay ayaa la tirinaayay codadka shaqaalaha iyo goo joogayaasha oo ka qoslinaayay,hawl fuliyayaashi shaqadooda sidii looga baahna u qabsanayay kasakown waxaan la yaabnay qaar iyagu dhumaalaysi ku baxaayay.

Dhinaca kalena gobolka walo goob doorasho la yidhaahdo tehuledere waxa ka dhacay goob joogayaashi oon imanin ayay hawl fuliyayaashu fureen sanduuqi codka lagu ridaayay taasina waxa ay ku mutaysteen xadhig,balse danbi kale oo lagu sheegay maanu maqal.codadka marki la tirinaayayna waxaan isku daynay in aan indho indhayno addis ababa oon la yaabnay malinti ku xigtay maalint doorashada 4 sac oo barqonimo hal goob doorasho wixii aan ku aragnay way ka duwanayd kuwa kale.boolisku inkasta oo u noo diiday inaan galno balse inaan wariyayaasha loo diidi Karin inta aan ka dhaadhicinay ayaan gudaha galnay oon aragnay codadkii oo la tirinaayo.waxa la yaab ahayd in aan la kala saarayn goob joogayaasha iyo hawl fuliyayaasha,intuba waxa ay isugu soo uruureen meesha codadka lagu tirinaayo,tanina waxa ay khaldi karta goob joogayaasha xisbiyada u jooga oo sii hagaagsan ugu fiirsan karayn. Si fiican u tiriyaa ayaa kolba la isku xasuusinaayay, goobtaasi oo kaliya mahee goob kastaba way ka jirtay.

Arinta sidaasi ah ee ay ka muuqatay dhayalsigu goob joogayaasha ka socday xisbiyada iyo kuwa ka madax banaaniba in ay marki horeba arintan ay ka sii fiirsadaan ayaa looga baahna,xaaladahan oo kale xafiiska gudiga doorashooyinka waxa looga bahanyahay in ay wax ka bartaan oo ay wax ku qaataan si aan loogu noqon.imika doorashadi dhacday oo way dhaaftay laakin doorashooyinka so socda in laga hortago oo wax laga qabto khaladaadkaasi oo kale ayaa loo baahan yahay.


ቅጽ 3 ቁጥር 138 ሠኔ 19 2013

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here